SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Qurux baddanidaa marka aanad qayilin !

Tiiyo Waagu markuu dilaaco ayuu isna hiirta baraarugaa , isla markuu baraarugaba ma tooso ee qadar ayuu dul fikiraa gogashii xalay u sanqadhaysay asagoo firfircoon ayuu musqusha gala . waa uu soo waysaystaa waana uu tukadaa ilayn waa saladii ugu horaysay maalintaasi waana salaada labaad ee uu tukado inta karaankiisa ah istaaqfurulaha .

Markasaad quruxdiisa aad moodaa arday inta hooyo toosisay quraacdiina u dhigtay dirayskii oo kaawiyadaysana xidhay burcadna ku subkaday markaad barqadii la kulanto waxa la moodaa maamule goob wax barasho jooga.

Soo dhawaynta uu kuu samaynaayo iyo laab furnaanta uu kugu qaabilaayo wax kale kuma garatide hogaamiye doonaaya in loo codeeyo oo la doorto ayaad moodaa . waa kaftanyahan aad u furfuran marmarna kula farka ciyaaraaya sidii dhalaan sabiya sheekada waxaad u malaynaysaa awoow kaaga sheekaynaaya dhalin-yaranimadiisii mararka qaar waxa uu akhrinayaa wararka daafaha dunida ka imanaaya mararka qaarkood isaga oon ku badnayn buugaata taariikhda ayuu indhaha mariyaa markaasu sidii nin cilmigan dhiga kaaga sheekaynayaa taariikhdii uu maanta indhaha marinaayay markaasaad yaab iyo fajac shanta iyo dhabanka isla doonataa markaasaad hoosta ka odhanaysa waar kanoo kale haduu jaamacad dhigan lahaa dalkaba isagaa qabsan lahaa

Wax qabadkiisu waa boqolkiba boqol iyo waliba dheeraad siduu isu laba rogaayo dagdagsiimada ayaa kaaga daran markuu dantiisa leeyahay ayaad ka yaabaysaa sida fudud ee uu u dhamaysanaayo hawshiisa .marka uu qof xanuusanaaya ama u baahan in meel la geeyo uu arko looma sheegu inuu isagu kaxeeyo ee isla markiiba waa uu fahmaa indheer garadnimadiisa waxa ka yaaba qofkan u baahan markaasu qofkii bogsadaa .hawlihiisa korkaasuu kala socdaa kormeerkiisana shaqaalaha ayaa ku faraxsan .dhiiri galintiisa iyo wax sheegiisu waxa uu u noqday mid halhays u ah shaqaalaha wixii hawshiisa ka awood badatana markaaba waxa uu la xidhiidhsiyaa qolyaha ka saraysa .oo uu si degdega ugu sheego markaasay si dhekhso leh ugu yimaadaan loona xaliyaa hawshaasi soo korodhay .iyadoo sidaasi ay tahay ayuunbay duhurkii gaadhaa ala naxdin waynaa !

Alla wanaagsanaa markaanu qayilin oo qurux badanaa markaanu bahalka baas taaban, oo kaalay miyuu qayilaa kan aad maanta oo dhan aad noo amaanaysay? maxaad ahayd kaagan noo amaanaaya geedkii inta caqliga fayoobi ay diideen ee umadii ilma aadan qaaq kaga siiyay waar maxaad ahayd bal iskaaya bar

Adeer iga sug bal ha igu boodin sidee hablaha yaryare

Duhurkii ayay gaadhaa markaasuu qadeeyaa fadhigana loogu keenaa qadada intaasi ka dib .waxa uu sii laban-laabaa shaqadii alla miyuu sidaasi ku wado oo gabalku ugu dhaco , dee muxuu sameeyaa waadigan leh miyuu sidaasi gabalku ugu dhaco e ? alle aqliga kaama qaadee ma ninka sidaasi u fiican ee shaqadiisi ka soo baxay ayaad leedahay muxuu sameeyaa ? mayee dee sawdigan sheekadii xumeeyay ee qaad iyo wax aanu nacebnahay ku soo daray sheekada inaga badal niyow !

Waar waxba kaa badali maynee ilayn lacag kaama sii naynee dhagayso uun .haye bal wad !!!!

Inyar ka dib ayuu fadhiistaa xafiiskiisa dabadeeto mid ka mid ah shaqaalaha oo uu u tarbiyeeyay inuu u soo iibiyo qaadka ayaa uu u yeedhaa markaasuu lacagtii u dhiibaa isagoo leh waxaad ii soo iibisaa (dabo-musbaarkii) shalay uu macaanaaye macaankaba kala dhac show marbuu qadhaadhku macaan dhalaa haye ayuu ku yidhaahdaa markuu inankii shaqaalaha sidaasi u dhaqaaqo ayuu hadana mar labaad u dhawaaqaa isagoo leh hebelow markuu u yimaado ayuu ku yidhaahdaa intaasina sigaar soo sii intaasina biyo ku soo iibi inankii oo cagaha dhulka jiidaya ayaa baxa . oo kaalay muxuu cagaha la jiidayaa miyaanu shaqaale ahayn ? dee mayee waa shaqaale wanaagsan oo waliba waa inamada ay iskugu dhawyihiin marka uu waagu baryo , oo hadaa imika maxaa ku dhacay ? dee waxa uu ogyahay waxa ka dabeeya iyo dhibta dhici doonta .oo maxaa dhacaaya eed sheegaysaa? Niyow kaagan yar ee wax akhriyaaya su’aal badanidaa miyaanan kun jeer ku odhan adigu na dhagayso uun !

Inankii ayaa imanaaya isagoo intii loo dirayba sida markaasu ku odhanayaa mudane maad iska dayni cunistiisa markaasu ugu jawaabayaa jawaab u sii diyaarsan oo maalin walba uu ugu jawaabo markuu inanka shaqaalihii ku yidhaahdo iska daa cunista qaadka , oo niyow jawaabtaasi maxay ahayd ? ahaaa’a waar yaahee kaagan yar ee wax akhriyayaa waxa kale ayaad u jeedaadee

Sida caadiga ah uma qayilo macawista iyo garanka lagu nafisaayo midna ma xidho, meesha uu fadhiisanayaana ma aha meelihii lagu tiirinaayay dhabarka sida birkimooyin qaar lagu tiirsado iyo qaar la jiqilaysto toona ee meesha uu ku raamsanaayo caleentan qoyan ee dooga u eeg istaaqfurulaha doogna ma ahee yaanan dooga xoolu cunaan ee faa’idada leh iska caayine

Waa xafiiskiisii iyo qolkuu wax ka maamulaayay isogoo aan fadhiyin oo sara joogin ayuu raamsanayaa caleentaasi suunkana iskam dabciyo oo dee waa waxa colool is taaga ugu wacan .mar alaale markuu caleentaasi gawska la helo ayaa ugu dambaysa shakhsiyadiisii wanaagsanayd ee uu aroornimadii la soo toosay markaasuu galayaa mawjadii waalida iyo miyir qabka u dhaxaysay hiiftan iyo hagar-daamo uu kula kaco inta u dhaw iyo shaqaalaha inta joogta huruuf iyo higaatan cadho iyo ciil aan la garanaynin meel uu ka haysto culays saa’ida iyo cawaandad aan meelba haysan ayuu bilaabaa markaasu kala xaraashaa inta u martida ah iyo inta booqashada ugu timidba karhaa oo uu kulayliyaa inta wax waydiisa waxaasoo dhan waxa ka daran isagoo doonaaya inuu ku dirsado ayuu ku habaarayaa sidii islaan asaasaqday isagoo leh "bacdaa fudud ii soo qabo fanto ku dishaye " beenta ayuu kaga daray iyo baraarug la’aanta isagoon cag dhaqaajinayn ayuu iska dhigaa wax dhisaaya dabaqyo dhaadheer

Haduu sida raga wax u cunaayee markaasuu ilka hore ku calalinayaa qaadka markaad aragto ayaad is odhanaysaa talow muu ilko laayahay khaakhaduu tufayo ayaa ugu daran iyo biyaha inta uu ku luqluqdo uu ku saydhinaayo caagad yar oo ta biyaha lagu qaato oo kale ah oo uu moodaayo inuu bulaacadii raaciyay calyada

Inta usoo gasha waxaa ay la kulmaan naf meel ay ka baxday wayday oo canaan kula dul dhacaysa adigoon soo gaadhinba ,Salaadi way ku daysay waxa ugu dambaynaysa ta duhur oo uu karahsanayay waliba markuu tukanaayo isagoo hamuun u qaba waalidiisaasi yarad ayuu tukaddaa Saddexda salaadood ee kale uma xisaabsana laga reebo salaada subax iyo ta duhur hadii aad soo ag fadhiisatid ood is tidhaahdo wax waydii indhaha iyo afkaba waa kaala baxayaa isagoo ilkaha kaa daadin gaadhaaya ala dadkuu dilo halkee lagu aasaa , xumaan oo dhan ayaa ku soo carawda kuna soo hoyota ilayn waakan isagu marti ka dhigee markaasuu dhiigiisu boqol iyo laba gaadhaa isigoo hiiftamaaya ayuu dhinicii guriga usii luudaa isagoon gawaadhida iyo guryaha kala saaraynin oo marka qaarkood wadadii guriga ka lumaa kuna baraarugaa isagoo meel aan xaafaduba ka xigin usii jeedda markaasu hadana dib ugu soo noqdaa wadiiqo kale oo xaafadii ka xigto u sii turaan turmoodaa markaasa xaafadii oo sii seexanaysa alaabka si wax waalan u garaacaa markaasay xaafadu wada sastaa waa ayo ayaa lagu yidhaahdaa isagoo hadalo deel qaaf leh ku hadlaayo ku yidhaahdaa waa waa ninkii guriga lahaa, ee naga fura hadal badanidiin, iyo qaar kaloo badan markaasay caruurtii oo moodaysa uu wax u siddo ku yidhaahdaan aabbo maxaad noo sidaa markaasu dagaal ku bilaabaa iyo canaan

Inkastoo hada ay ka il baxeen oonay waxba waydiin hooyadii caruurta dhashay oo halkan sii seexanaysa ayaa ku tidhaahda hooyo iska seexda aabo waxba idiima sidee iyadoo diidaysa inay ku hor canaanato caruurta oo ay hadal xun xun is waydaarsadaan .markaasu habeenkii taaha iyo kolba riyo wada dagaal ah ku riyoonayaa marna aanu indhahaasi laba isku gaynaynin

Yaanan qoraal waxba idinku daaline ,horte mee kii yaraa ee su’alaha nagu waalay ee wax akhriyaayay ma ninkan mirqaamay ayuu ka baqayaa bal adba !

Alla qurux badanidaa oo wanaagsanidaa markaanad qayilin waa halhayska marka ay la hadalyso ku tidhaahdo marwada uu qabbo.!

wasaalaamu calaykum

w/q maxamed muuse muxumed "Tiyo"

No comments:

Post a Comment