SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

CABSIDU WAY TAGTAA MARKA RUNTA LA WAJAHO!


Waxa aad ogataa in cabsi kasta oo nolosha qayb ka mida kaa haysata waxaa dhici karta in marka hore aad tahay adigu kan abuuray,waxaana hubaala in qofka xalka u heli karaa uu adiga yahay. 

Sheeko ayaa waxa ay tidhaahdaa iyaga iyo Allahoode.libaax ayaa wakhti xiliyada ka mida Haraad iyo gaajo aad u badani ay soo wajahday,waxa uu ka fikiray sidii uu duruuftan haysata uga bixi lahaa ,waxaanu go'aan saday in uu baadi doon u galo meeshii uu nolol tan dhaanta uu ka heli lahaa.

Safar iyo dheer kadib waxa uu si lamafilaana ugu soo baxay Haro biyo *galac'leeyihiin ,kadibna  Jilbaha ayuu dhigay,Ilahay amarkii markii uu ku foorarsadayba waxa jaahisa hore ee Biyaha ka soo dhex muuqday Libaax kale,isyidhi kani waa Boqorkii Haradan iska lahaa ,kadibna dib ayuu uga waabtay isaga oo aan halmarna aan Biyahii kaban amase aan cabinba.

Cabsidaasi dareenkii ay ku dhalisay waxa ay gaadhsiisay in aanu marnaba ku degdegin cabitaanka Biyaha ,geeskasta oo uu Harada uga wareegana Boqorkii Harada ilaashanaayey ayaa Biyaha dhexdooda u gaafwareegaaya. 

Hadaba maadama aanu u adkeysan karin harraadka kulul ee haya ,naftisiina ay qarqarka u saaran tahay in uu Haraadba u dhinto , ayaa waxa uu sameeyey in uu si  taxaddar leh ugu soo dhowaado Harada kadibna Indhaha isku qabto Biyahiina Afka uu la helaalo,Laba Cantuugo oo Biya ah kadib ayuu idhaha kala qaaday waxaanu waayay Libaxii uu ka cabsida qabay,waxa kaloo uu gartay in aragtida Libaaxa uu ka cabsi qabayba uu ahaa Sawirkiisa Biyaha ka dhex muuqda. 

Sheekadan waxa ay ka faa'idaynaa in marka ay dhibtu ku haysato xalku uu yahay Geesinomo oo la wajaho waana mida kaliya ee ay dadku ku kala duwan yihiin. 

Khadar Aar


No comments:

Post a Comment