SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso: Indheergarad kii qudhiisa jaray!

Indheer-garadnimada waxa ka mid ah in aanad mar walba muujinin indheer garadnimadaada, wakhtiyada qaarna aad iska yeel-yeesho nasakh!! Intaanad weedhan la yaabin bal qisadan kooban akhri. Waa tan sheekaduye bal ila eeg.

Waxa la sheegay in saddex nin lagu xukumay dil weliba bir meel sare ka soo dhacaysa madaxa lagaga gooyo, waxay kala ahaayeen (Sheekh caalim ah, Garyaqaan iyo Aqoonyahan Fiisigiseed). Waxa mid mid loogu soo xaadiriyay goobtii lagu dili lahaa.

Waxa yimid ninkii sheekha ahaa, waa ta madaxiisii la hoos dhigay birtii, waxay weydiiyeen: Ma jirtaa kalmad aad jeceshahay in aad tidhaahdo? Waxa uu yidhi "Allaah, Allaah, Allaah ... isaga ayaa i badbaadin kara." Birtii ayaa lagu soo daayay markay madaxiisa dul marayso ayay istaagtay. Dadkii oo dhan way yaabeen, waa kuwa yidhi: Sii daaya Sheekha, wuxuu ku dhawaaqay magacii Ilaahaye, sidaasina wuu ku badbaaday.

Waxa la soo joojiyay garyaqaankii, madaxiisii ayaa la hoos dhigay birtii, isagana su'aal ayaa la weydiiyay: Ma jirtaa kalmad aad jeceshahay in aad tidhaahdo? Waxa uu yidhi "Caddaalad, Caddaalad, Caddaalad." Birtii ayaa lagu soo daayay markay madaxiisa dul marayso ayay istaagtay. Dadkii oo dhan way yaabeen, waa kuwa yidhi: Sii daaya Garyaqaanka, wuxuu ku dhawaaqay Caddaalade, sidaasina wuu ku badbaaday.

Ugu danbayn waa Aqoonyahankii Fiisigiska ku tagay wuxuuna soo istaagay halkii laysku dilayay. Birtii baa la soo diyaariyay, su'aashiina waa la weydiiyay "Ma jirtaa kalmad aad jeceshahay inaad tidhaahdo?" Waa ka yidhi: Anigu garan maayo Ilaahay sida sheekhaa, Caddaaladna haba sheegina sidaa Garyaqaanka, laakiin waxaan ogahay in xadhig xagga sare ka hayo birta una diiday in ay soo dhacdo. Birtii bay eegeen mise waaba runtii oo xadhig baa haya bahasha, si kale lama yeeline bahashii ayaa la hagaajiyay birtiina madaxiisaa lagu soo daayay, kurkana way ka jartay!

Sidaas ayay u wacantahay in afkaaga aad xidho mar-marka qaar, xataa haddii aad garanayso xaqiiqda. Indheer-garadnimada ayay ka mid tahay in aad noqoto doqon wakhtiyada badhkood!!

W/Q: Dalxa Hassan Sofe

Email: dalxasofe@gmail.com

No comments:

Post a Comment