SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya BBC-da iyo mirqaanka Qaadka.

Xiliyada ay dagaladu amma qaraxyadu ay dhacaan dhulka Somalida meel ka mida, inta badan dadku waxa ay la kulmaan qas iyo qalaase aad u farabadan ,kuwaasi oo ku yimaada dhamaan goobahaasi uu dagaalku amma qaraxu ka dhacay,

Dagaalkasta amma qarax kasta oo dhaca waxaa hubaala in uu galaafto boqolaal qof oo ka ag-dhawaa goobtaasi dagaalku amma
qaraxu uu ka dhacay ,kuna burburaan hanti iyo maal aad u fara badnan.

Maadama wakhtiyo aad u fara'badan dhulka ay Somalidu degto qaar ka mida ,ay kusoo noqnoqdeen dagaalo iyo Qaraxyada aan kala go'ayn kuwaasi oo ay ku dhintaan kuna nafoobaan dad badan oo iyagu waxba aan galabsan.

Waxaa isaguna sidoo kale qay wayn ka ah mushkiladaha Somalida haysta Geedka loo yaqaano Qaadka kaasi oo qayb wayn ka qaatay in fikirkii iyo caqligii saliimka ahaa uu meeshii ka baxay .

Qaadku waxa uu si lama filaana uga hor joogsaday bulshadii Somaliyeed dareen kii iyo garashadii wax badan oo dantooda ah ,kaasi oo xataa gaadhsiiyay heer uu qofku aanu iswaydiinba waxanu ma runbaa mise waa been.

Madamaa xiliyadii aadka u fogaa ee ay Somalidu qaadka qabitintay Idacada kaliya ee la dhagaystaa ay ahayd BBC-da ,waxa ay noqotay Idacad Somalida si lama filaana caqligooda iyo fikirkooda u degtay, raad aad u wayna ku yeelatay fahamkii noloshooda.

BBC-du waxa ay Somalida akteeda ka noqotay warbaahiye Run iyo Been aan waxba la iska waydiin waxa ay sheegto ,garaadka qofka Somaliga waxa uu qabatimay in BBC-du ay tahay run sheegto ,taasi oo ina gaadhsiisay ilaa heer marka war la xaqiijinaayo la yidhaahdo " Walaahi BBC-DA SHEEGTAY.

Waxaa jiri jirtay ilaa hadana wali aan caqliga Somalida ka bixin in marka laba qof ay war isku qabtaan ,la doonayana in la ogaado warkaasi runtiisa daliilka kaliya ee lagu kala baxaa uu yahay BBC-du ma sheegtay , hadii ay noqoto in ay BBC-du sheegtay macnaha waxa ay ka dhigan tahay warkasi waa run.

Bal sheekadan ila akhriso.

Akhristow waxa jiray nin Darawal ka ahaa Gaadhi kuwa gurmadka dagdaga ah (Ambulance) Gadhigaasi oo ka hawl galijiray Magaalo ka mida Magaloyinka Somalida,Gadhigaasi oo uu wade amma darawal ka ahaa nin ka mida kuwa sida aadka u isticmaala cunista Geedka Qaadka.

Habeen habeenada ka mida ayaa Ninkii Mirqaansane oo xaaladiisu ay marayso meeshii ugu danbaysay mirqaan ,isla markana ay hortiisa dhooban yihiin adeegii kala qayb qadanayay in uu gaadho mirqaanka uu hiigsanaayo ,sida Shahii bigayska ah,Rikodhkii oo ay uga jirto Cajalad Khadra Dahira,Sigaarkii oo marka ay xabadi ka dhamaataba uu xabad kale ku daba qabanaayo.

Iyada oo xaaladii Mirqaansane ay halkaasi marayso ayaa waxa uu markaliya maqlay Qarax aad u xoog badan oo ka dhacay meel aan sidaasi uga dheerayn goobta uu fadhiyo, waxaa kaloo isaguna sida ugu dhakhsaha badan markiiba amar u siiyay ninkii gaadhka u lahaa Dhakhtarka oo isaguna qaraxa lagu soo wargaliyay.

Mirqaansane madama uu ahaa wadaha iyo darawalka Gadhiga Ambulance ka ,waxa uu dagdag u fuulay Gadhigii kadibna waxa riday amma uu shiday Isharadii amma guluubkii tilmamayay in Gadhigu uu ku degdegaayo xaalad gurmad.

Marqaansane waxa uu gaadhay goobtii uu qaraxu ka dhacay ,kadibna waxa uu si degdega usoo qaaday 15 Shan iyo Toban qof oo goobtaasi ku naf waayay kuna Geeriyooday ,waxa uu usoo jahaystay dhinacii dhakhtarka .

Akhristoow intuu uu dhexda ku soo jiray ,ayaa madamaa Gadhiga uu Mirqaansane wado uu leeyahay Idacad amma Radio ,waxaa kasoo gashay Idacadii BBC da taasi oo ka waramaysay Qaraxa goobtan uu Mirqaansane ka shaqaynaayo ka dhacay .

Idacadii BBC oo ka waraymaysa Goobtaasi khasarahii ka dhacay ayaa waxa ay sheegtay, in Goobtaasi ay ka dhasheen khaasaare aad u wayni ,kaasi oo ay ku nafwayeen dad dhan 10 Toban qof oo kaliya .

Waxaase layaable ninkii Mirqaansane isagu waxa uu gadhiga ku sidaa dad dhan 15 qof oo mayda ,balse markii uu BBC-da ka maqlay in dhimashadu ay tahay 10 qof oo kaliya ,waxa uu rumaystay in sida ay BBC-du sheegaysaa ay run tahay,kadibna inta uu Gadhigii sida ugu dhakhsaha badan Bireega ugu qabtay ,ayaa waxa uu furay Albaabkii danbe ee gadhiga kulahaa "Cayaarta iga daaya shanta nooli si dhakhso ah hawsoo degto.

Bal u fiirso ninkaasi mirqaansane waxa uu rumaysan la'yahay maydadkii ay isaga iyo saxibadii ay Gacantooda kusoo tiriyeen,waxa uu rumaysan la'yahay dadka Geriyooday ee gadhiga saaran ee Hawl-wadeenadii hawsha qabil sanaa ay usoo tiriyeen.

Waxaa wax lala yaabo ah in uu Mirqaansane rumaystay xaqiiqsadayna in dadka Maydkoodu Gaadhiga uu saaran yahay ay yihiin 10 qof sida BBC-du ay sheegtay,balse shanta qof ee kale ee dheeraadka ah ee isaga u tirsani ay yihiin kuwo nool ,taasi oo ku kaliftay in uu yidhaahdo ,yaakhey iga soo daga cayaartana iga daaya .

Saxiibayaal waxa aan iswaydiiyay maxay ayay tahay xidhiidhka iyo cilaqada inta badan ka dhaxaysa Mirqaanka iyo BBC da ,amma Jaadka iyo BBC-da,waayo waxa aan in badan maqlay halku dhigyo badan oo lagu soo qaato BBC da iyo mirqaanka Jaadka.

Waxa aan xasuustaa Akhyaartii reer Berbera ee Sariiraha Cadiirka ah ku qayili jiray ,waxaa laga sheegaa in qaar kamida cunista Qaadku uu la gaadhi jiray in ay kusoo jedaan ilaa xiliga Waabariga .

Waxa aan sheeko ku maqlay in erayga "Habeen kama tagin "uu salka ku leeyahay dhagaysiga idacada BBC-da ,taasi oo lagasoo xigtay ,kadib markii koox saxiiba ah oo wada qayilaaya uu Waagii u beryay iyaga oo Qaadkina u buuxo merqaankiina aanu gaadhin .

Hadaba si aan goobtaasi la fadhiyo aan loogu kala kicin,ayaa mid kamida ayaa waxa uu Rikodhkii uu sitay uu saaray idacadii BBC-da oo hadlaysa,taasi oo uu sii duubay xalay markii ay sacadu ahayd Sagaalkii habeenimo ,markii ay saxibadii waydiiyena waxa ay tahay idacadani ,ayaa waxa uu yidhi ,saxibayaal iska qayila habeen inagama tagine,taasi oo uu uga jeedo sacadu waa Sagaalkii fiidnimo.

Marka aad waxasi oo dhan isku soo wada duubto waxa meesha kaga soo baxaysa dabinkii iyo dibin daabyadii Gumaysigii Ingirisku unoo qoolay waxa ay noqotay mid la halmaasha nolosheena dhamaan ,taasi oo ay adag tahay sida aynu uga gudubnaa .

Waxaa kaloo ii muuqata in uu wakhtigan xaadirka ah uu Qaadku inala maraayo meeshu u halista badnayd ,taasi oo naf iyo maalba ay Somali uu la dagay ,laguna halmaamay wax badan oo aynu qabsan lahayn inta aynu Qaadka u fadhino.
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar