SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maansadii "Addoon'nimo".Waxa tiriyey Abwaan,Maxamed Shugri Jaamac.

Runtii gabayaagu ama hal abuurku, inta badan waxa uu aragtidiisa ku cabiraa ,dad waynahana ugu soo gudbiyaa ,suugaan isaga oo markaasi tilmaamaaya dhaliil iyo qalooc markaasu u muuqday .

Abwaan Maxamed Shugri Jaamac, waxa uu maansadan kaga hadlayaa ,qiimaha uu Aadmigu leeyaay marka uu si sax ah u ogolaado Adoonimada Rabbigiis.

Waxa uu ku bilaabay:


Addoon'nimadu waa qiimuhu

Aadmi leeyahay'e.

Waa ujeedka noloshiisa gebi

Loo agaasimaye.

Waa abuurka nuxurkiisa bilan

Loo abqaalbidaye.

Waa idlaadka meeshay murtidu

Aabiyoow tahaye.

Waa xil aan nin oofsadey la arag

Lagana eegeyne!

Ninka ood ku tuuraa majeer

Lagu ekeeyaaye.

Hayeeshee ninkii aad u gaba

Umalku weeyaane.

Eber iyo madoorshay tixdani

Awra leedahaye.

Uubatada baxaysay rabtaa

Iney ajiibaane.

Asaagiin halkuu sahandey

Eega leedahaye.

Ambaqaad kalay dhawraysaa

Iney aflaxaane.

Istiqfaarka waxa laga helaa

Aawey faraweyne.

Ambiilbaa ka furan buu duliga

Eebe leeyahaye.

Orod iyo dedaalbay Hurrow

Oogso leedahaye.

Awaaraha ka toosbay Hurdaw

Kugu amreysaa.
Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment