SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Calaamadaha Lagu garto habeenka Laylatul-Qadriga.

Habeenka laylatul qadrigu waxa uu ku jiraa sida loo badan yahay 10-dambe ee ramaadka, sida uu leeyahay Nabi Maxamed (NNKH):" Ka raadiya habeenka laylatul-qadirga 10-dambe ee ramadaan .

Sheekh Ibnu Cuthaymiin waxa uu sheegay in habeenka laylatul-qadriga inuu leeyahay caalamado lagu garto , calaamadahaasi waxay u qayb-samaan kuwo la arkayo habeenka dhexdiisa iyo waliba kuwa kale oo la arkayo marka uu waagu baryo :"Nuur badan ayaa la arkayaa habeenkaa, xasillooni xagga qalbiga ah iyo farxad ay helayaan dadka Mu’miniinta ah , dabayluhuna habeenkaa aad ayay u xasilloon yihiin , marka uu waagu baryo oo ay qoraxdu soo baxdo waxay soo baxaysaa iyadoon wax shucaaca lahayn ,waxaana laga fahmi karaa arinkan xadiiskii ubayi ibnu kacab(R.C), waxa uu yiri saxaabigani "waxa uu Rasuulku inoo sheegay "inay cadceeddu soo baxayso maalintaa iyadoon shucaac lahayn"

Waxa uu wariyay ibnu cabdil barri isagoo ka wariyay Zarhri ibnu macbad inuu yidhi "habeenak laylatu-al qadri waa habeen jawigiisu dagan yahay , hawadiisu dhexdhexaad tahay ,kulayl badan iyo qabow badan aan lahayn , qoraxdu waxay maalintaa soo baxaysa iyadoo casaan ah oo daciif ah waana sida uu sheegayo ibnu xajar marka uu sharxayay xadiiska ka sheekaynaya calaamadaha laylatul-qadriga.

Habeenkaa waxaa badan malaa’igta , nabi Maxamed waxa uu yidhi SCW:"habeenkaa malaa’igtu waxay ka badan tahay tirada dhagaxaanta .

Waxaa soo saaray xadiiskaa ibnu khusayma , albaanina waxa uu ku daray xadiiska xasanka ah.gallery-preview

 

No comments:

Post a Comment