SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saddex camal oo aan ajarkoodu xadidnayn.

1. Dadka oo la saamaxo oo loodhaafo waxaad ka tirsanayso Ilaahay baa yidhi: Haddaba qofkii dadka iska cafiya ee wanaag iyo nabad ka taliya ajarkiisu Ilaahaybuu saaran yahay. ( فمن عفا وأصلح فأجره على الله )

2. Samirka ( Samika ) dhib ku samir cibaadada ku samir iyo inta wanaag lagufaray ama xaaraanta kasamir iyo wixii lagaa reebay Ilaahay baa yidhi:(انما يوفى الصابرون أجرهم بغير حساب) inkale ma ehee kuwa samra ajarkooda waxaa loo oofiyaa xisaab la'aan.




3. Soomka Ilaahay baa yidhi:

Camal kasta ibnu Aadam ayaa iska leh soomka mooyee ( isaga soonka ) Anigaa iska leh anigaana abaalkiisa bixinaya ( abaal marinaya ) mid dhawaaqa ayaa dhawaaqa ( Qiyaamaha ) isagoo leh: maye? kuwii ajarkoodu Ilaahay Saarnaa ;waxa marka soo hoobanaya samrayaashii iyo dadka saamaxayaashii ama (samo falayaashii)

Ilaahayoow naga dhig kuwa yeedhmadaa xaq u yeesha ee qiyaamaha loogu yeedho aamiin.

W/Q: Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)


No comments:

Post a Comment