SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso Cajiib ah "Hawenaydii Dharku Diiday"

Waxaa jirtay mid ka mid ah magaalooyinka carbeed gabar aad iyo aad ay u jeclaayeen dhallinyarada iyo dhamaan dadka aan fahamka wanaagsan ka heysan halista qaawinta cowarda, gabadhaasi waxaa lagu casuumi jiray xaflad kastoo lagu sameeyo munkar uusan ilaahay raalli ka aheyn.

Waxay gabadhu aad ugu caan baxday labiska aadka u muujiya jirka dumarka, waxay sidoo kale aad ugu dheg dhegi jirtay ragga xafladda jooga ilaa dadka qaarkiis ka baqaan inay iyagu ku camirato, waxay kaloo caan ku aheyd inay heesto iyadoo miyuusikada si’ xad dhaaf ah u la jaan qaadi jirtay.

Maalin baa waxaa looga yeeray xaflad aroos oo aad u camiran, waxay aheyd goob mashxarad iyo tamashleyn is-dhex yaac ah lagu sameynayo, waxayna u soo labisatay sidii looga bartay iyadoo mar qudha badashay jawigii goobta oo dadkii hoos iskaga sheegeen "Waxaa soo gashay hebla".

Waxaa la tumay muusuqii, waxaa la dheelay wax kastoo ciyaar lagu tilmaamay balse aan xad diineed iyo mid damiirba laheyn, waxaana goobta is-qabsaday sawaxanka uu qurxiyo sheydaanka, ee heesaha.

Dadkii oo dhan baa miirkooda siiyay waxa socda, waxaase mar qudhaa la waayay fanaanaddii la jeclaa codkeeda, lagu maadeysan jiray cowradeeda, misa hadii leys fiir fiiriyay waxay taallaa dhulka iyadoo aan dhaqaaq iyo dareemo midna laheyn.

Dadkii baa isku soo xoomay oo korkeeda iskugu yimid laakiin saaxibteed oo aan goobta ka sii fogeyn baa dalabtay in miyuusikada aad loo dheereeyo iyadoo tilmaameyso inay suuxdinta wax caadiya tahay..! Laakiin arrinku sidaas wuu ka gedisnaa markaas.

Waa laga quustay inay soo toosto oo ay sameyso wixii laga sugayay, waxaana markaas goobta soo galay lamaanihii arooskooda munkarka ku qurxiyey, waxay taabteen wadnaheeda misana "gaw iyo gariir" midna maleh.

Waxay ogaadeen inay dhimatay, waxaase cajiib ah intaasi kadib maxaa xigay..?

Kolkey hubsadeen inay meyd tahay gabadhii ku saaciday tamashleynta Sheydaanka ayay u carareen inay asturaan oo ay dhar huwiyaan laakiin waxaa layaab iyo amakaag madaxa ka weyn uu ku dhacay dhamaan dadkii goobta joogay kadib markii maro waloo lagu dado korkeeda ka biibtay oo ay jirkeedii uu diiday wax kastoo la huwiyo.

Waxaa deg deg loogu yeeray seygeedii oo aan ka war heyn arrintan soo korortay wuxuuna si’ hal-haleel ah ku soo gaaray goobtii ay taallay xaaskiisii geeriyootay, wuxuu ku cararay inuu bal marka hore asturo laakiin isna wuu ka quustay inuu taako allah haka dhigee jirkeeda qariyo.

Isagoo naxsan oo wareersan oo aan ogeyn siduu waxyeelo ayuu geeyay goobtii lagu dhaqi jiray meydka, misana waxaaba ka sii daray jirkeedii oo laga quustay in karfantii la galiyo, waxaa mara kastoo la huwiyo u biibeysaa sida inay dabeyl xagga hoose kaga imaaneyso oo ay haatineyso.

Waa Arrin cajiib ah oo maan gal la noqon weysay dadkii goob joogga u ahaa arrintan qabsatay gabadhii jirkeeda qaawisay ee adduunka lagu ibtileeyey.

Hadaba Maxaa qisadan laga fahmay?

Marka hore waxaa dhacdadaan baraarujin u tahay dhamaan dumarka Islaamka gaar ahaan kuwa is-qaawiya ama jirkooda qeyb ka mid ah aan asturin.

Marka xigta hadii qofku Ilaahay Subxaanah Watacaalaa ka baqi waayo intuu adduunka joogo waxaa suura gal ah in ciqaabta qabriga iyo cadaabka aakhiro aan lala sugin oo adduunka lagu imtixaano ama khaatumo xun uu ku dhameysto nolosha sidaasna lagu soo bixiyo qiyaamo ileyn "Qof walbo siduu ku dhintay unbaa lagu soo bixin doonaa qiyaamaha".

Maxaa Muhiim noo ah oo qisadan naga kaafisay.?

Waxaa muhiim ah in Qof kastoo dumar ah ogaato in jidhkeeda oo dhan uu cowro yahay, loona baahan yahay inay ku asturto dhar xoog leh oo aan ku dhaganeyn qeyb jirkeeda ka mid ah, waa hadii aan raaceyno sharciga Islaamka oo aan ka baqeyno ilaahaygii ina abuuray.

Si’ kastoo Culimada Islaamka u darseen cowrada dumarka Islaamka, waxaa leysku raacay in gabadha xorta ah markay ajaanib la joogto jirkeeda oo dhan uu cowra yahay, waxaana shardi ah inaan qeyb ka mid ah jirka la baneyn ama dhar ku dheggan la gashan.

Ilaahay xaqa hana waafajiyo..Aamiin aan dhano walaalayaal

Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay

Abdishakur Hussein Mohamed.

No comments:

Post a Comment