SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ha u guurinina waa Edab daranyahay'e!!

Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, waxaanan mahadinaynaa Allah (S.W.T) sidoo kalena waxaan ku sallinaynaa nabigeenii Muxamed (N.N.K.H). Intaa kadib Walaalayaal waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka; Assalaamu calaykum wa raxmatu allahi wa barakaatuhu.

Walaalayaal saxaabadii Nabiga (N.N.K.H) markaad akhriso qisooyinkoodii waxaad is odhanaysaa talow dadkani ma Meere kale ayey ku noolaayeen? Waxaad la yaabaysaa dhaqankooda, akhlaaqdooda, isduldhigooda iyo sida ay u ilaalin jireen ballanta ay la galaan Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

Walaalayaal waxa dhaqan ama caado iska ah in xilliga gabadh la doonayo in la guursado ee laysu gole fadhiisto in labada reer ee xididaya ay labadooduba amaanaan wiilka iyo gabadhaba, ayadoo laga yaabo in amaantaas la timaamayo aanay inabadan waxab ka jirin. Hase ahaatee bal aynu eegno qaabkii saxaabadu ay u dooni jireen gabadhaha kolkay doonayaan inay guursadaan.

Wuxuu Ibnu Sacad soo saaray in Saxaabiga Bilaal ibnu Rawaaxa iyo walaalkii ay dooneen inay guursadaan gabadh reer Yaman ah markaasuu dhahay Bilaal: Anigu waxaan ahay Bilaal kanina waa walaalkay, waxaanu ahayn kuwo baadiya oo lunsan waxaana nasoo hanuuniyey Allah (S.W.T) waxaanan ahayn adoomo oo waxa na xoreeyey Allah (S.W.T), ee hadaad noo guurisaana waa mahad Alle hadii aad diidaana Ilaahaybaa wayn!!

Dhanka kale Bilaal walaalkii ayaa gabadh doonay kadibna waxa la dhahay; tag oo u yeedh Bilaal (mu’adinkii Nabiga) oo haduu yimaado Bilaal waanu kuu guurinaynaa, kadibna waxa yimid Bilaal markaasuu yidhi: Anigu waxaan ahay Bilaal, kanina waa Walaalkay waana nin akhlaaq xun oo diin fiicana aan lahayn ee hadaad doontaana u guuriya hadii aad u diidaana waa meesheeda!! Waxay dhaheen reerkii inanta laga soo doonay: Bilaalow cidaad la dhalatay waan u guurinaynaa inantayada…

Sidoo kalena Xasan ibnu Cali (I.R.H) waxa uu ahaa nin guur badan oo furniin badan, waxaanu doonay inuu guursado gabadh reer Kuufa ah waxaanu u yeedhay aabihii Cali ibnu Abudaalib, kadibna golihii inanta lagu bixinayey ayey yimaadeen waxaanu dhahay Cali; wiilkaygan Xasan

waa nin guur badan oo furniin badan ee ha uguurinina!! Reerkii lala xididayeyna waxay dhaheen: Ilaahbaan ku dhaaranee waan u guurinaynaa, ciduu raali ka ahaadana ha haysto ciduu doonana ha furo.

Cajiib weeye labadan qiso waxayna ina tusaysaa isduldhiga saxaabada iyo inay goor kastaba ay run ka sheegaan waxa la waydiiyo.

WD Abdulaziz Mohamed Oogle.

No comments:

Post a Comment