SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Dayntii aad igu lahayd ,Baddaan kusoo raaciyay !

Bukhaari ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in Rasuulku (SCW) xusay nin reer Banii Israa’iil ah oo ka codsaday qaar reer Banii Israa’iil ah in uu daymiyo kun Diinaar, markaasuu ku yiri: markhaantiyaal ii keen, markasuu yiri: Alle ayaa markhaati ku filan,
Markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu ku ja-waabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, kunkiina wuu siiyay, muddo go’anna wuu u qabtay.

Ninkii wuxuu ku safray badda, hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay markab uu soo fuulo oo uu waqtigii loo qabtay ku soo galo, mana helin markab, markaas ayuu qaatay qori, wuxuuna ka qoray gudaha, wuxuuna dhex galiyay kun Diinaar iyo war-qad isaga ka socota oo ku so-cota ninkii lacagta daymiyay, ka dibna wuu daboolay, badda ayuuna la yimid.

Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday kun Di-inaar oo uu I weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan, markaasna uu kugu raal-li noqday, haddana wuxuu I weydiistay markhaanti, markaasaan iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday.

Waxaan ku da-daalay in aan helo markab aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee Alloow adiga ayaan kugu ammaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay mark-ab uu ku aado ninkii balad-kiisii.

Waxaa soo baxay ninkii xoolaha daymiyay, isaga oo eegaya inuu mark-ab xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii maalku ku jiray, markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaa-tay ciddiisii, markii uu mi-inshaareeyay ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii.

Muddo ka dib ayuu soo ga-lay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay kunkii Di-inaar, wuxuuna yiri: Wal-laahi intaas waxaan ku da-daalayay in aan markab helo; si aan maalkaagii kuugu keeno, mana helin markab ka horreeya kan aan ku imid.

Markaasuu ku yiri: waxba ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri: waxaan kuu sheegayaa in aanan helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo hanuunsan).

Faa’iidooyinka qisada:

1.In laga sheekeeyo waxy-aabaha la yaabka leh ee ummadihii hore ka dhacay

2.Fadliga tawakulka iyo raadka uu ku leeyahay gaarista ujeeddooyinka, sida ka muuqata qisada ninkaan oo Ilaahay talada u dhiibtay, isna uu ka guday wixii lagu lahaa.

WD: Sh.Maxamed muumin(bakaaleey)

No comments:

Post a Comment