SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

GABADH NAAS KEEDA JAQSIISAY ABAHEED XABSI GUDAHII.


Tacadiyada iyo dhibaatooyinka Dawlado badan oo Dunida soomaray ama iminkaba jiraa  ay dadkooda u gaystaan waa mid aan laga sheekayn karin,waana arimo aan wali Dunida aan ka dhamaan lana heli karo Arxan'lawayaal dadkooda sida Xayawaanka ula dhaqmaaya.

Waxaa la sheegaa  dadka Isbaanishka dawladahii kasoo jiray in ay dhacday in nin oday ah Cimrigiisuna aad u dheer yahay in lagu soo eedeyey arimo ka dhan ah in uu ka horyimi siyaasada Dawlada markaasi deegaanka ka jirtay.

Maxbuuskaasi waxaa laysugu dari jiray ciqaab jidh dil xanuun badan iyo in gabi ahaanba Cuntada laga jaro si uu u Gaajoodo kadibna u dhinto.

 Odayaagsi Xabsiga ku jiraa waxa uu lahaa wax caruura hal Gabadh ,taasi oo ay ahayd mid iyada lafteedu ku nool nolol aad u adag Laba Caruur ahna haysata.

 Gabadhaasi waxa ay codsi ay u qoratay  Madaxwaynaha iyada oo ka codsanaysa in loo ogolaado oo kaliya in maalintii ay halmar soo booqato Aabaheed taaso loo ogolaaday.lakiin marnaba looma ogolaan in an Cunto iyo Cabitaan u gayso,waayo qorshaha lala damacsan yahay ayaa ah in Gaajo lagu dilo.

Gabadhii maalinba maalinta ka danbaysa waxa ay aragtaa Aabaheed oo sii laciifaaya si Qunyar qunyar ah Geeridana usii dhaw,ilayn waa nin aan Conto iyo Cabitaanba loo diidee.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gabadhii sidii caadada u ahayd u ​​diyaar garowday in ay Abaheed Jeelka ku booqato,waxa ay soo xanbaaratay Ilmayar oo markaasuun dhashay akhirkiina waxay gaadhey jeelkii.

Markii ay Qolkii Abaheed ku xidhnaa ay gudaha u gashay ayaa waxa ay aragtay Abaheed oo Naftu kasii gurmayso,warwar iyo walaac ayaa ku abuurmay ma jirto cid ay u qaylo dirataa ,kaliya waxa uu u dhimanayaana waa Cunto la'aan iyo Cabitaan la'aan ,waxa ay dantu ku khasabtay madamaa ay tahay Gabadh Irmaan oo Naaskeedu Caano leeyahay in ay  Naaskeedi inta ay soo saarto ay Afka u galiso Abaheed kadibna ay jaqsiiso sidii Ilmo yar. 

Ilahay amarkii muddo ayay sidaasi samaynaysay ilaa ayaamo ka bacdi uu Abaheed soo miiraabay naftiina ay kusoo noqotay,  markii Abaheed uu Indhaha kala qaaday ayaa Inantisii waxa uu waydiiyey Canahan halka ay kusoo qariso ilayn waxa uu la socdaa in Xabsigan sababta cuntada looga jaray ay tahay in loogu talagalay in dhinto.

Waxa ay ku tidhi iyada oo Ilmadu ay Indhaheeda ka qubanayaan ''''Aabo waxan aan ku siinayaa maaha Caano aan meelkale ka keeno waa  Naaskayga Canahiisii oo aan Caruurtaydiina kaaga jaray si aad u noolaato'''' ,Aabihii wuu yaabay waanu Ilmeeyey naxariista ay u qabto inantiisu markuu arkay.

Mucjisada kale ee dhacday waxa ka mida ,waxaa maalin maalmaha ka mida jeelka soo booqday Madaxwaynahii Wadanka xukumaayey,waxa uu si gaar ah ugu tagay odaygii cunto la'aanta lagu xukumay,waxa uu arkay odaygii oo Qurux batay jidhkiisana wax darxumo ah ama Gaajaysiinii aanay marnaba ka muuqan ,waxa uu canaantay Ilaladii jeelka waxaanu ku yidhi ""odaygan yaa cuntada u ogolaaday uu sidan ugu naaxay""waxay u sheegeen in aan cunto loo gayn.

Waxyar ka bacdi odaygii waxa uu Madaxwaynii waydiiyey halka uu ka helay cuntadan Jidhkiisa ka muuqata,waxaanu u sheegay runta waxaanu ku yidhi ''''Madaxwayne wax Caruura inan ayaan dhalay ,markaad idinku i gaajaysiiseen ina diideen in Cunto Jeelka laygu keeno ayay naaskeedii irmanaa i Jaqsiin jirtay Canahiisii Maalinkasta ''.

Hadaba markii ay arrintaasi soo baxday waxaa timi su’aasha ah in la ciqaabo Inanta lana raadiyo,kadibna waa loo yeedhay gabadhii Madaxwaynahii ayaa su’aalo ka weydiiyey sababta ay sidan u samaysay , gabadhii ayaa tidhi “markaan arkay aabay oo ooyaya waan adkaysan waayay kadibna waxaa falay ficilkan.

Madaxwaynahii ayaa aad ula dhacay jacaylka gabadha ay Abaheed u qabto,waxaanu amar ku bixiyey in  shuruud la'aan lasii daayo Abaheed . 

Qoraalkan waxa aynu ka fa'idasanaynaa in Madaxdu ay markasta u naxariistaan dadkooda,si aanay dadkuna ficilada noocan ah aanay ugu kicin,mida kale hadii Aabahani Wiil dhali lahaa maxay ayuu ka tari lahaa baahida Aabihii.

Khadar Aar


No comments:

Post a Comment