SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faa'idada Xab-xabka / Qaraha.

Khubaro u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in xab-xabku faa’iido u leeyahay maqaarka jidhka, dawana ka yahay xannuunnada faalliga, muruqyada iyo fuuq-baxa.

Haddaba, khubaradan oo daraasado kala duwan soo xigtay, waxa ay warbixintooda oo aynu idiin soo turjunay u dhigan tahay sidan:

Waxa uu ka hortaga faalliga

Xab-xabku waxa uu ka kooban yahay walxo ka hortaga waxyaabaha jidhka dibada kaga yimaado ee dhibta keeni kara. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ku jira waxa ka mid ah (Antioxidant Lycopene) oo inta badan laga helo jiidhka cas ee xab-xabka iyo tamaandhada qaydhin.

Qofka cuna cuntada ay ku badan tahay maadada Lycopene waxa uu ka badbaadaa in faalig ku dhaco 20%. Daraasad caafimaad ayaa iftiimisay dadka ay ku badan tahay Lycopene ay 55% ay ku yar tahay fursadda uu ugu dhici karo waax-qallalka (faalliga), marka loo eego dadka aan maadadan jidhkooda ku jirin amma aan quudan cunto ay ku jirto.

"Maadada Lycopene waxa ay kor u qaada in dhiiggu si fiican u dhex socdo dhuumaha, waxaanay qofka ka ilaalisa in xaydhu daboosho dhuumaha dhiigga qaada," ayuu yidhi Dr. Sam Christie oo ah khabiir nafaqada ku takhasusay.

Hargabka iyo Kansarka

Maadaamada aynu sheegnay in xab-xabka ay ku jirto maadada Lycopene oo masuul ka ah carinta hab-dhiska difaaca, waxa ay u saamaxdaa qofka in aannu hargabku si fudud ugu dhicin xilliyada xagaaga amma qaboobuhu jiro.

Cilmi-baadhisyo tiro badan oo la sameeyey ayaa soo jeediyey in xab-xabku ka hortago unugyada kansarka dhaliya, maadaama maadadan awoodda badan ku jirto, taasoo meesha ka saarta waxyaabaha qalaad ee unugyada jidhka dibadda ka soo weerara sida Dr. Sam Christie caddeeyey.

Daraasad lagu tijaabiyey maadada Lycopene ayaa muujisay in kansarka naasaha ku dhaca ay ka hortagto. Waxa uu khudaarta kale kaga fiican yahay waxa uu muddo maalmo ah ku jiri kara tallaajadda, iyadoo aan madada faa’iidada caafimaadka u leh aanay hoos uga dhicin.

Xannuunada Muruqyada

Haddii muruq xannuun amma muruq ku galo shaqo badan marka aad qabato amma aad jimicsato amma kombuyuutarkaaga aad in badan dul fadhido waxa khubarada caafimaadka dadka u soo jeediyaan in qofku jeex xab xab ah uu cuno. Xab-xabka waxa ku badan macdanta botasiyamka (Potassium), taasoo qofka ka caawisa in ay degaan neerfisyada iyo muruqyadu.

Waxa intaa dheer in botasiyamku ay jidhka k acaawiso inuu kaydsado macdtana Kalsiyamka (Calcium) oo faa’iidadeedu tahay in ay xoojiso lafaha iyo kala goysyada.

Sidoo kale, xab-xabku waxa uu ku jira maado la yidhaa Sitralayn (citrulline) oo fududaysa in dhiiggu gaadho muruqyada, waana Amino aysiidh (Amino Acid).

"Xab-xabku waa biyaha ugu fiican ee unugyadu helaan. Waxa ay ka caawiyaan wareega iyo in jidhka oo dhan dhiiggu gaadho," Dr. Christie.

Haddii qofka muquryadu istagaan amma ay dhaqaaqu ku yaradaan waxa hubaal ah in xab-xabku daawo u yahay sida cilmi-baadhista khubarada dhinaca nafaqada ku takhasustay caddaysay.

Hurdo fiican

Xab-xabka waxa kale oo ku jira maado la yidhaa Kolin (Choline) oo ah nafaqo, inta badana laga helo beedka iyo khudaarta uu barbaroonigu ka mid yahay. Waxa ay qofka ka caawiyaan in jidhkiisu noqdo mid degen oo hurdo fiican hela.

Haddii qofku hurdo la’aan ku dhacdo oo uu cabo xab-xab amma uu cuno waxa uu ka caawinayaa inuu hurdo heli karo, halka maadada Kolin sidoo kale ay qofka xasuustiisa wanajiso, maadaama maskaxdu degto, degenaanshahana ku shaqayso.

Waxa kale oo uu xab-xabku ka qaybqaata in qofka aan jidhkiisa miisaan fuulin, sababto ah aysiidha ku jirta ee Citrulline ayaa burburisa duxda, qofkana ka ilaalisa inuu noqdo mid buurni xad-dhaaf ah. Waxa kale oo maadadan oo ka sii kooban maado kale oo la yidhaa Arginine ay jidhka u fududaysaa in dhiiggu si fiican u qulqulo oo xubnaha si fiican u gaadho

Cilmi-badhayaal Jaamacada Texad ee A &M University ka tirsan, ayaa sheegay in xab-xabku kor u qaado taranka qofka iyo in dheecaanka jidhka ku jira si fiican u gaadho meelaha loogu talagalay.

Xigasho:daryeelmagaziin.

 

No comments:

Post a Comment