SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Mataqanaa waxa ay tahay Xikmad ?

Waxaan maqalnaa erayga xikmad laakiin waxa suurto gala hadii layna weydiiyo qeexitaankeeda in aynu ka bixino jawaabo kala nooca, balse waxaynaan ku kala feker duwaneyn in xikmadu tahay wax wanaagsan ama shey qaaliya oo ruux kastaaba u baahanyahay inu helo amaba uu yeesho, hadabo waxad mawduucan kaga bogan doontaa su,aalaha soo socda iyo jawaabohooda taasoo laga yaabo in aad ku ogaato macluumaad iyo qeexitaan la xidhaadha waxa ay tahay xikmadu;

Waa maxay xikmadu?

Xikmadu waa nasiib alle keeno,waa garasho ay si fudud u hesho maskaxdu,waa feker fogaan arag iyo fiiro ku qotoma, waa akhlaaq iyo haybad diimeed,waa tiirka cilmiga iyo waaya-aragnimada,waa il eegista nolosha iyo naflayda gadaashooda wax ka akhrida,waa waxa ficil dhamaystira ee dhaqaajiya, si kooban hadaan usheegno waxaynu leenahay xikmadu waa fahan qoto dheer oo haybad u dhalasho ahi ka danbeyso.

Waa kuwee dadka xikmada leh?

Talaabada kobaad: Sida la ogyahay xikmada iyo garashada qofku waxay la jaanqaadaan bilawga noloshiisa aduunyo, taas macnaheedu waxa weeye in qofka ay saameyn ku leedahay wacyiga uu ku indha dilaacsado hadii uu qofku xaalada sabinimada kula kulmo dad iyo duni aan, nidaam, aqoon, iyo akhlaaq lahayn waxa habawda miisaankii fahamkiisa ee saxda ahaa, balse haduu la kulmo barbaarin fiican iyo wacyi la baraarugsanyahay oo aqooni dhex taalo wuxu noqdaa qof xikmad leh.

Talaabada labaad:Marka uu qofku yeesho cilmi iyo aqoon farabadan waxa ku dhalata inu sameeyo baadhitaano aqooneed taasoo uu kala dhex baxo inu fahmo waxyaabo ka dednaa oo ku duugan dunida iyo waxa dul saaran, sidoo kelena uu barto taariikhdii lasoo maray qiyaasna uu ku samayn karo waxa dhici kara mustaqbal aan la gaadhin, taasina waxay qofka bartaa inu si kooban u hadal ama ficil ugu taabto wax qeexid badan iyo wakhti u baahnaa.

Sidee loo yeeshaa xikmad?

Hadii aad rabto inaad noqoto qof xikmad leh waxad u baahantahay inad daryeesho maskaxdaada taas macneheedu waa inaad maskaxda ku celceliso waxa wanaagsan ugana tudho waxyaabaha naafaynaya ee faluuqa ku ridaya sida macsida alle dibindaabyada bulshada IWM adigoo adeegsanaya inad barato cilmiga diiniga iyo kan maadigaba, inaad dhuuxdo dhaxalna kala hadho dadka fogaan araga ah ee aqoonta iyo waaya-aragnimada aad bideyso, shakhsi ahaantaadana aad isku daydo inad dhisanto oo yeelato hal-abuur iyo hindise midho bisil bixiya, intaa kadib xikmadaada waxad ku ogaan kartaa ra’yi celinta bulshada iyo markad aragto dheef iyo dhawaaqyo lagaa faa’iday oo magacaaga ama muuqaga lagu xasuusanayo iyo in qayb badan oo bulshada ahi kugu jeclaatay xikmad, balse ka taxadar xubnaha kooban ee qaabilsan niyad jebintaada kuwaasoo kala dhantaal ku sameyn kara qof isla quman oo ku taagan tubtii xikmada xoogana saaraya horumar la majeerto, MAHADSANID

Qalinkii: Ciise Maxamuud Geelle(Waddani)

Ciisemaxamuud5@gmail.com

No comments:

Post a Comment