SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dirka koonfureed waa Isaaquun.

Mawduucaygu kaas maaha oo kama doodayo sababta Isaaq Dir ugu xidhan yihiin ee mida aan sheegayaa waa mid aan  ka hadlaayo  qabaa'ilka.

Sida aynu ognahay ama aynu maqalnayba dadka Somalida ahi waxa ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo reer guuraa ahaa ku xisaabtama dhibicda roobka, oo hadba u guura halkii naq iyo doog leh.

Aan usoo dhaadhaco dulucda qoraalkaygan, oo ah beesha Maahe dir waa Isaaq.

Maahe dir waxa la isku dhahaa Isaaq, Biyomaal ,Surre iyo baajimaal.

Haddaba taariikhaha ay Somalidu dheehato waxa ay ka yimaadaan laba ilood oo kala ah 1= taariikh qoran oo ay badankeeda amaba aan dhaho dhamaanteed ay qoreen dad ajaanib ah oo soo booqday gayiga Somalida.

Dadkaasi muslim iyo gaaloba way lahaayeen

2= isha labaadna waa Gabayadii ama tixihii somalida oo iyaga qudhoodu ahaa taariikh cajiib ah.

Labadan ilood ee taariikheed midna ma uu xusin magaca MAAHE DIR, inkasta oo Sheikh Isxaaq ahaa carab qoyskoodu Ciraaq kasoo haajiray oo soo dagay ardul Yemen gaar ahaan Sabba. Hadana dadka Isaaq dir meelo badan ayay iskaga xidhan yihiin oo ta koowaad tahay in boqorkii magaade soo dhoweeyey Sheikh isxaaq gabadhna udhisay iyo in ay isbahaysteen qabaailka direed iyo qabiilka Isxaaq.

Mawduucaygu kaas maaha oo kama doodayo sababta isaaq dir iaugu xidhan yihiin ee aidaas aan sheegay waxa aan ka hadlayaa in qabaailka MAAHE DIR la isku dhahaa ay dhamaantood yihiin ISAAQ oo magacaas maahe dir oo mardanbe soo baxay.

Sugaanta ama gabayda somalida ahi marka ay ISAAQ dir la xidhiidhinayaan si toos ah ayay dir ula xidhiidiyeen iyaga oo aan sii marin maahe dir.

Buugta taariikhda ah ee qoran oo qaarkood kahadleen sida ay isugu xidhan yihiin qabaailka isaaq iyo dir iyaguna si toos ah ayay isaaq ula xidhiidiyeen dir oo may sii marinmagac la dhaho maahe dir.

Waxa iyaduna tixraac fiican ah qoraa ingiriis ah oo la odhan jiray Elliott oo isaguna ka hadlay qabaailkii isaaq ee daganaa gobolka Juballand loo yaqaano. Waxa uu yidhi qoraagaasi somalidii Juballand ka dagaalamay ee kasaaray Qabiilka GAALLA ama Oromo

Waxa ay ahaayeen Somali ISAAQ somali Daarood iyo Somali Dir.

Dir waxa la odhan jiray beesha madaxwayne direed.

Hadaba tixraacyadaas in Biilaam iyo Surre isaaqii koonfureed yihiin waxa kamid ah may soo noqonin qabaailkii Isaaq eeka dagaalamayay gobolka Jubaland , waxa kale oo tixraac sugan ah in aanu jiri jirin magaca maanta loo yaqaano isaaqa koonfureed ee MAAHE DIR.

waxa kale oo tixraac sugan ah in ay qabaail ka maqan yihiin qabiilada isaaqa ah ee Toljecle, Ayuub iyo Sanbuur.

Inkasta oo qabiilka Toljecle cida ka maaani ay galbeed kaga maqan yihiin oo jabuuti iyo Eritrea kaga maqan yihiin si gaar ahna aan uga hadli doono inaha allah qormooyin danbe.

Ayaa waraysi iyo xog ururin dheer oo labada dhinac ah isaaqa waqooyi gaar ahaan (Ayuub&Sanbuur) iyo isaaqa koonfureed ( Surre &Biimaal) ama magaca cusub ee maahe dir

kadib waxa iisoo baxday in qabiilka Biimaal uu yahay cidii ay kala lumeen qabiilka Ayuub Sh isxaaq oo Biimaal uu yahay Ayuub Sh isxaaq

Halka qabiilka Surre uu yahay cidii ay kala lumeen qabiilka Sanbuur ama ibraahim Sh isxaaq.

Dhamaan tixraacyadaasi waa kuwo ku tusinaya in qabiilka maanta Maahe dir la isku dhahaa uu ahaa qabaailkii isaaq ee ka dagaalami jiray qarniyo kahor gobolka Jubaland , deegaanka kala fog iyo dabeecada cusub ee ay kala tageen darteed ay dhacday isbedelo badan.

Sababaha keenay in ay dir ugu milmaan

Isaaqii koonfureed waxa kow ka ah iyaga oo ay qasab ku ahayd in ay helaan xulafo ay iska kaashadaan duulaanadii qabiilka Gaallada ama Oromada

Waxa kale qodob labaad ah iyaga oo dir gaar ahaan madaxwayne sir ay qabaailka isaaq kala badh abtiyaal u yihiin oo ay ahaayeen dad is ah.

PS= dirta ay isaaqii direed xulafada noqdeen waa beesha madaxwayne dir

Ee ma jirin magaca maahe dir.

Sidaas darteed intaas oo tixraac ahi waa kuwo na tusaya in isaaqii koonfureed ay la baxeen magacan maahe dir

Waxa ayna sax ku tahay baadhis badan kadib

Biimaal Ibrahim Sh isxaaq

Surre Ibrahim Sh isxaaq

Waxa kale oo muhiim ah labada dhinacba ay dareensan yihiin taariikhdan balse aanay wali ku dhiiranin in ay soo bandhigaan.

Qorraa :Yuusuf Cismaan Xasan

qansax@gmail.com

No comments:

Post a Comment