SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Labadii Bombo ee aan kuu dhiibay ma qarxisay ?

Muqdisho waxa ay wakhtiyada qaar ahaan jirtay magaalo qofkasta oo Soomaliyii uu Janto isla markana uu jeclaysto in uu ku noolaado amma mar uun uu soo arko,balse wakhtigan xaadirka ah Muqdisho waxa ay daris iyo dibad yaal u noqotay qaraxyo iyo qulqulatooyin aan dhamaad lahayn .

Maalin kasta waxa aad maqlaysaa qarax ayaa ka dhacay meel heblaayo, taasi darteed waxa ay dadkii Muqdisho noqdeen kuwa markasta cabsidu ku taagan tahay , qof kasta oo Muqdisho joogana waxaa ku taagan dareen iyo cabnsi ah in mar uun qarax iyo ismiidamin uu la kulmi doono .

Waxaa kaloo iyana cabsi wayn dadka ku keentay qaraxyada iyo is-miidaminta oo aan loo aba yelayn ,kuwaasi oo ka dhacaya goobkasta oo bulshadu ku badan tahay sida goobaha ganacsiga, waxbarashada,Isbitalada iyo dhamaan suuqyada dadku ka dukamaysto .

Hadaad Muqdisho tagto maanta oo aad sidato Bac-badaw oo alaabi kugu jirto ,waxaa dhici karta in lagaa kala cararo amaba ay adiga laftaadu aad khatar gasho ,waayo waxaa loo qadanayaa in aad Bacdasi iyada ah aad ku sidato walxihii qarxayay ee dadka Muqdisho cabsida aan kala go'a lahayn ku beeray.

Qisadani waxa ay dhex martay laba nin oo farsama yaqaan ah ,kana shaqeeya samaynta iyo hagajinta Babuurta Mishiinku ka xumaado .

Labada nin waxaa la kala yidhaa magacyadooda MAADEY IYO KUUSOW:-

Maadey ayaa waxa uu rabaa in saxiibkii Kuusow uu u dhiibo laba BOMBO NAAFTO(Bombo naafto waa kucladayar ee naaftada ka shaqaysiisa Babuurta )

Waxaana la rabaa in uu Kuusow soo iibiyo Bumboyinkaasi suuqana uu geeyo madamaa ay iska cusub yihiin , waxaa isna sheekada ku jiray erayga loo yaqaano qarxis,kaasi oo dadka qaarkii ay u isticmalaan marka ay wax iibinayaan amma ay iibsanayaan ,tusaale ahaan "maanta alaabtii way noo qaraxday .

Kuusow waxa uu soo qaday labadii Bombo,waxaanu kusoo riday Bac-madaw kadibna waxa uu la yimi Suuqa Bakaraha .

Kuusow waxaa dhacday in Bomboyinkii hore looga iibsan wayay,kadibna waxa uu labadii Bombo mid kamida waxa uu u dhiibay si uu usii iibiyo nin ay saxiibo yihiin, Bombodii labaadna isaga ayaa soo qaaday kadibna waxa uu lasoo fuulay Basaska yaryar ee Xamar looga yaqaano Casiga amma BL-ka ,si uu ugu iibgeeyo suuqa Bakaraha.

Hadaba ninkii Kuusow waxa uu hada saaran yahay Baskii ,kadibna waxa talafoon usoo diray saxiibkii Maadey si uu uga waraysto in uu bal Bombooyinkii qarxiyay (iibiyay) iyo inkale, kadibna iyaga oo wada hadlaayana waa kuwan.

Fiiro gaar ah :- ninkan isaga ah ee Kuusow waxa uu sitaa Moobayl aan fiicnayn oo Sameecadu ay ka xuntahay, taasi oo sababaysa in hadalka kaa ag-dhawo ay maqligaraan fahmina karaan qofka kula hadlaaya iyo waxa uu kuu sheegaayo.

Baska caasiga waxaa saaran dad aad u fara-badan ,hal kursi oo ka banaanina ma jiro , Kuusaw laftiisu waxa uu fadhiyaa albaabkii dadku ay kana soo korayeen kana dagayeen Bacdiisii madawbaydna gacanta ayuu ku haystaa .

Hadaba maxaa dhacay ,waa kuwan iyagoo wada hadlaya :-

MAADEY:-Halow Kuusow Aboowe see tahay ma fiicnidoo ?

KUUSOW:-Waa fiicnahay Aboowe Maadey miyaaaaa ?

MAADEY:-haa Aboowe Madeey waaye ,see kaa noqotay ma i maqliwaysay.

KUUSOW:-Aboowe waa ku maqlaa Talafoonka xooga iga halaysan .

MAADEY:-Waa kasay ,Aboowe waxaa ku waydihaa ?

KUUSOW:-haa aboowe !!

MADEEY:-Labadii Bambo aan kusoo dhiibay ma qarxisay????

Dhamaan dadkii oo dhami markii ay maqleen hadalka kasoo yeedhaya Maadey isla lagu waraysanaayo Kuusow in uu qarxiyay labadii Bombo iyo in kalke ,dadkii waxa ay noqdeen dareen ku joog ,balse waxa ay sugayaan jawaabta uu bixiyo Kuusow.

KUUSOW:-Maadey Aboowe maanta Suuqa saas ma u dad badnayn .

MADEEY:-Kuusow aboowe adiga daacad ma tihid ayaan u malayhaa ,markasta oo ku dhaho Bombooyinka soo qarxi dad badan ma joogan ayaad markasta dhahaysa ,adi maxaad ka rabtaa dadka badan ,anaga waxa daani noogu jirtaa in Bomboyinkan ay noo qarxaan.

KUUSOW:-Aboowe Maadey ani daacad waa ahay ,lakiin si Bombo loo qarxiyo ma aqaani hada aya igu horaysa ,ani dhalinta yaryarka ah ayaan u dhiibi jiray Bombooyinka ayagana dhakhso u qarxin jiray .

Dhamaan dadkii Baska wada saraa hal mar ayay is-wada egeen ,balse sida lagu yaqaano xaladahan oo kale ma dhici karto in qofna qof kale uu la hadlo amma uu wax waydiiyo,taasi oo laga cabsi qabo in qofkaasi hadlay si gaar ah loo bartilmaameedsado.

Intaasi waxa kale oo dheer ninkii Kuusow oo markasta mashquul ku ah Bacdan madaw ee uu sito ,kaasi oo markasta eegaya gudaha .

Waa kuwan wali iyaga oo sheekadii sii wata :-

MADEEY:-Aboowe waa ku fahmay barkee ii waran ,goorma lee qarxinaysa labada Mombo ,si aan shiidka (busarada) uga baxno ?

KUUSOW:-Aboowe horta halkii Bombo ee yarayd waxaan uga soo tagay wiil aan saxiib nahay oo jooga isgoyskii Bakaraha .

MAADEY:-see kaa noqotay maxaa uga soo tagtay, yaa qarxinaya ?

KUUSOW:-Aboowe wiil ayaan uga soo tagay waxa uu dhahay marka hada dadku sooqa ku soo bato ayaan qarxinayaa !!

MAADEY:-yaa waaye wiilka aad uga soo tagtay Bomboda ?

KUUSOW:-aboowe Gaabow waaye no .

MAADEY :-waar midkaas wax ma qarxin yaqaano ,Bomboyin hore oo loo dhiibayba rag kale ayaa qarxiyay ,waana khayanole abow-abow Kuusow waaba kasoo dartay hada !!

MAADEY:-hada inay qaraxday iyo inkale see ku oganaysa Kuusow yaaab !

KUUSOW:-maya aboowe may qarxin wali ,waa dareemi karaa ,dad badan oo aan saxiibo nahay oo ogaa igaarka marka aan Bomboda u dhiibayayna waa isoo wici lahayeen haday qaraxday Bombadii .

Fajacii iyo amakaagii ayaa dadakii ku batay,cabsidii waxa ay noqotay heer xataa dadka badankiisii ay iloowaan halkii ay Baska kaga dhaadhici lahayeen.qofkastaba waxa uu mashquul ku noqday qaabkii uu arintan uga badbaadi lahaa.

Balse iyada oo xaaladu ay halkaasi marayso waa kuwan wali iyaga oo sheekjadii wata:-

MAADEY:-Kuusow hada Bombada aad gacanta ku haysee waa midee?

KUUSOW:-Aboowe Bombada hada Bac-madawda iigu jirtaa wa midii waynayd oo aadka u culayska badnayd ,oo aad idhihi jirtay waxa aad kusoo qarxisaa suuqa Xamar wayne !!

MAADEY:-Aboowe Kuusow wakhti ayaa inagu socda, Bomboyin kale ayaan rabnaa in Xamar oo dhan lagusoo qarxiyo ,markaa waxa loo bahan yahay in hada mida Bombada ee aad Bacmadawda ku hayso aad hada qarxiso !!

Kuusow inta uu Bacdii uu sitay hoos u firiyay Gacantana uu galiyay ayu waxa uu yidhi .

KUUSOW:-Aboowe hada ayaan qarxinayaaba,walee midaa say u qaraxdo adaa yaabi*******

Hadalkaasi markii uu afkiisa kasoo baxay ,ayaa dhamaan dadkii waxa ay bilabeen in aanay hada wixii ka danbeerya aanay sugun gariirka qaraxa uu sheegayo ,qofkastaba meeshii uu islaha waad ka bixi kartaa ayuu madaxa la galay ,kadibna dadkii waxa ay noqdeen kuwo dhamaan Babuurkii daqadahiisa ka daata, ilayn Albaabkii Baska Kuusow ayaa la fadhiya Bac-madow oo cid agtiisa ka ag wareegaysaa ma jirtee.

Babuurkii cid ku hadhay ma jirto xataa ninkii darawalka ahaa cagaha ayuu wax ka dayay.

Kuusow laftiisa waxaa ku dhacay argagax iyo amankaag,kadibna isaga oo aan faham-sanayn waxa laga cararaayo in ay isaga yahay ayaa waxa uu ka daba cararay dadkii isaga oo Bacdii madoobayd la daba rooraaya.

Waxaaba taasi kasii daran markii ay dadkii arkeen ninkii qaraxa hadal hayay oo dabadooda ordaaya isaga oo bacdii madawbaydna gacanta ku sita ,taasina waxa ay sababtay in dad badani ay u arkaan in ninkani uu qarax la daba rooraayo.

Xajadii xumaatay Dadku Jahada ay u kacaanba waa uu ula kacayaa .mardanbe ayaa waxa uu ogaaday waxa ay dadku ka cararayaan in uu yahay isaga iyo Bacadan madaw ee uu sito ,waxa kale oo uu dareemay in labada eray ee kala ah Qarxis iyo Bombo ay iyaguna cabsi aad u badan dadka ku reebeen.

Kadibna dadkii ayuu u dhawaaqay isaga oo leh :-alab Babuur oo an rabo suuga in aan kasoo gado waar waar waar.

Saxiib Xamar hadaad tagto Bombana hasoo hadal qaadin Bacmadowna ha qaadan.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


Qareen/khadar Ibrahim Aar