SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur oo laga saaray, liiska dadka la raadinaayo.

Dowladda Mareykanka ayaa ayaa shaacisay in ay liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur, oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee xarakada Al-Shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu soo noqday Afhayeenka xarakada Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay idacada VOA in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar us.

Abuu Mansoor ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay inuu xurguf ay soo kala dhex gashay Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, kaddib markii ay dhowr arrimood isku qabteen oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsanaa Ururkaas oo la khaarijiyay, taas ayaana sabab u aheyd inuu gooni uga baxo Kooxda, isagoo sanado ku dhuumaaleysanayay miyiga Gobolada Baay iyo Bakool.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ka hadlaaya liis kasaarista Abuu Mansuur.


No comments:

Post a Comment