SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saddex dardaaran oo ku saabsan habeenka laylatul qadarka.

1. Markay bisha Ramaan soo gasho Ilaahay weydiiso inuu ku waafajiyo habeenkaas.

2.salaadda cishaayi iyo ta subax masjidka jamaacada la tuko, ta casarka markaad kasoo baxdana naftaada ugu sheekee inaad diyaar u tahay ood sugayso inaad habeenkaa haleesho.

3.habeenkii tuko haba yaraatee salaadda qiyaamka.

Hooyadeen caasha R.C. xaaskii Nebiga S.C.W. ayaa weydiisay Nabiga CSW haddaan ogaado habeenkaa maxaan ku ducaystaa Nebigu wuxuu ku yidhi; waxaad tidhaahdaa;

Allahuma innaka cafuwun

tuxibulcafwa facfu cannii.

Ha hilmaamin waa habeen ka khayr badan kun bilood.

W/Q:Yusuf Rooble Xirsi (Sandoon)

No comments:

Post a Comment