SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh:Aabahaa halkuu ku dhintay?

Nin Naakhuude ah ayaa waxaa la kulmay nin kale isagoo doontiisii wata markaasuu yidhi: Aabaha xaguu ku dhintay? Naaakhudihii ayaa yidhi: Aabahay Badda ayuu ku dhintay isagoo ka shaqaysanaya ! markaasuu waydiiyey hadana Awowgaana xaguu ku dhintay? markaasuu Naakhuudihii yidhi: Awowgayna Badda isagoo ka shaqaysanaya! ninkii ayaa yidhi yaab badanidaa Aabahaa baduu ku dhintay awowgaana badda adiguna Naakhuude ayaad tahay oo baddaad ka shaqaysan ma badaad ku wadda dhimanaysaan?

Naakhuudihii ayaa yidhi: adiga Aabahaa xaguu ku dhintay? ninkii ayaa yidhi :Aabahay wuxuu ku dhintay Firaashkiisa! markaasuu yidhi: Awowgaagana? markaasuu yidhi: Firaashkiisa ayuu ku dhintay.

markaasuu Naakhuudihii intuu qoslay ku yidhi: oo adiguna ma waxaad sugaysaa inaad firaashkaaga ku dhimato.

qisadani waxay inoo sheegaysaa in qofku aanu raacraacin ama baadhbaadhin xaalada qof u gaara, isagoo xaaladiisaba ama ceebihiisaba aan arkayn.

ku mashquul taariikhdaada iyo ceebtaada ha ku mashquulin ceebta dadka kale.

qisadan waxaan kaaga soo tarjumay Buugaa 1001 qiso.

by Hussein Ahmed

No comments:

Post a Comment