SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Somaliland iyo kHaatumo oo heshiis dhaxal gal ah wada gaadhay.

Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis dhaxal gal ah wada gaadhay, labada dhinac ayaa hada Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay heshiis ka kooban shan qodob oo ay isla afgarteen.

Qodobada Heshiiska ayaa kala ah sidan

1. Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa

2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan

diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin

3. In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.

4. In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.

5. In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay

Heshiiskana waxa si wada jir ah u saxeexay Gudoomiyaha guddida wada hadalka khaatumo ee somaliland Dr. Sacad Cali Shire ahna wasiirka arimaha dibada somaliland iyo Gudoomiyaha Weftiga Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ahna gudoomiyaha maamulka khaatumo ee Baarlamaanka.

No comments:

Post a Comment