SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisadii labdii Doqon ee habaabay.

Waa baa waxaa la yiri, waxaa hayaantay dagmo reer guuraa ahayd, iyadoo u roob-raacday dagallo roobsaday. Jiidaashii dheerayd ee ay ku yeelnayd baa waxaa ku habaabay labo doqon oo degmada ka tirsanaa,
waxayna ku ambadeen dhul omosoore ah. Waxay hadba dhinac foolka saaraanba, way dhanqalmeen kadibna waxay ku hoos dhaceen geed harkiis.

Muddo hadday nasanaayeen, baa midkood yiri; hebalow balligii meel-hebla ku yiil soo fiiri in biyo galeen. Kii la diray baa kacay oo aaday dhankii loo sheegay, saacado badan buuna ku maqnaa sahankii loo diray. Goor dambe ayuu ku soo noqday doqonkii kale ee diray geedkii buuna ku soo hoos dhacay isagoo aad u sii dhanqalmay. Kii horoo diraa yiri; balligii ma tagtay? Suu ye; haa. Su’aal kaluu ku celiyay; biyo ma galeen? Suu ye; maya ee waa qallalnaa. In yar kadib, baa waxaa kacay kii markii hore doqonkii kale diray oo iska luuday, markaasaa kii haray yiri; hebalow xaggee u socotaa? Suu ye; balligii baan soo fiirinayaa in biyo galeeen.

Markaasaa kii kale yiri; oo hebalow, balligii anaa soo arkoo waa qallalnaaye maxaad ka dooni? Suu ye; waa ku soo quusanayaa. Kii harsanaa baa isna inta kacay iska dabo-galay kii kale. Kii la dabo-galay baa inta ku soo jeestay yiri; oo adigu xaggee u socotaa? Suu ye; balligii baan kugu la soo quusanayaa!

Cibrada sheekada ku jirtaa, waa in caqligu yahay kan qofka haga oo ku duwa waddada toosan, haddiise caqli suubban la waayo, qofku wuxuu noqdaa mid habaaba oo hadba dhinac aan waxba jirin ku ambada.

Waxaa sheekadaan oo kale ah; Wasiirka Kowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ee maanta. Sida naloo sheegay wuxuu WK ku salaysan yahay hab-qeybsigii qoleedka ahaa ee Soomaaliyeed, waxaana loo qoondeeyay tolweyne Soomaaliyeed, haddana waxaa muuqata in loo adeegsaday bahdilidda iyo biindhaynta dhinicii la yiri, waa lagu maamuusay.

Waxaa kadhigan doqonkii yiri; balligii baan kugu la soo quusanayaa, kan og wixii lagu falay raggii doorka ahaa ee dhiggiisa ahaa oo ka horreeyay oo haddana u heellan inuu meeshiisii buuxsho, iyadoon la maarayn ama laga maarmin xarunimada Muqdishow-da noqotay xas bahal-galeena.

Waxaan kale oo xusuusin lahaa xikmad-laawaha talada dalka murginaaya erayadaan laga soo xigtay murtidii doorka ahayd ee Khaliifkii Afraad ee Islaamka:

Ka digtoonow:

"Inaad kan wanaagsan bahdisho, inaad caaqilka cilladayso, inaad xumaalaha wanaajiso, inaad doqonka la kaftanto, iyo inaad gogol-dhaafaaga (dhillayga) la dhaqanto.

Waxaan dhadhamiyay dhammaan wax kastoo fiican, wax caaafimaadka ka fiican waan waayay. Waxaan dhadhamiyay dhammaan wax kastoo qaraar, inaad u baahato dadka wax ka qaraar waan waayay. Waxaan qaaday bir iyo dhagax, wax deynta ka culus waan waayay.

Waxaad ogaataa in dunidu tahay labo maalmood; maalin adaa leh, maalinna waa lagaa leeyahay, haddaad leedahay ha isla weynaan, haddii lagaa leeyahayna ha caroon, samir labaduba waa kooban yihiine".
W/Q:Cabdi Aadam.

No comments:

Post a Comment