SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wax ka baro Taariikhda dalka Qatar

Dalka Qatar waa dal Carbeed waxaana uu ku yaala galbeedka qaaradda Asia waxaana uu xaduud dhuleed la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Baxreyn waxaana ku hareeraysan gacan biyoodka Persia iyo gacanka Qatar.

Tirada dadka wadanka Qatar waxaa lagu qiyaasaa 1.8 million oo qof 278,000 oo ka mid ah ayaana la sheegaa inay muwaadiniin dhalad ah yihiin halka 1.5 million ay yihiin dadka dalkaasi tagay oo dhalasho qaatay.

Bedka dhulka Qadar 11,571 km2 waxaana uu dalka madaxbanaanidiisa ka qaatay gumaystihii Ingiriiska 3 bishii September sanadku markuu ahaa 1971 seedka gaadiidku isku dhaafaana waa dhanka midig lacagta dalka waxaa la yiraahdaa Riyal waxaana uu ka kooban 7 gobol.

Waa dal uu ka jiro nidaam ah boqortooyo ah talada wadankana boqorka ayay ka go’daa sidaasoo ay tahay waxaa dalka ka jira dawlad leh baarlamaan iyo gole xukuumad.

Luuqada wadanka looga hadlana waa Carabi

Boqorka wadanka oo loogu yeero Amiirka dalka waxaa la yiraahdaa Tamiin Bin Xamaad Al-Thani R/wasaarahana waxaa la yiraahdaa C/laahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al-Thani taasoo ka dhigan in qoyska Al-Thani ay talada wadankaasi gacanta ugu jirto ku dhaqanka Shareecadda Islamka ayaana awooda ugu badan la galiyaa.

Caasimada dalka waa Doxa oo sidoo kalena ah magaalada ugu weyn dalka waxaana dadka ku nool 60% dadka dalka ku nool.

Dadka luuqada Carabiga aad u yaqaan waxay ku macneeyaan ereyga Dooxa geedkii weynaa waana magaalo xeebeed.

Magaalada Doxa oo la aaminsan yahay in la aas aasay sanadku markuu ahaa 1825 waxaa horey loo oran jiray magaalada Al-Bidda.

Magaaladaan oo aad u dhisan waa meel ay ku shaqayso dawlada Qatar, hay’addo caalami ah iyo xarumaha warbaahinta Tv,yada Al-Jazeera.

Doxa oo dhawr jeer marti galisay cayaaro caalami ah waxaa la qorsheynayaa in marka la gaaro 2022 lagu qabto cayaaraha koobka Adduunka ee xiriirka FIFA maalgaliyo haddii ay taasi dhacdana waxay noqon doontaa magaaladii Carbeed ee ugu horeysay ee koob Adduun lagu qabto.

Taariikhda dalka Qatar dadka yaaqaana waxay sheegaan in dalkaani uu horey uga tirsanaan dalka Baxreyn intii u dhaxaysay sanadihii 1783 illaa 1868 Ingiriiskuna waxaa uu qabsaday sanadkii 1916 waxaana uu haystay illaa laga soo gaaro 1971.

Dawlada dalka Qatar ka jirta waa dawlada siyaasad fur furan waxaana lagu xagliyaa inay bah wadaag la tahay dawladaha gacanka Khaleejka ee ku xayndaaban iyo dawladaha reer galbeedka oo ay saaxiib dhaw la tahay.

Dadka dhaliila siyaasadda dawlada Qatar waxay ku sheegeen inay tahay meesha lagu fur furo siyaasadda ururada danaha reer galeebka caqabada ku ah waana dawlada saaxiib la ah dawladaha Carabta badankood, reer galbeedka ururo ay ka mid yihiin Taliban, Al-Qacida iyo shaqsiyaad si weyn loo doon doonayo oo mararka qaar ay magan galyo siiso.

Dalka qatar waxaa lagu sheegaa inuu ka mid yahay wadamada gacanka Khaliijka ee dhanka ciidamada tayada badan ka leh waxaana askarta dalka Qatar lagu qiyaasaa 11,800 o askari .

Sideed kun iyo Shan boqol oo ka mid ah waa ciidamada badda halka 1,800 ay ka ka tirsan yihiin ciidamada cirka.

Dhanka dhaqaalaha haddaanu eegno dalkaan waxaa uu ka mid yahay wadamada dunnida ugu taajirsan waxaana dadka wadanka lagu sheegaa inay u badan yihiin million neero.

Dhaqaalaha ugu badan dalkaan waxaa uu ka helay shidaalka waxaana maalintii ceelasha shidaalka Qatar laga soo saaraa in ka badan 15 billion oo barmiil oo shidaal ah.

Heerka shaqo la’aanta dalka waxaa lagu qiyaasaa wax ka yar 1% ruux inuu shaqo la’aan yahay sidaasoo ay tahay hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha waxay dawlada ku eedeeyaan inay shaqaalaha u dirto shaqo adag oo aysan qaban karin dhaqaalo yarna ay siiso.

Dhanka Diinta dalka waa dal Muslim dadkiisana waa Muslimiin Sunniyiin ah .

Qiyaastii 5 illaa 15 % dadka Qatar ku nool ayaa la sheegaa inay Shiico yihiin

Dhamaan qanuunka dalka waa mid salka ku haya shareecadda Islamka xukuumadda ayaana fulisa.

Xagga dhaqanka waxay dadka Qatar la mid yihiin dadka dega wadamada Carabta raggu waxay ku labistaan Qamiisyo iyo cimaamado oo dhaqan u ah Dumarkuna waa ay xijaabtaan.

Dumarka looma ogola inay kaligood safari galaan gaadiidna ma kaxeyn karaan.

Cunnada ay cunaan dadka Qatar waa raashinka Xalaasha ah ee diinta Islamku ogoshahay waxaana ay dhaqan ahaan u cunaan bariiska, hilbaha xoolaha iyo raashinka badda laga soo saaro caanaha lo’da ayaana aad looga cabaa dalka Qatar.

Cayaaraha aad baa looga xiseeya dalka Qatar waana taas tan keentay inay marti galiyaan cayaaro noocyo kala duwan lahaa oo dalkaasi lagu qabtay

Xulka qaranka Kubbadda cagta dalka Qatar waligiis kuma guulaysan koob addun heer wanaagsana kama gaarin laakiin haddana waxay ku horeeyaan cayaaraha kale oo ay ka mid yihiin orodada, basketka iyo dabaayasha ayay aad ugu horeeyaan cayaartoyda dalka Qatar.

Cayaaraha fardo fuulka iyo tartamadooda ayay dhaqan ahaan u cayaaraan dadka Qatariyiinta ah.

Waxaa isku ururshay Burhan Dini Farah

burhandiini@gmail.com

No comments:

Post a Comment