SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Diana Kim ,Shan Sano iyada oo jirta ayaa Abaheed iyo Hoyadeed kala tageen.


Diana Kim ,Shan Sano iyada oo jirta ayaa Abaheed iyo Hoyadeed kala tageen ,kadibna waxa ay soo martay Darxumo iyo Daranyo aan laga sheekayn Karin.


Diana Kim, waxa ay u dhalatay Dalka Kuuriya ,waxay ahayd 5 sano jir markii ay Abaheed iyo Hoyadeed kala tageen  ; tan iyo caruurnimadeedii waxaa nolol adag oo silic iyo darxumo leh  kusoo korisay Hoyadeed,taasi oo lasoo martay duruufi aad u adag ilaa mararka qaar ay Hoy iyo Guri ka dhigtaan Darbiyada hoos tooda.

Diana Kim ,waxa uu ahaa Abaheed Nin Sawir-qaade ah,balse markii ay xaaskiisa kala tageen waxa uu galay nolol adag oo aan kasoo kabasho lahayn,waxa uu caan ku noqday dadka Gurya la’aantu daashatay,waxa uu seexday Darbiyada iyo Kodaafadaha,waxaa ku dhacay xanuun Maskaxeed.


Diana Kim madama uu Abaheed ka tagay iyada oo shan Sano jirta ,war iyo wacaalna ay ku heshay in uu Abaheed ka mid ahaan dadka sida fiican ugu shaqaysta Kamarada iyo Sawir qaadista,waxa ay bilowday in ay shaqadii Aabaheed oo kale bilawdo.

Waxa ay noqotay Gabadh caan ku ah Sawir qaadista,waxa ay la shaqaysay Koox u dooda dadka aan Hoyga haysanin oo layidhaa HOY’LAAWE,madamaa ay dadkaasi wakhti badan iyada iyo Hooyadeedba kasoo mid ahayeen,waxa ay jeclaysatay in ay dadka aan Hoyga lahayn in ay Guryo u raadiso. Waxa ay Galab iyo Habeenba Sawiro la duljoogsataa cidkasta oo ay aragto oo aan haysanin Hoy iyo guri.

Sanadkii 2012, waxay heshay daahfur naxdin leh,kadib markii ay koox ay sawiro ka qaaday ay ku dhex aragtay nin Oday ah oo Aabaheed u eeg sida ay sawiradiisa ku hayso. .Waa nin oday ah oo aad u darxumaysan,xanuusanaaya,aan hadli Karin,waa Nin ay Habeen iyo Maalinba ku dhaafto kuna aragto  wadooyinka hareerahooda isaga oo dadka Cunto waydiisanaaya, iyaduna ay wax badan tartay.


Diana Kim waxa ay si gaar ah u waraysatay Odaygii ay uga shakisnayd in uu Abaheed u eeg yahay.Waxa uu uga sheekeeyey Qisadii soo martay iyo noloshiisii hore siday ahayd ,waxa uu warbixin ku siiyey in uu lahaa Xaas iyo Inan(Gabadh) yar oo iyada oo shan jira uu ka tegay,waxa kaloo tibaaxay in shaqadiisu ahayd  Sawir qaade.

Diana Kim  Waxa ay xaqiiqsatay in ninkani uu yahay Abaheed ,waxa ay go’aan satay iyada oo aan waxba u sheegin ay ay gayso dhakhtar waayo waxa uu qabaa xanuuno aad u badan  oo ay ka mid yihiin xanuunka Waalida.

Inkastoo uu ka diiday in uu raaco si dhakhtar loo geeyo,hadana aakhirkii iyada oo dad badan la kaashanaysa waxa ay ku guulaysatay tacab badan kadib in ay daryeesho isuna sheegto in ay tahay Inantiiyarayd ee uu ka tagay iyada oo Shan Sano jirta.


Bishii Oktoobar 2014 ayaa Diana Kim iyo Abaheed si fiican usula jaan qaadeen,kadibna waxa uu gaadhay markii caafimaadkiisu wanaagsanaaday in uu shaqo raadsado.

Qisadan maxaa faa’iido inoogu jira?

Runtii waa Qiso xanuun badan,waxaynu qisadan uga faa’idaysan karnaa in markasta oo Qoysku uu burburo Aabaha iyo Hooyaduna ay kala tagaan in Caruurtu ay dayac xun soo marto.

Waxa kaloo Iyana sheekada laga fahmi karaa in Qoysku marka uu burburo Hooyadu ay tahay mida kaliya ee  markasta caruurta badbaadisa,halka Nimanku ay dhacdo in aanay Caruurta Dib usoo eegin.

Hooyo iyo Hooyooyin Ilahay haydiin Naxariisto If iyo Aakhiraba.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris

No comments:

Post a Comment