SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Coronavirus wuxuu dhigayaa miino siyaasadeed Aduunka!!


Faalo iyo aragti siyasadeed oo aan ka bixinaayo Xanuunkani Dunida ayamahan Saf-mareeyey ee Coronavirus, waxaan rajeyneynaa hadii aan Ilahay Dunida ka qaboojin sida ay hada wax u socdaan
 in uu guuldarooyin siyasadeed uu u gaysan doono Dawladaha uu Xanuunkani ku badan yahay ama uu ku dhacay dadkooda.

Waxkasta oo cusub oo Dunida kusoo biiraa waxa ay ka tagaan mahadhooyin iyo Halabuuris raad iyo waxyeelo siyasadeed oo aan hore loo arkin ,Sheekada ku saabsan Coronavirus sida uu hada ku bilaabmay ma kula tahay waa uu ku dhamaan doonaa,Fayraskan iyo Siyasiyiinta Dunida kuwooda ugu awooda wayn iyamaa guulaysan doona.

Karaamada Siyasiyiinta, Fayrasyadu ma ixtiraamaan, maaha wax lala yaabo ​​boorarta ka baxaysa  hoggaamiyeyaasha caanka  ah ee Dunida,taasoo ku saabsan Faafidda xanuunka  .Coronavirus waxay beddelkeeda samaysay  isku-xidhnaanta caalamiga ah ee maanta si dhan looga soo wada jeesto.

Ingiriiska waxa uu dhamaan xidhiidhkii wada jirka kala noqday dawladaha Yurub,talaw ma ka ilaalin karaa UK  Fayrasyada kasoo gudbaaya Yurubtii uu xidhiidhka u jaray,mise Fayrasyadu iyagu wali waxa ay aamin san yihiin wada jirkii dawladaha Yurub uu shaqaynaayo .
Lägg till bildtext

Midowga Yurub waxa uu  isu rogey ficillo Magalooyinkii Bandoo laga dhigay ,Raysal wasaraha UK Mr Johnson dadka qaar ayaa aamin san in uu yahay nin nasiib badan, kadib markii uu sida dhakhsaha ah isaga joojiyey midnimadii dawladaha Yurub iyo isu safarkoodii,ilaa maantana wali aan Bandoo lagu soo rogin dalka UK.

Fayraska ayaa gabi ahaanba gaadhay in kabadan 60- waddan. Taas awadeed ayaanay suura gal u ahayn in markasta xaaladiisa lala socodo ama la kaantoroolo.

Waxaa dhici karta in  nidaamyada caafimaadka ee waddamo badan uu Fayrasku ka adkaado. Cawaaqib xumada dhaqaale ayaa iska muuqata iyada oo aan shaqo badan la qaban wakhtiguna uu kooban yahay .

Dhamaan Dunidii Warshadaha lahayd naxdin iyo anfariir ayaa halmar ku wada bilaabmay , saw ma ogid in ay gabi ahaanba Warshadahii dal waynaha Shiinahu ay Xidhan yihiin,waana ishii qudh-ahayd ee Dunida wax looga soo saaraayey.

Dowladaha Aduunka ayaa laga yabaa in ay dhawaan Khasab ku noqoto in ay bedalaan dhamaan Miisaaniyadaha u qoondaysan dhankasta. Hadii Fayraskani uu hoos u dhac samayn waayo sida ugu dhakhsaha badan, ahmiyadaha dawladahaasi iyo siyasiyiinta xiligan jooga ayaa fashil ku iman doonaa.

Saynisyahanada Dunida ee wakhtigan ayaan hubin sida ay wax ku danbayn doonaan ,dad badan oo arimahan aqoon u leh ayaa waxa ay aamin san yihiin hadii aan sida ugu dhakhsaha badan aan loo helin Tallaal wax ku ool ah oo Fayraskan lagaga hortago, isla markaana uu soo galo xiligii Qaboobaha, Bilaha 9-aad ilaa 2 sanadka 2021 ka taasi waxa ay keeno kartaa xaalad kale oo aan la garanayn wax dhici doona.

Haddii cudurkan Coronavirus  ay noqoto in la xakamayn kari waayo ,waxa hubaal ah in ay jiri doonaan  qaraxyo waaweyn oo siyasadeed oo Dunida oo dhan saamayn doona ,lagana yaabo in loogu magacdaro Fayraskii Siyaasada.


Qorshayaal badan oo Dunida u degsanaa Muslim iyo Gaalba Ayaan dhamaanba Meesha ka baxay.Dadkan Gaalada ahi inta badan ma jecla dhibaatooyinka,Xafladaha iyo madadaalooyinkooda Sanadlaha ah hadi ay wayaan waxa ay ku noqonaysaa in ay dareemaan dhibaatooyin horleh waana mida keeni karta isku dhaca Madaxda iyo dadka Shacbiga ah;taas lafteeda ayaa waxa sii buunbuninaaya Warbaahinta oo gaadhsisay dhibatada jirta mid ka xoog badan.

Waxay inta badan xaaladaha noocan ahi ay  kiciyaan caadifado dadweyne oo xoog badan. Qof walba waxa uu ogyahay iminka sida ay wax u socdaan,Qofkastaana Guri ama Karantiimo wakhti badan kuma jiri karo ,waxaa iman doona xilli waajib loogu yeesho Dawlada in ay arimahan joojiso gar iyo gartaraba.

Dad badan ayaa aamin san in dhamaan cudurada faa-faa ay yihiin kuwo siyasadeed. Cudurkii neef-mareenka dhawacyada badan u gaystay dalka Shiinaha  SARS 2003 ,kuna faafay waddanka oo dhan. Dowladda Shiinaha waxa uu xanuunkaasi u gaystay dhaawac dhaqale iyo in la aamini waayo dhamaan Makhayadaha Dunida ku yaala ee Shiinahu leeyahay ee wax lagu cuno.

Waxa kaloo jiray in dalka Shiinuhu wuxuu dib u soo ceshaday sumcadiisa markii ay soo baxday Xanuunkii ifilada shimbiraha cusub  H7N9,  oo ku suntanayd Magalada Shanghai sanadkii 2013. Kiiskaasi oo si dhakhso ah markiiba loo dhameeyey.

Taas si sumcadeeda loosoo celiyo waxa ay keentay in Ra'iisul wasaaraha dalkaasi uu ku khasbay  golihiisa Wasiirada dhamaantood in ay Makhayadaha wax ka Cunaan si ay Sawir fiican uga bixiyaan xaalada dalka Shiinaha. Waana arimaha iminka keenay in Shiinahu ay sida ugu dhakhsaha badan ay wax uga qabtaan xanuunkan,madamaa ay leeyihiin cadaw badan oo ay isku hayaan arimaha shaqaalaha iyo Ganacsiga.

Faafitaanka cusub ee cudurka coronavirus waxaa hubaal ah in uu si weyn wax uga bedali doono Doorashooyin badan oo kusoo socda Dawlado badan oo Dunida ka jira.

Miinada Siyasadeed ee  Coronavirus ka dhalan dontaa ma fududa, Ilahay khayr ha ka dhigee.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris.


No comments:

Post a Comment