SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wax ka baro Taariikhdii Xaawa, hooyada Basharka.

Bismillah, magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba, waxaanan ku sallinaynaa oo naxariis iyo nabadgalyo Ilaahay u waydiinaynaa inuu korkiisa yeelo xabiibka Muxamed isaga, ehelkiisa, saxaabadiisa iyo dhamaan muslimiinta raacday jidkoodii. Assalaamacalaykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu.

Waxaynu taariikhdeedii wax ka tilmaamaynaa hooyadii dhashay dhamaan basharka dhamaantiis waa Xaawa oo ahayd haweenaydii nabi Aadam, waxaynu ka warrami doonaa qaabkii loo abuuray, meeshii ay daganaayeen, danbigii ay galeen, hobashadii ay kusoo dageen dhulka iyo sidii ay ugu noolaayeen Dhulka waxaynu kale oon ka doodi doonaa su’aalaha ah, ma Xaawa ayaa sababtay in Jannada Aadam kasoo baxo? Danbigoodii miyaa loo dhaafay mise wuxuu noqday mid lakala dhaxlo? Arrimhaas iyo kuwo kale ayaan ku qaadaa dhigi doonaa mowduuceenan inshallah.

Maxaa laga abuuray Xaawa?

Xaawa ilaahay raali haka ahaadee, waa hooyadii dhashay Basharka, waxaana abuuray Ilaahay subxaanahu, waxaanu ka abuuray feedhii nabi Aadam sida ku cad Quraanka iyo xadiisyada nabiga, waana sida Culumada Jamhuurku u badan yihiin. Waxa jira laba qawl oo qolo waxay ku tageen in Xaawa laga abuuray feedhaas halka kuwo kalena ay dhaheen maya, ee Xaawa waxa la abuuray ayadoo ka madax banaan nabi Aadam, bal aynu soo bandhigno labadaas qowl kadibna kuwa raajixa ah ee daliilka culus aynu farta ku fiiqno.

Ugu horeyn aynu soo bandhigno aayadaha iyo daliilka Quraanka ah ee kusoo arooray mowduucan abuurida Xaawa. wuxuu Allah leeyahay sidatan:-

 
﴿يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُواْ رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالاً كَثِيراً وَنِسَاء وَاتَّقُواْ اللّهَ الَّذِي تَسَاءلُونَ بِهِ وَالأَرْحَامَ إِنَّ اللّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيباً﴾ [النساء: 1]. وقوله تعالى: ﴿هوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا﴾ [الأعراف: 189]


Qowlka 1 aad:

Aayada koowaad ee suurada Nisaa’ wuxuu Allah leeyahay " Dadow Rabigiin ka cabsada kaas oo idinka abuuray naf kaliya, kana abuuray xageeda sawjadiisii….." Aayadan sida ku cad Ilaahay wuxuu leeyahay:- Dadka naf kaliya ayaan ka buuray oo ah naftii nabi Aadam (waa sida culumada tafsiirku ku fasiraan aayadan). Nafna waxa la dhahaa marka jidhka iyo ruuxdu isku jiraan ayuu qofku naf noqdaa, sidaa awgeed nabi Aadam naftiisa ayaa la abuuray xaaskiisii Xaawana.

Aayada kalena Allah wuxuu leeyahay; " Isagu (Ilaahay) waa kan idinka abuuray naf kaliya kana yeelay xageeda xaaskiisii…." Halkan Culumada tafsiirku waxay dhaheen "ka yeelay" waxa looga jeeda "ka abuuray" wuxuuna macnuhu noqonayaa in Naftii nabi Aadam laga abuuray Xaawa, gaar ahaana feedhiisa.

Dhanka kale waxa jira xadiis saxiix ah oo Nabigu si cad u qeexay in Xaawa laga abuuray feedh qaloocda waxaana soo arooriyey Bukhaari iyo Muslimba, wuxuuna dhahay:

 
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلَا يُؤْذِي جَارَهُ وَاسْتَوْصُوا بِالنِّسَاءِ خَيْرًا فَإِنَّهُنَّ خُلِقْنَ مِنْ ضِلَعٍ وَإِنَّ أَعْوَجَ شَيْءٍ فِي الضِّلَعِ أَعْلَاهُ فَإِنْ ذَهَبْتَ تُقِيمُهُ كَسَرْتَهُ وَإِنْ تَرَكْتَهُ لَمْ يَزَلْ أَعْوَجَ فَاسْتَوْصُوا بِالنِّسَاءِ خَيْرًا



Abuhurayra waxa laga wariyey inuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu yidhi: Cidii rumaysan Ilaahay iyo maalinta qayaamow ha dhibin Jiiraankaaga, una dardaarma haweenka khayr, maxaa yeelay waxa laga abuuray feedh, meesha ugu qaloocsan faadhana waa halak ugu sarreysa, hadaad tagtid si aad u toosiso waad jabin, hadaad ka tagtana wuxuu ahaanayaa mid qaloocsan, ee dumarka u dardaarma Khayr. [Bukhaari: 4890]

Xadiiskan wuxuu si cad u qeexayaa in haweenka laga abuuray feedh, feedhaas oo ahayd tii nabi Aadam kadibna Aadam iyo Xaawana ay sii tarmeen oo ay dhaleen ubad badan oo lab iyo dhadig ahba. Taasi waa qowlka saxiixa ah ee raajixana ah, macnaha waa qowlka culumada u badanyihiin ee xaqiiqadana u dhow.

Qowlka 2 aad:-

Qoloda kalena waxay dhaheen waxa looga jeeda macnaha aayadan (مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا) in nafta kalida ah ay tahay Nabi Aadam, waana ta Ilaahay ku bilaabay abuurkiisa Basharka, wuxuuna nooca naftaas oo Insaana kasii abuuray xaaskiisii, oo waxay ka dhigeen in Xaawa ayadana laga abuuray naf kale oo la nooc ah naftii koowaad ee Nabi Aadam, sidaas darteed Xaawa lagama dhex abuurin naftii nabi Aadam ee way kala madax banaan yihiin.


Dabcan qowlkan waxa ka raajixsan kii ka horeeyey oo haystay daliilo cadcad iyo daahirka Quraanka Kariimka ah oo si cad u qeexay in naftaas nabi Aadam laga wada abuuray basharka oo dhan oo ayna ku jirto Xaawo.

Xaawa iyo Jannadii

Ilaahay wuxuu abuuray Nabi Aadam iyo Xaawa wuxuuna labadoodaba faray inay galaan oo dagaan Jannada Raxmaanka. Wuxuuna Allah leeyahay isagoo ka sheekaynaya deegaankoodii iyo Shaydaankii oo looga diagayo:-

 
( وَقُلْنَا يَا آدَمُ اسْكُنْ أَنْتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ وَكُلَا مِنْهَا رَغَدًا حَيْثُ شِئْتُمَا وَلَا تَقْرَبَا هَذِهِ الشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ الظَّالِمِينَ ) .


 
(وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَى * فَقُلْنَا يَا آدَمُ إِنَّ هَذَا عَدُوٌّ لَكَ وَلِزَوْجِكَ فَلَا يُخْرِجَنَّكُمَا مِنَ الْجَنَّةِ فَتَشْقَى * إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعْرَى * وَأَنَّكَ لَا تَظْمَأُ فِيهَا وَلَا تَضْحَى )


Aayadahan waxay tilmaamayaan in Rabi ku dhahay Aadam iyo Xaawaba; Gala oo daga Jannada kana cuna xageeda waxaad doontaan oo waasic ah hana u dhowaanina geedaas oo kolkaas noqotaan hadaad cuntaan kuwo naftooda dulmiyey oo ku gardarooday. Waxaana Allah ku dhahay; Aadamoow, kaasi waa Ibliis oo col iyo caw idiin ah adiga iyo haweenaydaadab ee yaanu idinka saarin Jannada, waxaana Jannada dhexdeeda ku leedhiin inaydaan ku gaajoon oo aydaan ku arad beelin oo aydaan ku harraadin.

Dabcan sifooyinkaas waxay si cad u tilmaamayaan in meesha ay dagaaneen Aadam iyo Xaawa ay ahaayeen Jannada Raxmaanka, sababtoo ah Jannada lagumana gaajoodo, lagumana dhibaatoobo.

Labadoodaba waxa looga digay in ay ka digtoonaadaan Ibliis oo diiday inuu nabi Aadam u sujuudo kadibna Ilaahay uu ka eryey Samooyinka sare oo uuna u cadhooday uguna ballan qaaday cadaabka naareed ee aakhiro.

Xaawa iyo Aadam si raaxo leh ayey ugu wada noolaayeen Jannada balse waxa dhagar u maleegay Shaydaankii Ibliis oo si uu Alle yaqaano un usoo galay Jannada kadibna yididiilo been ah u sheegay Nabi Aadam iyo Xaawoba. Wuxuu geediis laga mamnuucay ku tilmaamay inay tahay geeda keenaysa inay Jannada ku waaraan iyo inay noqonayaan Malaa’ik, ugu danbayn se Shaydaankii waa dhaartay oo Ilaaha wayn magiciisa ayuu ku dhaartay markaasay labadoodiiba ay caasiyeen Ilaahay, wayna cuneen geedii laga mamnuucay. Kolkay geedii cuneen oo ay danbiga labadooduba si siman uwada galeen ayey dharkii ka qaawanadeen kadibna waxay isku astureen caleemihii Jannada dabadeedna Ilaahay ayaa lahadlay oo dhahay: Miyaanan idinka reebin inaad u dhowaataan geedan, sidoo kale miyaanan idiinka digin in Ibliis idiin yahay labadiina cadaw iyo col? Waxay dhaheen labadoodiiba: Rabiyoow, waxaan ku gardarroonay nafahayagii, ee hadaanad noo danbi dhaafin waxaan ka mid noqonaynaa kuw khasaaray.

Ilaahay labadoodaba danbigoodii waa dhaafay balse wuxuu go’aamiyey inay ku hoobtaan Dhulka, Aadam, Xaawa iyo Ibliisba. Sidaasbayna ku yimaadeen Dhulka oo waxa bilaabantay dagaalka qaawan ee Shaydaanka Ibliis ku hayo caruurtii Nabi Aadam iyo Xaawa.

Ma Xaawa ayaa sababtay cunida geedka?

Su’aashan waxa si cad uga jawaabay Ilaahay oo quraankiisa ku tilmaamay in labadooduba si isku mid ah ay u galeen danbiga, walibana cid gooniya lama saarin danbigaas ee si wada jir ah ayey labadooduba macsida ugu dhaceen. Waxaana jirta taas badalkeed aayad quraana oo si gooniya danbiga u saaraysa nabi Aadam wuxuu Allah leeyahay:

 
وَعَصَىٰ آدَمُ رَبَّهُ فَغَوَىٰ ﴿١٢١﴾ ثُمَّ اجْتَبَاهُ رَبُّهُ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَىٰ ﴿١٢٢﴾



..Wuu caasiyey Aadam Rabigiis wuuna leexday (121) markaasu doortay Rabigii oo ka toobad aqbalay wuuna hanuuniyey (122) [Daha: 121-122]

Run ahaantii sida aayadan ka muuqata wuxuu Rabi eeda saaray nabi Aadam oo ahaa ninkii masuulka ka ahaa naftiisa iyo haweenaydiisaba, balse naxariista Ilaahay awgeed Rabi waa ka toobad aqbalay oo hanuuniyey kanad yeelay nabi daahir ah oo sharaf leh, danbigiisana waa dhaafay.

Dabcan eeda la saaro Xaawa maaha mid ay qabto diinta Islaamku, ee waxay katimid kutubta Yahuuda iyo Kiristanka oo gundhig uga dhigay arrintan in la yas dumarka, meelna lagaga dhaco xuquuqdooda insaaniyadeed.

Maxay Yahuuda iyo Kiristaanku ka rumaysnyihiin qisadan:

Gaalada Yahuuda iyo Kiristaanka oo kutubtii nabiyadoodu ka luntay waxay eedayn wayn usoo jeediyaan Xaawa, waxay sidoo kale Ilaahay ku tilmaamaan ku daciif ah oo aan garanayn waxa hareerihiisa ka dhacaya. Bal aynu fiirino farqiga u dhaxeeya diinta Islaamka iyo diimahaas ee ku saabsan qisadan.

Ilaahay oo lugaynaya Jannada:- Sida kuso aroorta Kitaabka Genesis (Bilowgii), cutubka 3 aad faqradaha 8… markay Aadam iyo Xaawa danbiga galeen ayuu Ilaahay lugeeyey Jannadii, markaasay Xaawa iyo Aadam oo qaawanina iska qariyeen dabadeedna waxa raadiyey Ilaahay oo leh; idin aaway!!?? kolkaasuu aadam dhahay; way i kan oo waan qaawanaa, markaasuu dhahay; maxaa ku qaawiyey ma geedii ayaad wax ka cunteen? wuxuu dhahay haa, oo naagtayda ayaa isiisay geedii, naagtiina waxay tidhi; abeesada ayaa i khiyaantay. [waa cajiib Ilaah lugaynaya Jannada oo aan garanayn meesha ay isku qariyeen Aadam iyo Xaawa!!!] Waa beenta waa wayn ee gaalada kiristaanka iyo Yahuuduba ka sheegaan Ilaahay iyo Aadam iyo Xaawaba.

Kiristaanku waxay rumaysanyihiin in Xaawa ka danbaysay danbigii ay ku dhaceen ayada Aadam kadibna Ilaahay ku ciqaabay inay dhib ku dhasho caruurta, wallaceedan uu badinayo, ninkuna uu u talin doono halka Aadamna lagu ciqaabay in dhulku habaaranyahay isaga awgii oo uu dhib wax kaga cuni doono.

Arrinta kale ee gaalada Kiristaanku iska dhaadhiciyeen waxa kamida in Danbigii nabi Aadam galay aan laga dhaafin ee uu raacay dhiiga caroortoodii, waxaana danbigaas layskaga dhiqi karaa ayadoo la rumeeyo in Ciise la dilay.[ Dabcan waa arrin aan caqliga bani-aadamka gali karayn in aad xanbaarto danbi cid kale gashay, mida kale danbiga Ilaahay toobad ayuu kaga tirtiraa ee dad aan waxba gaysan umuusan dilin, ciisana manaysan salbinin ee shaydaan ayaa wax u waxyooday.]

Taariikhda Xaawa iyo Aadam ee Dhulka.

Nabi Aadam iyo haweenaydiisii Xaawa waxa deegaankoodu ahaa Dhulka, waxa la sheegaa in meeshii ugu horeysay ee ay ku kulmeen ay ahayd buurta Carafo ee magaalada Makkah. Waxayn dhulka yimaadeen ayagoo aqoon u leh waxyaalaha ay u baahanyihiin, maaha sida Mulxidiintu ay sheegaan ee ay dhahaan; bani Aadamku dhulka wuxuu yimid isagoo jaahil kadibna maalin wax yar ayaa caqligu u korayey, arrintaas wax ka jiraa ma jiraan ee Ilaahay dadka dhulka wuxuu keenay ayagoo aqoon u leh baahidooda, cuntadooda, guryahooda iwm.

Xaawa waxay dhashay caruur badan, oo ay ugu horeeyeen Qaabiil iyo mataantiisi Quleys waxa ku xigay Haabiil iyo mataantiisii, kadibna Xaawo mataano yaal badan ayey dhashay oo lagu qiyaaso 4o jeer oo mataano ah.

Maadaama mataanayaashaa ay dhalaysay ahaayeen dadkii ugu horeeyey ee dhulka jooga waxa lagama maarmaan noqotay in laysu guuriyo si tarankii insaanku usii jiro. Shareecadii Nabi Aadam waxay ahayd in wiilka sanadka hore dhashaa uu guursado gabadha dhalata sanadka danbe halka wiilka sanadka labaad dhashaana uu ka guursanayo gabadha sanadka hore dhasha.

Hase ahaatee Qaabiil ayaa ka cadhooday arrintaas oo wuxuu dilay walaalkii Haabiil kadib markii laga aqbali waayey qurbaankiisii. Dhacdadani waxay aad u damaqday qalbigii Xaawa hooyadii Basharka oo aad ayey uga murugootay dilka wiilkeedii Haabiil iyo kan dilay oo isaguna ahaa wiilkeedii Qaabiil, waa kaa dhimay oo kugu dhimay arrinkeedu, inkastoo Haabiil uu qabtay xaga Jannada hadana waxay wayday aragiisii iyo codkiisii kolkuu Aduunka joogay halka wiilkeedii Qaabiilna uu ku gaaloobay dilka walaalkii.

Xaawo waxa kamid ahaa ubadkeedii wiilka la dhaho Shiith oo noqday nabi markuu aabihii Aadam geeriyooday, macnaha shiithna waa hibadii Ilaahay oo Rabi ayaa ugu badalay wiilkii wanaagsanaa Haabiil ee geeriyooday.

Xaawo shaqadeedu waxay ahayd korinta ubadkeeda iyo ubadka caruuteedu sii dhalaan, waxayna noolayd mudo aad u dheeer oo ah kun sanadood, ayada iyo ninkeedii Nabi Aadamna waxay kala danbeeyeen hal sano oo kaliya.

Markuu Nabi Aadam (N.N.K.H) uu geeriyooday ayey malaa’igtii Ilaahay timid aaskiisii oo dhaqeen maydkiisii sidoo kalena ay kafmeen, waxayna ku dhaheen dhashii nabi Aadam; taasi ama qaabkaas aad aragteen waa sida loo dhaqayo maydka loona kafmayo waana sunada bani aadamka, waxaana garanaysay malaa’igtaas Xaawa oo ku aragtay kolkay Jannada daganaayeen. Xaawona waxay geeriyootay sanadkii xigay, ilaahay raali haka ahaadee

Xaawa waa hooyadii Basharka ama Baniaadamka, waxaynaan ka baranaynaa nolosheedii samirka iyo dulqaadka iyo korinta caruurta, waxaan dareemaynaa dhibka hooyada ay la soo marto ubadkeeda, waana ta keentay in Diinta Islaamku aad u waynayso abaalka iyo ajirka hooyada.

Nabigeena Muxamed (N.N.K.H) waxa u yimid ni waydiinaya oo leh; Rasuulkii Ilaahayoow; yaa xaq igu leh? wuxuu dhahay: hooyadaa, wuxuu yidhi ninkii; yaa ku xiga? wuxuu dhahay; hooyadaa. ninkii wuxuu yidhi yaa ku xiga? wuxuu yidhi; hooyadaa. wuxuu dhahay ninkii; yaa ku xiga? wuxuu dhahay; aabahaa.

Si kale hadaan ku sheegno hooyado sadex jeer ayey ka xaq mudantahay aabaha, oo waxay ku guulaysatay billadii Dahabka, tii Silver ahayd ama qalinka ahayd iyo billadii Buruziga ahayd ee Birta ahayd halka aabihii uu galay kaalinta afaraad. Halkaas waxaynu ka qaadanaynaa in xaqa hooyadu ka waynyahay ka waynyahay ka aabaha, sidaas darteed dumarku xuquuqdaas intaas la eeg ayey ku leeyihiin Islamaaka, maaha sida gaalada Kiristanka ee ka dhigay uurkeeda lacnad iyo habaar sidoo kalena wax xuquuq ah aan usamaynin. Alxamdulilaah calaa Al-islaam.

Waxa diyaariyey oo soo jeedinaya walaalkeen: Abdulaziz Mohamed Oogle



No comments:

Post a Comment