SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gabadh jacayl dhab ah u qaaday mid ka mida hor-jogayasha Al-shabaab.


Qisadani waxa ay dhacday xiliyadii Xarakada Al Shabaab ay haysteen gobolada Jubooyinka gaar ahaan ee Kismaayo iyo nawaaxigeeda ,waana sheeko guur oo dhex martay nin dhalinyari ah iyo gabadh gashaantiya oo ku wada nool deegaanka Juboyinka.

Ninkan dhalinyarada ahi waxaa uu ka tirsan yahay xarakada Shabaab ,waana nin magac iyo muuqba ku dhex leh xarakada uu ka tirsan yahay ee Al-shabaab,waa nin xarakada Shabaab gudaheeda ku leh magac aad u wayn ,inkastoo nanaystaasi aynaan halkan ku
sheegayn hadana waxa inoo astaan ah magaca Abu-jihaad, gabadhuna sidoo kale waa Nuuriya Abaheedna waa Aw-Jaamac.

Ninkan dhalinyarada ah ee Abu-jihaad marka laga yimaado fikirka iyo afkaarta Al-shabaab ee uu aamin-san yahay ,waa nin si aad ah uga soo horjeeda aqoontii iyo fahamkii ay lahayeen culimadii hore ee Somalida ,wakhtigan xaadirkana loogu magac daray Ehelu-sunna wal jameeca.

Abu-jihaad waa nin dhalinyaro ah oo kutubahii ay culimadii hore ee Somalidu akhriyi jereen sida ,Mawliidka ,Muraaqibka ,Burdaha iwm ka aminsan in ay yihiin Kutub baadi iyo dalaal ku sugan isla markana dadka lagu lumiyay Diintoodana lagaga marin hababiyay.

Abu-jihaad waxa uu ka rumaysan yahay culimadaasi la magac-baxday Ehelu-sunna-wal-jameeca in ay yihiin kuwo si cad uga ridoobay Diinta Islaamka kadib markii ay si aan gabasho lahayn u tageera cadawga Ilahay sida Ethopiya ,Kenya .

Aw-jaamac waa abaha dhalay Nuuriya ,waa nin wadada oo kasoo jeeda culimada deegaanka,waa nin aqoon aad u badan ay u leeyihiin dadka deeganku,waa nin kasoo mid ahaa culimadii wakhtiyadii hore gobolkaasi ka fidid jiray culuunta Diinta.

Aw-jamac waa sheekh ku abtirsada culimada Ehelu-suna-waljameeca,waa sheekh fikirka iyo fahamka uu ka haysto xarakada Al-shabaab ay tahay mid aad u fog,Aw-jamac waxa uu u haystaa xarakada Al-shabaab in ay tahay mid ku soo duushay isla markana inqilaab ku samaysay ,baabisayna, dadalkii Dineed ee ay culimada Ehlu-suna dalka ka waday.

Aw-jaamac waxa kaloo uu ka amin san yahay, xarakada Al-shabaab in ay yihiin niman Albabada u xidhay xidhiidhkii ka dhexeeyay bulshada iyo culimada Ehlu-sunaha ,kadib markii ay mamnuuc ka dhigeen akhritii iyo barashadii kutubaha ay ka mid yihiin Mawliidkii,Muraqibkii,Burduhii iyo dhamaan Kutubahii tawasulka Awlidaya .

Aw-jaamac waxa kaloo marnaba aanay heshiis ku noqonayn iyaga iyo xarakada Al-shabaab ,kadib markii Al-shabaab ay mamnuuc ka dhigeen booqashadii iyo dawaafkii Qabriyadii Aw-liyada ee laga barakaysan jiray ,Qabriyadaasi qaar kamidana Al-shabaab ay dibada soo qufeen sirtii ku hoos duugnayd.

Aw-jaamac waxa kaloo uu xarakada Al-shabaab ka amin san yahay ,niman aan Diinta islaamka nasteex u ahayn loona bahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan wadanka looga saaro dagaal Jihadana lagu qaado.

Gabadha Nuuriya ee uu aw-jaamac dhalay ,iyada wali uma kala baxsana ,aqoon fiicana uma laha afkaarta iyo fikirada Diineed ee ay kala aamin sanyihiin amma ay ku kala duwan yihiin culimada Somaliyeed ,balse wakhtigan xaadirka ah iyadu waxa ay si aad ah ula dhacsan tahay ,qaab xukunka xarakada Al-shabaab iyo awooda faraha badan ee ay wadanka ku leeyhiin .

Hadaba iyada oo afkaarta iyo fahamka Dineed ee ay labada dhinac kala haystaan uu halkaasi tagan yahay,ay adag tahayna in marnaba ay isu soo dhawadaan amma ay waxuun heshiis ku noqdaan ,midkastana qumanahiisu qoorta u sudhan yahay ,ayaa waxa uu jacayl ka dhex abuurmay gabadh uu dhalay Aw-jaamac iyo Abu-jihaad oo ah nin ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Abu-jihaad iyo Nuuriya waxa ay is yaqaneen mudo aad u badan ,waxanay lahayeen sheeko wadaag qarsoon ,waxaanay labadooduba gadheen heer ay isjecladaan isla markana uu midkastaba midka kale uu u arko in uu yahay qofkuu nolosha la-wadaagi lahaa .

Abu-jihaad waxa uu kalsooni aan lasoo koobi karin ku qabaa la sheekaysiga gabadhan Nuuriya ,waaxanu aad ugu farax san yahay in mar uun ay noqoto oridiisi runta ahayd ,balse madamaa uu ku jiro dagaal iyo dirir aan kala joogsi lahayn ,isla markana aan la garanayn wakhtiga uu dhamanaayo ,waxaa ku adkaatay Abu-jihaad in uu helo fursadii uu gabadhan Nuuriya ugu geed fadhiisan lahaa .

Nuuriya lafteedu wiilkan ay isjecel yihiin ee Abu-jihaad waxa ay ku qabtaa kalsiini aan lasoo koobi karin,wax ay jeceshahay hanaankiisa iyo habka uu dagalada u galo oo uu inta badan isagu uga sheekeeyo xiliyada uu firaaqada leeyahay.

Malin maalmaha ka mid-ah ayaa Abu-jihaad waxa uu lasoo hadlay gacaladiisii Nuuriya waxaanu u sheegay ,madamaa wakhti aad u badan ay soo sheekaysanayeen in hada la gaadhay xiligii arintan waalidka loo bandhigi lahaa,waxaanu ka codsaday in ay Abaheed arintan u bandhigto una sheegto in lasoo doonaayo loona soo dadab galaayo.

Waxa kaloo uu Abu-jihaad Nuuriya u sheegay wakhtiga uu doonayo in uu u yimaado reerka ,isaga oo ka codsaday madama uu wakhtigu ku yahay cidhiidhi in ay ku dadaasho in ay arintasi waalidkeed u bandhigto lana socodsiiso,kadibna ay dib ula soo hadasho.

Akhristow arintu hada waxa ay maraysaa meel aad u xasaasi ah,way adag tahay in Nuuriya ay abaheed u sheegto in uu Guursanaayo nin ka tirsan xarakada A-shabaab ,waxa kaloo iyana carqalad labaad ah ,in ay sheekhto in ninka guursanayaa uu yahay Abu-jihaad ,kaasi oo Aw-jaamac si fiican uu u yaqaano waxbadana uu ka tirsanaayo.

Ayaamo ka bacdi ayaa gabadhii Nuuriya waxa ay ku tashatay in aanay abaheed waxba u sheegin isla markana aanay la socodsiin arimahan ,taasi oo ay u aragtay in uu abaheed u diidi karo ninkan ay jeceshahay ee Abu-jihaad ,madama uu abaheed neceb yahay xarakada uu ka tirsan yahay ee Al-shabaab.

Nuuriya waxa ay go'aan satay in gacaliyahedii Abu-jihaad ,ay la hadasho una sheegto war been ah,kaasi oo odhanaya in ay abaheed u sheegtay arintii guurka isna uu la waafaqay.

Nuuriya in ay sidaasi yeesho waxaa ku kalifay ,waxa ay og tahay si fiicana ay uga warhaysaa halka ay kala taagan yihiin culimada uu abaheed ka tirsan yahay ee Ehelu-suna waljameeca iyo Abu-jihaad oo ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Nuuriya waxa kaloo ay si gaar ahaana ula socotaa halka uu abaheed ka tagan yahay nimankaasi Al-shabaab ,waxanay dareemaysaa in hadii ay abaheed la socod siiso arintan,una sheegto ninka soo doonaya midka uu yahay ,waxa ay ogtahay in aan ninkasi la siinayn,taasi oo keeni karta in Abu-jihaad markaasi xoog ku kaxaysto, iyada iyo abaheedna aay halkaasi ku kala dhintaan.

Iyada oo arintu ay halkaasi tagan tahay ayaa waxa lasoo gaadhay xiligii balanta ee lasoo dooni lahaa Nuuriya ,waa maalin Isniina Nuuriya waxa ay isu diyarinaysaa sidii ay isu qurxin lahayd madama maanta tahay ayaantii Abaheed laga soo doonayay.balse hadana Nuuriya kama dahsoona madama aanay abaheed waxba la socodsiin ismaan dhaafka halka ka imankaraa dhibta uu leeyahay .

Sacaadu waa Casar gaaban ,Aw-jaamac waxa uu fadhiyaa Gurigiisa hortiisa waxa dhabta u saaran oo si cabsiyo ku jirto uu kolba baaj u dalacanayaa Kitaabka Mawliidka oo gayigan laysaga dacareeyay.

Aw-jamac waa uu jeclaan lahaa in uu kor ugu luqeeyo akhrista Kitaabka Mawliidka si uu ugu raxaysto qalbigiisana ugu qaboojiyo, hadalada iyo odhahaha kitaabka ku qoran ee ay ka mid tahay :-
يا وليّ الحسنات *** يا رفيع الدرجات
صلى *** دائما طوْل الدّهر 􀬲 فعليك



آفّر عنى الذنوب *** واغفر عنى السيئات

انت غفار الخطا يا *** والذنوب الموْبقات

أنت ستّار المساوى *** ومقيل العثرات

عالم السّرّ وأخفى *** مستجيب الدعوات
taasi oo u ahaan lahayd xasuus iyo xiisa gaar ah ,balse xaalku intaasi ka wayn.

Waxa la gaadhay sacadii balantui ahayd .

Aw Jamac oo Gurigiisa hortisii salawadka Nabiga csw ku qaadaya , ayaa waxa Gurigisii hore iyo dibadba isku wareejiyay ciidan xoog badan oo uu watto ninkii Abu-jihaad ee inanta kasoo doonayay,kuwaasi oo wata Babuurta gaashaman iyo cidan ku labisan dirayska had iyo goor u gaar ah xarakada Al-shabaab.

Nuuriya markii ay maqashay guuxa iyo gariirka Babuurta ,waxa ay garatay in uu yahay halyaygay usoo dadab-galayay ee ay jeclayd, kadibna waxa ay si dhakhsa ah u furtay Daqada Guriga, waxanay markiba indhaha ku dhufatay oo anay dhinacna uga weecen Abu-jihaad oo ku labisan dirayska Cagaran ee ay caanka ku yihiin Al-shabaab,garabkana uu u sudhan yahay Qori AK 47 isla markana ay garbihiisana ay socdaan ilaladii gaarka ahayd ee uu lahaa.

Isla markiiba waxa ay gaadh dable laga qabtay Gurigii Aw Jamac iyo Hareerahiisii , ilayn waa Niman taxadarka iyo is ilaalintu ay ku badan yahaye dhamaan Gurigii Aw Jamac iyo hareerahiisiba waxa lagu kala fayliyay cidamada sida gaarka u tababaran .

Dadkii Aw Jamac la jaarka ahaa waxa ay markii ay arkeen ciidanka kusoo af-yeeshay Guriga aw jamac, waxa ay u fahmeen ,in Aw.Jamac Layn soo galay,khatarna uu ku jiro madama ay horana ugu ogaayeen in uu yahay Nin kasoo jeeda Culimada Ehla-suna-waljameeca ,colaad waynina ay ka dhaxaysay isaga iyo Al-shabaab.

Aw-jaamac markii uu arkay in ciidankani uu yahay mid si gaar ah isaga loogu soo diray ,talabadii u horaysay ee uu qaaday waxa ay noqotay in uu qariyo guntiga hoostisana uu galiyo Kitaabkii uu akhrisanayay ee Mawliidka ,kaasi oo uu u arkay in hadii ay ku qabtaan nimankani in ay ciqaab adag marsiin donaan.

Aw-Jamac xaalku jiq ayuu ku yahay ,wax alaale wax uu sameeyo ayuu garan waayay ,waayo arintani waa lama filaan iyo kadiso .Aw-jamac in uu nimanka fadhiga ku sugo waa ay ku adag tahay,niyaduna ma siinayso ,in uu cararana waxa uu ka baqanaya madama ay yihiin niman dhalinyaro ah in uu cago kaga dheerayn waayo.

Fiira gaar ah :-is-maan-dhaafka meesha ka jira waxa uu yahay , Abu-jihaad iyo kooxdiisu waxa ay u socdaan arin nabad galyo oo ku saabsan Guur iyo Guri gal, kuwaasi oo Aw-jamac, Inan (gabadh) ka doonaaya ,balse Aw-jamac madama aanu arintan waxba kala socon ,waxa uu u fahmay in maanta losoo qalab qaatay in isaga lagusoo duulo.

Nuuriya oo ah gabadha arintan isku murgisay, iyada dhankeeda talaba kama qasna ,waxa ay ku jirtaa Guriga gudahiisa ,waxa ay ku hawlan tahay cusbur iyo cilaan saar ,waxa ay ku farax san tahay in uu maanta usoo dadab fadhiistay ninkii ay jeclayd, balse waxa ay warwar dheerada ka qabtaa madama aanay arintan abaheed la socod siin sida ay wax u dhici donaan.

Aw-jaamac waxa uu si taxadarleh u galay Gurigisii ,kadibna isaga oo aan cidna wax waydiin ayaa waxa uu si dhukusa (gabasho ah ) uga baxay albaab danbe oo Guriga uu ku jiraa uu lahaa,waxyar kadibna orad aan ku jirin ayuu miciin saday .

Madama uu Aw-jaamac uu ahaa nin wayn oo ay ku adag tahay in uu cararo amma uu ordo ,waxa batay kaca kufkisii ,labadii Kabood ee uu gashana midiba meel ayay kaga duushay,Cumamadii aanu waligii madaxa ka dhigin dhirtaa kala hadhay,hiinraag iyo habaar ayaa kasoo hadhay ,oradkii waxa uu ku tagay meel aad u fog

Abu-jihaad iyo kooxdisii waa ay arkayan in odaygii Aw-jaamac uu Gurigiisa galay ,balse waxa ay filayeen in uu wakhtiyar ka bacdi usoo noqdo,markii ay arkeen in xaalku sida ay moodayaan aanu ahayn, aya waxa ay u dhawaqeen Guriga cidii ku jirtay ,kadibna waxa kasoo baxday Nuuriya oo quruxdeeda aad yaabto balse Xijaab ku daboolan ,madama aan nimankan agtooda aan laga aqoon gabadh jidhkeedu banaan yahay .

Abu-jihaad oo ah ninkii gabadha usoo geed fadhiisanayay ayaa waxa uu su'aalo waydiiyay Nuuriya oo ah gabdhii uu doonayay in uu guursado ,kuna soo talagalay in maanta ay dhamaystaan arinta Meherka.

Abu-jihaad :scww Nuuriya waa sidee xaalku maanta miyaynaan balan sanayn ?!!

Nuuriya : wcs waynu balan sanayn.

Abu-jihaad : waalidka meeyay aan hawsha dhamaynee,annaga shaqaa na sugaysee ?

Nuuriya :waxa ay ku tidhi, walidkay waxa uu ka cararay waxaas oo Ciidan iyo Tiknika ee aad wadato, hadana ma joogo meel uu u cararayna garan maayo .

Abu-jihaad :waxa uu ku yidhi Nuuriya ! oo Abahaa in maanta aanu idiin imanayno miyadan u sheegin ?!!

Nuuriya :waxa ay ku jawaabtay , Abahay waxba umaan sheegin !! hadaan inaad isoo donayso u sheegi lahaa markasuu sii firdhan lahaa,waxabana dhici kari lahayd ,in uu anigana goobtan iga kaxeeyo meelkalana uu i geeyo,taasi oo aan aniga iyo adiga toona dani ugu jirin.

Nuuriya : waxaan kaloo aan islahaa ,isaga oo jooga haw yimadaan,fadhigana ha ku qabtaan,tasoo aan dareen sana in aanu markaasi ii kiindideen,sababta oo ah cabsida iyo baqdinta qaldan ee uu idinka amin san yahay .

Sheekadu markii ay halkasi maraysay Abu-jihaad iyo saxibadii waa ay dareemen ismaan dhaafka wayn ee meesha ka dhashay iyo sababta keentay in uu Aw-jaamac Gurigiisa ka firdhado.taasi oo ay ku sababeyeen colaada aadka u fogaatay ee ka dhaxaysay Al-shabaab iyo Ehla-suna-waljameeca.

Madama Abu-jihaad iyo Nuuriya ay yihiin kuwa uu ka dhaxeeyo Jacayl ay waayo badan isla soo mareen, ay adag tahayna in uu Abu-jihaad si-yar oo fudud uu uga hadho Guurka Nuuriya caqabadkasta ha ku timadee ,intaasi ka bacdi Abu-jihaad iyo saxibadii waxa ay ku tashadeen in odaygii Sheekh Jamac la radiyo ,loona caqli ciliyo.

Mudo ayaama ayaa Aw-jamac meel uu jaan iyo cidhib dhigay la waayay ,meel kasta iyo Tuulo kasta waa laga radiyay ,Aw-jamac waxa uu maqlay in ay radinayaan kooxdii Al-shabaab ee uu marka horaba kasoo baxsaday,taasina waxa ay kusii beertay argagax iyo firkanax aad u wayn.

Dadkii deeganka dagana iyaga oo sababta Aw-jaamac loo raadinaayo aan faham sanayn ayaa waxa ay beeshii iyo degamadii ku dhaw-dhawaa gaadhsiyeen war odhanaya ,Al-shabaab oo radinaysa Aw-jamac kuwaasi oo doonaaya in ay dilaan qoortana ka goyaan.

Aw-jaamac waxa uu baroosinka aastay kuna dhuuntay Masajid ku yaala meel tuulo ah,halkaasi oo uu Saladahiisa iskaga tukado kuna ciibadaysto,isaga oo Ilahay ka baryaya in sharka nimaankaasi oo ka badnbaadiyo.

Aw-jaamac oo Masajidkii isagaga cibadaysanaaya isla markana ku jira Salaad sunne,ayaa waxaa Masajidkii soo galay ciidankii Aw-jamac raadinayay ee Guurdoonka ahaa,kadibna waxa ay arjeen Aw-jamac ee salaad ku jira ,kadiban waxa ay sugeen inta uu ka baxaayo.

Aw-jamac markii uu saladii uu tukanayay uu ka baxay ayaa waxa uu arkay iyada oo ay korkiisa iyo hareerahiisaba ay tagan yihiin ciidan ku labisan dharkii lagu yaqanay Al-shabaab,waxba kama qarsoone waxa uu dareemay markiiba in ay yihiin nimankii raadcaynayay .haduu waxuun orad marlabaad isku dayi lahana hada korkiisa ayay tagan yihiin.

Aw-jaamac inta uu istagay ayaa waxa uu yidhi hadalada ay ka mid yihiin :-

Aw-jaamac : waar maxaad ii raadsanaysaan ee aan idinka haystaa,waar walaahi anigu ma ihi dadka idin neceb ee idinka soo horjeeda,maad dhibta iga daysaan,muddo ayaan hada duurka cararayay oo naf igu jirtaa ma jirto,Ilahay hadaad taqanan iska kay daaya!!

Wali akhriste Aw-jaamac waxaa ku jira shakigii iyo calool xumadii uu nimankan ka qabay,taasi oo keentay in aanu waydiin sababta ay ilaa malintii u daba socdaan, una raadinayaan .

Taasi waxa ay ku tusinaysaa kala fogaanshaha iyo is-fahan waaga aadka u wayn ee ka dhaxeeya Xarakada Al-shabaab iyo culimada Ehlu-suna-waljameeca ,taasi oo keentay in cabsi iyo cuqdad wayn laysu qaado ,ilaa hadana aan xal loo hayn.

Abu-jihaad oo ahaa ninka dhalinyarada ah ee gabadha ka doonayay Aw-jaamac ayaa hadalkii u baxay,isaga oo la hadlaya Aw-jamacna waxa uu yidhi:-

Abu-jihaad : Aabo anagu umanan socod arin aanu adiga kugu dhibataynayno ,xaasha mana jecli in adiga iyo qayrka-toona anu dhibatayno,hada waxa aanu u soconay horana gurigaga ugu nimi in aad na siiso noona guuriso gabadha aad dhashay ee Nuuriya.

Aw-jaamac markii uu maqlay hadalka kasoo yeedhay Abu-jihaad isla markana uu ogaaday in nimankani aanay wax cadawada ah ula socon ,ayaa waxa uu go'aan saday in isaga oo aan cidkale kala tashan ,dareenkii iyo cabsidii ku beeraydna ay wali halkeedii tahay in uu gabadhii nimanka siiyo.

Hadaba Aw-jaamac isaga oo aan ogayan ninka gabadha ka doonaya midka uu yahay,iyagana aan wadiin in ay u sheegaan ninka gabadha ka doonaya ayaa waxa uu hadal dhawaaq dheeri ku jiro ku yidhi ,gabadhi idin siiyay ,gabadhii idin siiyay gabadhii idin siiyay .

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar