SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ilahay ayaa iga bad'baadiyay ,marbay Midgaankaa u dhali gaadhay, anigana ii dhali gaadhay .

 
Dunidan Ilahay korkeeda inagu abuuray Bilaw ilaa dhamaad, waxa la wada ogsoon yahay isla markana aanu marnaba muran ka jirin in ay dadku kasoo farcameen ,hoyadeen Xaawa iyo Abaheen Aadam.iyada oo dadka muslimkiina ay yihiin kuwo isaga sii dhaw intaasi.

Hadaba iyada oo laga warqabo in boqolaal sanadood ay soo jiitamaysay dhibaatada Cunsuriyada, Yasida iyo Kala Sarraynta ka dhex taagan beelaha Somaliyeed, ayaa hadana waxa ay si gaar ah culaysku u saaran yahay Beesha Gabooye .

Muddo hada laga joogo Sanado aan sidaasi u badnayn , ayaa waxa sheeko Guur ay dhex martay Sadax dhinac amma sadax qof sida aad ka akhrin doontaan hab'dhaca sheekada,Sadaxdaasi qof oo kala ahaa Laba Nin iyo Hal gabadh.

Sheekadani maha mala'awaal iyo kutidhi ku teentii Somalida, balse waa sheeko qayb ka mida aan garnaqsigeeda aan goob joog ka ahaa,sheekadana madama ay tahay sheeko xaqiiqa oo dhacday waxa aynu isticmaali doonaa magacyo mala'awaala,sida Wacan oo gabadha ah,Warmooge iyo Wayeel oo ah labada nin .

Warmooge waa nin wadada, gaar ahaan culimada sharafta leh ee loo yaqaano Tabliiqa,Warmooge waxa uu Qabiil ahaan kasoo jeeda beelaha wax haybsooca (Ajiga) Warmooge waa nin inta badan Dacwada diinta aad uga shaqeeya ,sida inta badan lagu yaqaano Xarakada Tabliiqana waxa uu ku maqnada Gobolada Dalka si uu u fidiyo dadkana u gaadhsiiyo xujada Diinta .

Wacan iyada lafteedu waa Gabadh ka dhalatay Qabilooyinka wax hayb-sooca (Ajiga) waa gabadh Ilahay qurux iyo qayaba uu u dhameeyay,ay adag tahayna in la helo Gabadh kula tartanka Quruxda Ilahay siiyay.waana gabadh dhawr soon ,akhlaaq iyo af'gaabnina lagu yaqaano.


Wacan iyo Warmooge waxa ay isqabeen in muddo ah oo aan sidaasi u badnayn,wakhtiyadii danbana waxaba soo kala dhex galay khilaaf aad u wayn oo maare loo wayay,kaasi oo keenay in ay kala tagaan.

Inta badan waxaa caado u ah Dumarka Somalida in ninka marka ay kala tagaan ay dhacdo in ay ka fikiraan in ay si dhakhsa ah u raadiyaan Ninkii ay guursan lahayeen ee labaad,taasi oo ay uga jeedan, ku xumayn iyo ku caragsi ,ku wajahan ninkii hore ee ay kala tageen.

Wacan markii ay ka baxday xiligii cadad baxa ayaa waxa ay isbarteen nin magaciisa layidhaa Wayeel oo kasoo jeeda Beelaha la haybsooco (Gabooye) ahna nin hargaysa si fiican looga yaqaano karamo iyo sharafna ku dhex leh.

Wayaal markii isaga iyo Wacan ay ku heshiyeen arimaha guurka ,waxa uu u sheegay cida uu yahay iyo Raaska uu kasoo jeedo,waxa kaloo u cadeeyay in uu yahay nin Caruur badan leh , balse marka dhinaca kale laga eego Wayeel waa nin ka dhisan dhinaca dhaqalaha (jeebka).

Wayeel waxa uu ka codsaday Wacan in ay u yeedho Abaheed iyo tolkeed wixii jooga miyo iyo Magalaba,waxa kale oo uu ugu bushareeyay in uu Arooskeeda ka tumi doono , waxkasta oo ay u bahan tahayna uu u samayn doono.

Wacan waxa ay fariin u dirtay Abaheed oo jooga Miyiga Hargaysa,Abaheedna sida ugu dhakhsaha badan ayaa waxa uu usoo fuulay Gadhigii u horeeyay madamaa ay inantisii ka codsatay in haduu tagan yahayna uu soo dhaqaaqo hadii fadhiyana uu soo kaco .

Wacan Abaheed waxa uu yimi Magalada Hargaysa, kadibna waxa ay si gaara isu arkeen Inantisii , waxanay u sheegtay ninka Guursanaya iyo cida uu yahay ,waxa kaloo ay ku dhiirisay in aanu marnaba aanu u diidin ninkaasi ,iyada oo ka cabsi qabta in dhinaca tolka tashuush lagaga soo furo odayga ,iyada oo loogu soo gabanaayo cunsuridada lagu hayo ninka ay guursanayso Qabiilkiisa ..

Wacan Abaheed madama uu ahaa nin oday ah isla markana dhinaca Diinta wax ka yaqaana, waxa uu wacad ku maray in uu inantisa u guurin doono ninkasi ay rabto ,wax shuruudana aanu ku xidhi doonin .

Waxa laga hayaa Odaygaasi Halku dhig ah, Ninku mayahay Muslim ,haaa ,mar haduu Muslim yahay Inantayda waa uu gayaa waanan u guurinayaa, ninkii ka cadhoonayaa ha ka cadhoodo.

Ayaamo ka bacdi intii aanu dhicin Meherka Wacan iyo Wayeel ayaa waxa arintii maqlay Raaskii iyo qarabadii ay kasoo jeeday Inantu,kadibna waxa ay weerar Cir iyo Dhula kusoo qadeen odaygii ,iyaga oo ka codsaday in uu arintan Dagdag uga laabto,hadii kale se ay ka saari doonan dhaqanka iyo qadhaanka uu tolka la leeyahay.

Odaygii talo ayaa ku cadaatay, warwar iyo walbahaan ayaa kusoo fool yeeshay ,balse waxa uu go,aan ku gaadhay in aanu marnaba ka noqon balantii iyo wacadkii uu u qaaday inantiisa iyo ninka Guursanaya,aakhirkiina waa uu isu meheriyay isuna guuriyay.

Wacan iyo Wayeel waxaa u dhacay Aroos aad u fiican ,Warla waxa ay mabsuud iyo badh ka noqotay sida fiican ee gobonimada leh ee uu Wayeel uga tumay arooskeedii .waxaa intaasi dheera in Wacan Lacagtii Meherkeeda uu u qadimay fartana ka saaray sida sharcigu dhiigaayo.

Wacan iyo Wayeel waxa ay noqdeen Laba qof oo Xafada ay dagan yihiin aad loogaga sheekaysto aadna looga hadal hayo,waxa ay la soo baxeen dhaqan aan inta badan Somalidu lahayn oo ah in ay markasta oo ay suuqa u baxayaan ay isracaan isna weheshadaan.

Balse nasiib darro hadal tiradii faraha badnaa iyo isu qudhiwaagii Somalida Wacan iyo Wayeel waxa ay noqdeen kuwo aan wakhtibadan isa sii calfan,aakhirkiina waxa ay ku danbeeyeen kala tag iyo kala carar.

Muddo ka bacdi ayaa waxaa maqlay Guurkii Wacan ninkii odayga ahaa ee ay hore u kala tageen ee Warmooge,waxa kaloo loo sheegay loogana sheekeeyay ninka guursaday Gabadhii uu furay in uu yahay ,sida ay hadalka u dhigeen nin Midgaana .


Tabliiq kasta ha iska ahaadee hadana waxaa ka xoog roonaday dhaqankii iyo Kaljarkii xumaa ee aynu lahayn ,waxa uu noqday nin ilaabay Dacwadii iyo Diintii uu fidinaayay isla markana shaydaan ku adeegtay .

Waxa uu si lama filaana uga soo yeedhay ,Hadalka aynu sheekada Halku dhiga uga dhignay ee ah ,ILAHAY AYAA IGA BAD'BAADIYAY MARBAY ANIGANA II DHALI GAADHAY ,MIDGAAN'KANA U DHALI GAADHAY, CARUUR'TAYDUNA AY MIDGAAN LA WALAALO NOQON GAADHEEN.


Taasi oo uu uga jeeday, Caruurta ay aniga ii dhasho iyo caruurta ay Ninkaasi Gabooye u dhashaa saw dhinaca Hooyo ka waalalo noqon mayaan, Subxanala Ilahaw xaqqa na garansii amiin amiin

Ilahay umadiisan waxa uu ka wada abuuray Adam iyo Xawa balse hadana jahli iyo aqoondarada ina haysata ayaa waxa aynu isu kala soocnay dad aynu ku sheegno in ay yihiin Gun iyo qaar kale oo iyaguyna sheegta in ay Gob yihiin,hada la soco erayga Gun waxa uu kasoo jeedaa waa meesha waxkastaba ay ka asaasmaan sida Gunta Geedka Gunta Guriga Gunta Buurta iwm.
Balse dadku iyaga oo aan u midaan dayayn erayga afkooda kasoo baxaya ayay waxa ay odhanayaan Reer hebel waa gun waa runoo waa Gun oo waa meeshii aad kasoo asaasantay.

Anigu wakhtigan xaadirka ah waxa aan ogahay oo cidina aanay iga iga sheekaynayn in uu jabay dayrkii xumaa ee ku kala qoqobnaa qabaa'ilka somalida sida waxa aynu ugu yeedhno Aji iyo Gabooye,taasi waxa aan ku cadaynaya in Guurka labada beelood uu hada maraayo meshii ugu saraysay ,taasi oo ah mid xaq ah .

Hadaba waxa aan kula talin lahaa Bulshada labada dhinacba yaan la isku karama seegin ,dad ilahay csw isugu talagalay in ay is calfadaana cidkala celinaysaa ma jirto ee yaan Akhirada lagu waayin.


khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar