SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waxa la ii ogolaaday in aan Diyaarad kasta Bilaash ku raaco!

Shirkad diyaaradeed oo Hindiya laga leeyahay ayaa ballanqaaday in uu bilaash ku raaci doono diyaaradaheeda inta uu nool yahay wiil ku dhex dhashay diyaaraddooda.

Wiilkan yar ayaa ku dhashay diyaarad ay leedahay shirkadda Jet Airways oo ka soo duushay Sacuudi Carabiya kuna sii jeeday dalka Hindiya.

Shaqaalaha diyaaradda iyo qof rakaab ah oo leh tababar kalkaaliso caafimaad ayaa caawiyay oo ka dhaliyay haweenay ay qabatay fool wakhtigeedii ka soo hormartay.

Marka ay hawenaydaasi dhashay waxay diyaaraddu dhulka ka sarraysay 10,688 mitir.

Hoyada iyo wiilkan yar ayaa cisbitaal la geeyay ka dib markii ay diyaaradda oo nooceedu yahay Boeing 737 ay dagtay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Shirkadda diyaaradda ayaa BBC-da u sheegay in wiilka iyo hooyadiiba ay caafimaad qabaan.

Shirkadda ayaa shaqaalaha iyo kalkaalisada caafimaadka uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ugu guulaysteen ka umulinta haweenayda wiilka dhashay.

Shirkadda ayaa sheegtay in wiilkaasi uu ahaa ilmaheedii koowaad ee diyaaradahooda ku dhasho.

Diyaaradaha badankood way ogolaadaan in y qaadaan dumarka uurka leh inta ka horaysa toddobaadka 36aad ee uurka, laakiin waxay u baahan yihiin waraaq uu soo saxeexay dhakhtar oo la qoray inta ka horaysa toddobaadka 28aad ee uurka, taas oo ay ku caddahay maalinta la rajaynayo in ay hooyadu dhallidoonto.

No comments:

Post a Comment