SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nin albaabka ay kusoo garaacday Xaaskiisii Xuural'cayntu !

Wuxuu kusoo arooriyey Ibnu Aljawsi kitaabkiisa Safwat Safwa iyo Ibnu Nuxaas kitaabkiisa Mashaariq al Ashwaaq qiso cajiiba oo ku saabsan nin wanaagsanaa oo Jihaadkana jeclaa lana dhaho Abuqudaama.

Ninka la dhaho Abuqudaam wuxuu ahaa nin Ilaahay jeclaysiiyey Jihaadka iyo inuu la dagaalamo gaalada, waxa la sheegaa inuu Abuqudaama maalin fadhiistay masaajidka xaramka ee Madiina, kadibna dadkii ayaa waydiiyey oo ku dhahay; Abuqudaamoow waxaad tahay nin Ilaahay jeclaysiiyey Jihaadka ee nooga warran wixii kuugu cajiibsanaa ee aad aragto?

Wuxuu yidhi Abuqudaama; Waxa ugu cajiibsanayd mar aan u baxay aniga iyo koox muslimiin ah si aan ula jihaadno gaalada Saliibiyiinta ayaan waxaan sii maray magaalada la dhaho Riqa oo kutaala Ciraaq gaar ahaa dhanka ku haysa wabiga Furaat, kadibna magaaladaas ayaan hub ka iibsaday iyo cunto sahay ah dabadeedna masaajideeda ayaan ka khudbadeeyey anigoo dadka ugu yeedhaya inay kaalmeeyaan dadka muslimiinta ah kuna caawiyaan hub iyo xoolaba sidoo kalena cidii doonaysa inay ka qaybgasho jihaadkana waa u furanyahay.

Wuxuu yidhi; waxaan habeenkii kiraystay guri magaalada ku yaala hase ahaatee markay gaadhay habeenkii saqdii dhaxe ayaa lasoo garaacay albaabkayga kadibna waan furay, mise waa gabadh muslimad xijaaban oo markiiba dareemayso xishoodkeeda iyo dhawrsanaanteeda markaasay igu tidhi; saw Abuqudaama ma tihid? waxaan ku idhi; haa, waa aniga. Waxay tidhi; waxaan maqlay inaad Jihaadka tagaysaan, aniguna hub iyo saanad dagaal midna ma hayo ee waxaan ku siinayaa maradan ee qaado kadibna way oroday ayadoo oynaysa!

Wuxuu yidhi Abuqudaama; waxaan furay maradii waxaana ka helay warqad ay ku qorantahay waxaan kuugu hadyadeeyey timahaygii oo aan soohay kana dhigay xadhig ee ka yeelo shakaal ama xadhig aad ku dabartid faraskaaga waxa rajaynayaa inuu Ilaahay iga aqbalo sadaqadayda.

Abuqudaama waa cajabay kadibna waa baxay isaga iyo kooxdii la socotay balse markay marayeen duleedka magaalad Riqa gaar ahaa dhufayska Maslama ibnu Cabdi almalik ayaa waxa naga daba dhawaaqay wiil yar oo faras saaran wuxuu leeyahay; Abuqudaamoow!!

Abuqudaama wuxuu yidhi; kooxdii ayan ku dhahay hore usii socda anigaa la hadlaya wiilkane, kadibna wiilkii ayaan u imid mise afka ayuu duubtay wuxuuna dhahay; adeer Abudaamoow, waxaan rabaa inaan jihaadka idinkala qaybgalo, waxaan idhi; bal wajigaaga marada ka qaad aan fiiriyo inaad qaangaadh tahaye? Wiilkii wajigiisii ayuu maradii ka qaaday, waaba wiil kuray ah oo iminka un ay shaarubtii usoo baxday kadibna waxaan ku idhi; wiilkaygoow wali waad yartahaye ee ku laabo aabahaa! Wiilkii wuxuu dhahay; Aabahay iyo abtiyaashayba waxay ku shahiideen jihaadka gaalada.

Abuqudaama; hadaba ku laabo hooyadaa oo ayada agteeda joog, maxaayeelay Jannada lugaheeda ayey taalaa!

Wiilkii; hooyaday ayaaba isoo dirtay oo waxay ii hibaysay Ilaahay, hooyadayna waa gabadhii kusoo siisay Xadhiga ama shakaalkii Faraska. SubxaanAllah, wuxuu yidhi Abuqudaama; markaan arkay dhiiranaanta wiilka ayaan u ogolaaday inuu na raaco.

Abuqudaama wuxuu dhahay; Ilaahbaan ku dhaartee maan arkin wiil ka firfircoon wiilkan oo hadaan u baahan0 cunto wuu noo kariyaa, hadaan u baahano cid dharka noo maydha wuu noo dhaqaa, waanu diiday inay cid kale qabato shaqadan.

Markay gaadheen farantii dagaalka ayaa wiilkii wuxuu doonay inuu kariyo cuntadii quraacda, wuxuuna shiday xaabadii, dharigiina dabka ayuu saaray hase ahaatee wiilku wuu daalanaa oo dhagax ayuu madaxiisa saaray waanu seexday. Abuqudaama wuxuu dhahay; markay dadkii raagsadeen ayaan u imid wiilkii markaasaan kariyey cuntadii oo maan jeclaysan inaan hurdada ka kiciyo maadaama uu aad u daalaana balse isagoo wiilkii hurda ayuu dhoola cadeeyey markaasuu hadana qoslay qosol wayn 🙂

Wiilkii wuu soo kacay markaasu ku dhahay Abudaama; adeer anigaa dhamaystiraya cuntada ee ka leexo, wuxuuna dhahay Abuqudaama; Adeer anigaa wadaya ee maxaad ku qoslaysay?

Wiilkii wuxuu yidhi; markaan seexday ayaan Jannadii galay oo aan arkay quruxdeedii iyo sifooyinkii Ilaahay ku sheegay Quraankiisa kadibna waxaan arkay Qasri layaab oo ka samaysan Fido albaabkiisuna yahay Dahab, markaasaan fiiriyey barandada Qasrigan mise waxa fadhiya laba gabdhood oo hadaad aragto quruxdooda aad dhiman lahayd, wajigoodu uu yahay sida Dayaxa!! Markaasay labadii gabdhood i arkeen waxayna dhaheen; waa kaas sawjkii raaliyada!! Waxaan idhi: waa tuma raaliyadu? Waxay dhaheen; waa xaaskaaga anaguna waxaan nahay jaariyadeedii ee ma rabtaa inaad fiiriso?

 

Wiilkii wuxuu yidhi; haa, kadibna way kaxeeyeen oo waxay geeyeen dabaqa sare oo ka samaysan jaajuur dahabka casaanka ah, kadibna waxaan arkay Sariir tiirarkeedu yihii Fido midabkeeduna yahay doog waxaana ku fadhida gabadhii ugu qurxoonayd ood mood dhalaalkeeda sida cadceeda!! waxayna tidhi; Xabiibi waxaan ahay xaaskaagii xuurulcaynka. Kadibna wiilkii wuxuu yidhi; waxaan doonay inaan taabto, markaasay igu tidhi; xabiibkaygoow, waxaad joogtaa Aduunka balse waxaad noo imanaysaa Salaada Duhur kadib, markaasaan qoslay. Abuqudaama wuxuu ydhi; wiilkaygoow, war khayr ah ayaad aragtay!.

Abuqudaama wuxuu dhahay; markii duhurkii la gaadhay ee qorraxdii kululaatay ayaa dagaalkii bilaabmay, markaasay dadkii mid kasta inaadeerkii ama cidii dad ugu xigatay ayuu garabkiisa yeelay balse wiilkii ayaan waayey waxaan helay isagoo taagan safka hore waxaanan ku dhahay; adeer miyaad hada kahor gashay dagaal? wuxuu yidhi; maya adeer ee waa kii iigu horeeyey, waxaan ku dhahay; wiilkaygoow, ciidanka xaga danbe qabo oo hadaan guulaysano waad nala guulaysatay hadii nala jabiyana kuwa ugu hor dhinta ha noqonin.

Wiilkii wuxuu yidhi; adeer ma inaad naarta galo ayaad rabtaa miyaanad maqal aayada quraanka ah ee uu Allah leeyahay cidii dhabar jeedisa isagoo dagaalamaya oo aanay dhabarjeedintaasi ahayn xeelad dagaal waxa lgu tuurayaa cadaabka naareed. SubxaanAllah, wuxuu yidhi Abuqudaama; adeer aayadu fasir ayey leedahay.

Intuu warkii socday ayaa waxa qadhaadhay dagaalkii, warankii ayaa laysku tuuray, falaadhihii ayaa la ganay, seefihii ayaa laysku gumaaday, gacmihii ayaa duulay, ragii qaar badan baa dhintay fardihiina dhaawicii iyo maydkii ayey ku tunteen. Markay Duhurkii dhaaftay ayaa waxa gacan sarreeyey Muslimiintii, gaaladiina Ilaahay waa ka reeyey.

Dagaalkii markuu dhamaaday ayuu Abuqudaama raadiyey wiilkii wuxuuna ka dhex helay maydkii isagoo cod daciifa ku hadlaya oo leh Adeer Abuqudaamoow, markaasu u yimid Abuqdaama oo wuxuu doonay inuu xanbaaro kolkaasuu dhahay wiilkii; Adeer geeridii ayaa ka dhow ee waan kuu dardaarmayaaye dhagayso: hooyaday waxay ii hibaysay Ilaahay waxaad ku dhahdaa wiilkaagii wuu shahiiday wuxuuna dhintay isagoo aan dhabarka jeedinayn, sidoo kale waxaan leeyahay gabadh yar oo walaashay ah oo markaan soo baxayey marada i haysatay ee ayadana waxaad dhahdaa; walaal Ilaahay ayaan kaaga tagay, isagaa ku ilaalinaya oo ku waardiyeynaya.

Kadibna Abuqudaama wuxuu doonay inuu shaatigiisa uu ku masaxo wajigiisa oo ay farduhu ku tunteen, markaasuu wiilkii dhahay; maradayda ayaa qiimo liidata taada ee dhiiga tan ku masax, subxaanAllah, Abuqudaama wuu ooyey, markaasuu wiilkii hinqday oo naftii iska gurtay wuxuuna dhahay; adeer waa tan raaliyadii oo waxaan ursanayaa udugeedii ayaduna gacanta ayey soo taagaysaa, sidaasbaanu ku geeriyooday wiilkaasi Ilaahay ha u naxariistee.

Abuqudaama wiilkii ayuu aasay wuxuna soo qaaday maradiisii dhiiga lahayd, wuxuuna yimid magaaladii Riqa balse ma garanayo wiilkii hooyadii iyo wiilkan walaashii. Abuqudaama wuxuu dhahay; waxaan arkay gabadh yar oo sagaal jir oo dadka waydiinaysa ma aragteen walaalkay? dadkuna ay leeyihiin ma garanayno.

Inantii yarayd ayaan u imid oon ku dhahay hooyadaa meeday, markaasy oroday oo u yeedhay hooyadeed. Markasy soo baxday ayey garatay Abuqudaama waxay ku tidhi Abuqudaamoow; ii bishaaree ama ii tacsiyadee, waxaan idihi; waa maxaya bishaaradu? waa maxayse tacsidu? waxay tidhi; bishaaradu waa inuu wiilkaygu dhintay isagoo jihaadaya oo wajigiisu u jeedo dhanka gaalada, tacsiduna waa inuu wiilkaygii dhintay isagoo dhabar jeediyey!! Abuqdaama wuxuu dhahay; bishaarayso wiilkaagii wuxuu dhintay isagoo mujaahid ah, maradiisiina waa tan oo dhiigiisii leh. SubxaanAllah, markay inantii yarayd maqashay warkii walaalkeed ayey suuxday oo dhulka ku dhacday markaasay haweenaydii muslimada ahayd gashay qolkeedii oo soo qaaday biyo halka Abuqudaamana uu ku akhrinayey Quraanka.

Abuqudaama wuxuu yidhi; markay mudo jiiftay inantii ayey geeriyootay kadibna intay hooyadii qaadatay ayey la gashay gurigeedii, waxayna soo xidhatay albaabka kadibna waxaan maqlay ayadoo leh; Ilaahaybaa mahad leh aan nasabkayga kasoo saarin cid ehlu naar ah, Ilaahayoow, sanadkii hore waxaan kuu hibeeyey ninkaygii walaaladay iyo sanadkan oon kuu hadyadeeyey wiilkaygii aan koriyey todoba iyo toban sanadood.

Ilaahay ha u naxariisto haweenaydaa Muslimada ah ee nafteedii, xoolaheedii iyo caruurteediiba u hurtay Jidka Ilaahay waa tusaale nool oo ku daysho mudan. Dadkii inaga horeeyey sidaasbay ugu dadaali jireen in Ilaahay raali ka ahaado! Inakana ma garanayno wax yar oon Islaamka iyo Jidka Ilaahay u qabanay, Ilaahay hayna waafajiyo tawfiiqda, danbigeenan ha dhaafo hana inoogu naxariisto dhulka dushiisa, hoostiisa iyo maalinta la taaganyahay banka wayn. Aaamiin.

Waxa diyaariyey soona jeedinaya Sheekh Abdulaziz Oogle


No comments:

Post a Comment