Dunida Ilahay abuurtay sida ay u dhan tahay Qaadka waxa ay u
taqanaa in uu yahay Mukhadaraad u baahan in waligii lala dagaalamo ,
balse
Coronavirus waxa ay faham san yihiin in uu yahay Xanuun Saf-mareena lagana
yaabo in uu iska tago.
Maanta wadamada Yurub,Maraykan,Kanada iyo dhamaan wixii la
halmaala,hadii hal mar lagugu qabto adiga oo Iibinaaya ama ka ganacsanaaya Geed
shaydaanka Qaadka, waxa hubaal ah in dhamaan Sharciyada aad Dalkaasi ka haysato
iyo nolol-maalmeedkaagaba in uu saamayn ku yeesho,xadhigna aad mudato.
Lakiin hadii maanta Wadamadan lagaa helo Xanuunka Corona waxa
dhici karta in lagu Daweeyo,lakiin ma dhici karto in Sharciyada aad dalka ku
joogto iyo qaab nololeedkaaga in uu waxyeeleeyo,waayo Corona waa xanuun lakiin
Qaadku waa Daroogo Bini’aadmiga doorisa.
Coronavirus hadii Ilahay kaa badbaadiyo dhawr ayamood ayaad u
jiifaysaa,lakiin Qaadka noloshaada iyo tan qoyskaaga illaa Dalka aad ku
nooshahay ayuu saamayn ku yeelanayaa;markaa waxa la odhan karaa waa aafo Qaran.
Waxa aayamahanba dhagaheena kusoo dhacaayey, Madaxsare iyo
dad aqoon yahan ah oo ka hadlaaya dhibatada inooga iman karta Xanuunka Coronavirus
ee in-dhawaalaba Dunida dhibaatada ba’an ku haya.
Hadaba waxaa wax aad loola yaabo ah in Madaxdaasi iyo dhamaan
aqoonyahankaasi ka hortaga Corana ay ku macneeyeen in ay fiican tahay in Qaadka
Itopiya inooga imanaaya la joojiyo gabi ahaanba inta Corona inaga tagaayo;iyada
oo ujeedada ay ka leeyihiin ay tahay in Cudurka Coronanirus uu Qaadka soo raaci
karo!!
Lakiin Madaxdaasi iyo Aqoonyahankaasi horay iyo danbe,iminka
iyo wakhtiga soo socda midna ,kamay fikirin in Qaadku uu yahay mid ka xun kana
saamayn badan dhanka dhibaatooyinka Xanuunka Corona.
Corona waa xanuun wakhti mucayim ah yimid, lagana yaabo in uu
hadana iska tago Ilahayna inaga kaxeeyo ,lakiin waxaa aafo umadeed ah,dabargoyn
Naf iyo Maalba ahi waa Qaadka/Jaadka .
Miyaanay wax lala yaabo ahayn kuwa leh Qaadka waxaa nosoo
raacaaya Coronaha,miyaanay waxba iska waydiin in Qaadku Coronaha ka xun yahay.
Dunidu Gaal iyo Muslim sida Coronaha loola dagaalamo si ka
xun ayaa loola tagalamaa Qaadka ,waxana loo yaqaana Mukhadaraadka Dunida kuwa
ugu xun wadankastaana waa ka mamnuuc,Lakiin halka qof Somaliyi joogo Qaadna wuu
yaala waayo isaga keenaaya oo ku ibtilaysan.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris.
No comments:
Post a Comment