SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Aadaabta Hadalka & Carabka

Carabku wuxuu ka mid yahay Hibada Eebe na siiyay, cabir ahaan aad buu u yar yahay balse wuxuu sababi karaa baaba’ iyo waxyeelo aad u weyn oo aysan geysan karin unugyada kale ee jirka.aadaabta hadalka
Waxaa ka sokeeya 32 ilig oo ilaaliyaal u ah taasoo nalaka rabo inaan 32 jeer fakirno intaynaan hadlin.

Xushmada & shaqsiyada qofka waxay ku xiran tahay sida uu carabkiisa u isticmaalo.

Tusaale qofku markuu yahay mid caytama, wax xanta, qeylo badan, ceebaha dadka ka sheekeeya waxaa laga qaadanayaa sawir ah qof xun, waana laga fogaanayaa sida uu carabkiisa u isticmaalay darteed ayaana u sabab ah.

Waxaa nala siiyay hal af iyo laba dhegood si aan ugu hadalno kala bar wixi aan maqalno.

Taariikhda waxaan ka baranay in Dal, Shirkad ama qoys dhan u burbureen ka dib marki dadki mas’uulka ka ahaa si khaldan u isticmaaleen carabkooda; hadalo xun oo wax kala geeya ku hadleen.

Sidoo kale, qof aad loo qadariyo ayaa sharaftiisa oo dhan ku waayi kara hal kelmad oo qadaf & xumaan ah.

Inkastoo Soomaalida ninka hadalada adag ama caaytama u yaqaanaan nin adag oo karti badan, iska dhicinta oo ku badan darteed, hadana ogow waa camal cibaadada ka mid ah tusaale guriga dhexdiisa qofku waa inuu ku hadlaa hadalo wanaagsan oo qurux badan farxadna geliya caruurtiisa & lamaanahiisa, nabad & deganaana ka dhex abuura guriga.

Sidaa si la mid ah ayaa laga doonayaa qofka marki uu banaanka joogo.

Ogow Hadalka wanaagsani waa sadaqo.

No comments:

Post a Comment