SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Laylatul Qadrigii ma caawa ?

Walaalayaal Illaahay wuxuu inagu manaystay galado faro badan oo aynaan soo koobi Karin tirina karayn, waxaa ugu sii wayn nimcadaas iyo galadaas nimcada Islaamnimada, waa tee nimcada ka wayni in Illaahay inaga dhigay umada ugu khayr badan umadaha aduunka loo soo saaray ama lagu abuuray kamana suuli doonto nimcada Illaahay inay sidaas inoogu socoto.

Waxaa ka mid ah nimcooyinkiisa in uu ina siiyey waqtiyo aynu ka faa’iidaysano fadaa’ishiisa iyo denbi dhaafkiisa iyo raxmadiisa oo aynu iskaga khafiifino dunuub badan oo aynu galnay iyo dunuub badan oo culaysisay garbaheena hadii aynu waqtiyadaas ka faa’iidaysano waxaynu soo baxaynaa inagoo zero ama eber ka ah dunuubteenii, sida uu inoo cadeeyey Rasuulkeenu scw waana nimco wayn oo aynaan siinin qiimaheeda iyo qadarinteeda ay mudnayd in la siiyo.

Nimcooyinkaas waxaa ka mid ah Ramadaanta. bishani waa bisha ugu khayr badan billaha Illaahay abuuray, iyada lafteeda waxaa ku sii jira tobanka habeen ee ugu danbeeya oo si gaar ah u sii fadli badan.

Illaahay wuxuu yidhi: Quraanka anagaa soo dejinay habeenka laylatul qadri maxaa ku ogaysiiyey wuxuu yahay habeenka laylatul qadri. Waa habeen ka khayr badan 1000 bilood ,malaaiigtaa soo degta iyo malaku Jibriil habeenkaas gudihiisa ogolaanshaha ilaahay , nabad gelyo habeenkaas ha ahaato ilaa waagu ka beryayo.

Waa habeeno qaali ah oo qiimi badan Rasuulkuna wuu dedaali jiray habeenadan dedaal aanu habeenada kale samayn ayuu samayn jiray.

Caa’isha waxay tidhi: marka uu soo galo tobanka danbe ee Ramadaan wuxuu ahaa Xabiibkeenu scw habeenkii wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray guntigisana wuu adkaysan jiray.

Habeenkii ayuu noolayn jiray.

Macaneheedu waxaa weeye habeenkii ayuu daacad iyo cibaado ku soo jeedi jiray iyo salaad. xadiis kale ayay caaisha tidhi Rc: weligay maan arag Rasuulka oo bil wada soomay oo quraanka wada akhriyey habeen keliya ilaa waagu ka beryey Bisha Ramadaan mooyee !

Habeenka ayuu noolayn jiray waxaa ay noqonaysaa habeenka badidiisa cibaado ayuu ku so jeedayey maaha habeenka oo dhan, waayo wuxuu dhexgelin jiray suxuurta iyo waysadiisa markaa waa habeenka badidiisa,

Ehelkiisa ayuu toosi jiray

Xaasaskiisa ayuu xabiibku toosin jiray si ay ugu toosaan cibaabada sida la ogyahayna waqtiyada kaleba wuu u toosin jiray ehelkiisa cibaadada laakiin tobanka danbe ee Ramadaan wuu ka sii badin jiray dedaalka dhiiri gelinta reerihiisa.

Habeen ayuu kacay Xabiibku scw markaasuu yidhi :subxaan Allaah maxaa xalay la soo dejiey fitnooyin maxaa la soo dejiey khaznado yaa toosiya kuwa maqsinadan jiifa ! markaasuu sii raaciyey oo yidhi scw: badanaa inta aduuyada dhar gashan oo lebisan oo aakhiro qaawan,.

Sanadkii oo dhan wuu toosin jiray reerihiisa laakiin tobannka danbe ee Ramadaan si gaar ayay uga dhexmuuuqdeen oo uga suntanaayeen habeenada intooda kale.

Ficiladiisa noocan ah ee uu sameYnayey Rasuulkeenu waxay inoo sheegaysaa muhiimada uu siinayey cibaadada Alle iyo daacadiisa habeenadan tobanka ah iyo sida uu inoo barayey inaynu ka faa’iidaysano waqtiyadan qiimiga leh.

Qofka muuminka ah waxaa ku haboon inuu habeenadan kaga daydo sidii uu u dhaqmi jiray xabiibkeenu scw, dedaalka iyo u orodka cibaadada iyo daacada oo aynaan dayicin saacad ka mid ah habeenadan iyo maalmahan, waayo magaran doono in habeenadani dib inoo soo mari doonaan oo sanadka danbe aynu gaadhi doono ama uu ina dhufan doono macaan gooyuhu geeridu oo ah ka qofka aduunyada ka qaada waana saacada uu qofku ka tiiraanyoon doono inaanu waqtiga ka faa’idaysan jirin goor anaayn tiiraanyo waxba tarayn,

Guntigiisa ayuu adkaysan jiray.

Kelmadan Caa’isha inoo sheegtay waxay la macne tahay in aanu Rasuulkeenu scw habeenadan inuu ka fogaan jiray haweenkiisii oo uu habeenada si gaara ugu qoondayn jiray inuu daacada badiyo si uu inoogu tarbiyadeeyo habeenadan qaaliga ah ee mudan in wax kasta dhulka la dhigo oo loo jeesto daacada iyo cibaadada waayo habeenadan waxxaa ku jira habeen ka khayr badan 83 sano.

Fadliga habeenadan tobanka ah

Waxaa ka mid ah fadaa’isha tobankan danbe iyo waxyaabaha ku gaarka ah waxaa ku jira habeenka laylatul qadri akhri suurada Al dukhaan 1-6

Waa habeenka Illaahay ku sifeeyey habeenkii barkaysan ee khayrka badan

Wuxuu kale oo Ilaahay ku sifeeyey habeen ka khayr badan kun billood

Wuxuu ku sifeeyey habenkii barkaysnaa , malaa’iigta ayaa soo degta.

Wuxuu ku sifeeyey Ilaahay swt habeenka salaam ama nabad gelyada.

Habeenkan wuxuu Illaahay shegay in arin kasta oo xakiima la xukumo ama la kala saaro.

Waxaa ka mida Ilaahay ayaa u denbi dhaafa cidii habeennadaas is taaga iyagoo ilaahay daacadiisa wada.

Waxaa ku jira habeen haduu Illaah inaga aqbalo ka khayr badan kun bilood oo u dhigma 83 sano.

Waa inoo markale iyo fadliga tobanka danbe ee Ramadaan Allena ha ina waafajiyo khayrkeeda.

Fadlan faafi hadaad karto adigoon bedelin magaca qoraaga.

Qalinkii: Hussein Jama Guudcade,

No comments:

Post a Comment