SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ku dadaalka 10 ka danbe iyo laylatu qadriga.

Illaahay ayaa mahadleh, illaaha og wax muuqda iyo wax qarsoonba, ilaaha koobay dhibcaha biyaha ee ka dhigay wabiyo dur duraya, illaaha keenay mugdiga habeenkii ee ka soo dhex saaray nuurka subaxii, illaaha u dhamaystiray kuwa caabuda abaal marintooda ee og isha khaayimada ah iyo waxyaaba ku qarsoon, ee dhamaan gaarsiyay arsaaqada khalqigiisa isagoo ka tagin qudhaanjo dhagax ku jirta iyo ugxan beed ku jirta, dadka qaarkood qani ka dhiga qaarna ka dhiga faqri, xigmadiisana ay tahay qaninimada iyo fiqiirnimada ee kala fadliyay makhluuqaadkiisa xitaa wakhtiga iyo sanadkaba.

Laylatu qadriguna in uu ka khayr badnaado kun bilood illaahay ayaanu ku mahadinaynaa mahadnaq aan dhamaad iyo tiro lahayn, isagaana ku shukrinaynaa mahadnaq, waxa aan qirayaa in illaahay mooyane illaah kale jirin Maxamedna uu yahay Rasuulkiisi kii baabacooyinkiisa biyuhu ka dhareereen (CSW) iyo abu bokorkii kula saaxiibka ahaa barwaaqada iyo dhibaatadaba, cumarkii ahaa quwada islaamka iyo cismaankii isku keenay kitaabka illaahay, Caligii geesinimadiisa la dagaalami jiray kaligii galada, N.N.K.H Nabiga ehelkiisa iyo asxaabatiida iyo dadkiisi wanaagana mid kastoo ka mid ah ilaa dharaarta qiyaamaha cida wanaaga ku raacda.

Walaalahayow tobanka habeen ee barakaysani waxa ku jira habeenka laylatu qadriga oo ka sharaf badan habeenada kale, umadan illaahay waxa uu siiyay habeenka fadliga iyo khayrka badan leh, illaahay fadliga habeenka laylatu qadriga waxa uu noogu sheegay quraanka kariim ka ah, illaahay (SW) waxa uu yidhi "WAXANU SOO DEJINAY HABEEN BARAKAYSAN, ANAGUNA WAXANU AHAYN KUWA U DIGA" waa dadaalka in la dadaalo tobanka danbe ee bisha ramadaan waxana ku dhex jira habeenka laylatu qadriga "Waxa ku dhex jira kala saaraya arin kastaba oo xigmad badan, waa arin agtayda ahaaday, angaana soo diray, waa naxariis illahay ka timid, illaahay waa ka wax walba og wax walbana maqla rabiga cirka iyo dhulka iska leh iyo waxa ku dhex jira, hadii aad wax garanaysaan illaahay mooye ilaah kale ma jiro waana ka wax dila waxna nooleya, waa rabigiina iyo rabigii aabayaashina hore" [Dukhaan-3-8]

Illaahay waxa uu ku sifeyay in ay habeen barakaysan tahay wanaag faro badan iyo barakadeeda darteed, illaahay waxa uu kala saaray loox maxfuudka in uu ku qoro wax kasta oo nool Risiqiisa, Ajashiisa, Wanaagiisa iyo xumaantiisa Waxaas oo dhan illaahay waxa uu ku qoray loox maxfuudka, loox maxfuudkaas oo lahayn wax khalada ah iyo nusqaan taasina waa awooda illaaha wayn ee casiisaka ah waxkastana og, illaahay isagoo inooga waramaya laylatu qadriga waxa uu yidhi "Waxanu soo dejinay habeenka laylatu qadriga, maxaa ku ogaysiyay waxa uu yahay laylatu qadrigu, laylatu qadrigu waxa ka khayr badan yahay kun bilood waxana soo degta malaa’igta iyo malakul jibriil waxayna ku soo degaan ogalaashaha illaahay arinkasta, waa nabad gelyo ilaa uu waagu baryaayo" [Qadar-1-5]

Habeenka laylatu qadriga waa habeen sharaf badan leh oo sanadka oo dhan laga helo habeen kaliya, qofka habeenka u kaca isagoo iimaandoonaya illaahay waxa uu u dhaafa danbigii hore, waxa sidoo kale soo degtay habeenka malaa’ig uu hor kacayo Malaku Jabriil ogalasha illaahaybaanay ku soo degaan, malaa’igtu waa adoomo illaahay, illaahay waxa ay caabudaan habeen iyo maalinba cibaadada illaahayna iskama wayneyaan, mana yaraystaan cibaadada illaahay waxayna tasbiixsadaan habeen iyo maalin iyagoona kala jarayn, waxayna u soo degaan habeenka laylatu qadriga dhulka iyagoo wada khayr iyo barako iyo naxariis, illaahayna quraankiisa si gaar ah waxa uu ugu sii sheegay malaku Jabriil, habeenkaa laylatu qadriga ah illaahay waxa uu nabad gelinyaa muumuniintiisa wax kastoo ay ka cabsadaan naartana wuu ka xoraynayaa, ilaa inta camalka habeenku ka dhamanayo, illaahay suuratul qadar ayuu aad ugu faahfaahiyay laylatu qadriga, Habeenka laylatu qadriga waxa uu leeyahay fadliyo badan oo la soo koobi karayn.

Fadliga koowaad habeenka laylatu qadriga illaahay waxa uu soo dejiyay quraanka isagoo dadka u ah hanuun iyo liibaanta aduunyo iyo aakhiraba.

Fadliga Labaad waa waynayn la waynaynayo habeenkaas illaahay waxa uu yidhi "MAXAA KU OGAYSIYAY HABEENKA LAYLATU QADRIGA"

Fadliga Sadexaad habeenka laylatu qadrigu waxa uu ka khayr badan yahay kun bilood.

Fadliga Afraad waxa soo dagaysa Malaa’igta illaahay waxayna u soo degayaan wanaag iyo khayr.

Faldiga shanaad habeenkaa laylatu qadrigu waa habeen nabad gelyo ah waxana laga nabad gelyaa ciqaabta illaahay iyo cadaabtiisa qofka ku dhaqaaqa daacada illaaahay iyo cibaadadiisa.

Fadliga Lixaad illaahay waxa uu soo dejiyay suurad dhamaystiran oo ka hadlaysa habeenka laylatu qadriga, jiri doonta illaa dharaarta qiyaamahana.

Fadaa’isha laylatu qadriga waxa ka mid ah oo saxeexenka ku sugan xadiis abu hureera soo warinayo (RC) Nabiigii Illaahay (CSW) waxa uu yidhi (Qofka kaca habeenka laylatu qadriga isagoo doonaya iimaan iyo danbi dhaaf illaahay waxa uu u ka dhaafa danbigiisi hore) Xadiiskan waxa looga jeeda isagoo qofku illaahay rumaysan wuxuu u balanqaaday ajar ah kuwa habeenka u istaaga iyagoo doonaya ajar illaahay iyo danbi dhaaf.

Habeenka laylatu qadriga ee bisha ramadaan ku dhex jiraa waa hebeen kii illaahay quraanka soo dejiyay, illaahayna waxa uu inooga waramay soo dejinta quranka waxana uu illaahay (SW) uu yidhi "Bisha ramadan waa bishi la soo dejiyay quraanka dadka waxa ugu jira hanuun iyo cadeemo xaga hanuunka ah iyo kala saarida xaqa iyo baadilka, qofka goob joognoqda bisha ramadaan ha soomo qofka buka ama safar ku jira ayaamo dib ha u dhigto illaahay waxa uu inala doonayaa fudeed, adaygna ilaahay inalama doonayo, si aad u dhamaystirataan maalmaaha, illaahayna aad u waynaysaan siduu idiin soo hanuuniyay, waxa laga yaaba in aad illaahay u mahadnaqdaan" [Albaqra-185]

Habeenka laylatu qadrigu waxa uu ku jiraa bisha ramadaan oo kaliya, waxa laga weriyay Axmed iyo Nisaayi aba dar (RC) Rasuulkii illaahay (CSW) waxa uu yidhi (Rasuulkii illaahayow waxa aad iga warantaa laylatu qadriga, ma rabadaanta oo kaliya ayuu ku jiraa mise maal maaha kale ? waa bisha ramadaan oo kaliya ma waxay jiraysaa inta ay anbiyadu jirayaan? marka ay dhintaan miyaa la qaadayaa? mise ilaa qiyaamaha ayay jiraysaa? waxa uu yidhi rasuulku (CSW) waxa uu yidhi waxay jiraysaa ilaa qiyaamaha)

Habeenka laylatul qadrigu waxa uu ku jira 10 ka dambe ee Bisha Rabadaan Nebigii waxa uu yidh (CSW) KA DAYDAYA HABEENKA LAYLATUL QADRIGA TOBANKA DAMBE (waa xadiis mutafaqu calayhi)

Xadiiska kale nebigu waxa uu yidhi (CSW) "KU DADAALA HABEENKA LAYLATUL QADRIGA GAAR HAAN TIROOYINKA KAL DHIMAN EE WITRIGA AH GAAR AHAAN TOBANKA DAMBE" Waxa xadiiska wariyay bukhaari.

Ugu dhowaasho waa todobada danbe, ibnu cumarna (RC) waxa uu soo warinayaa in uu ninka mid ah asxaabtii uu ku riyooday in laylatu qadrigu ku jiro todobada ugu danbeya.

Nabigu (CSW) (Waxa aan arkaa in ay riyadiinu ay waafaqday in todobada u danbeya bisha ramadaan uu ku jiro laylatu qadrigu, ninka laylatu qadriga ku dadaalaya in illaahay waafajiyo haka daydayo todobada ugu danbeya) Waa la isku waafaqay.

Waxa kaloo Nabigu (CSW) laga soo wariyay in uu yidhi (Ka eege laylatu qadriga tobanka danbe, hadii uu daciifo mid idinka mid ihi yaanay dhaafin todobada danbe) waxa ugu dhow habeenka laylatu qadriga tirooyin kala dhiman, todobada ugu danbeya ilaa 27ka.

Abi binu kacab (RC) waxa uu yidhi Walaahi garan maayo Habeenkii Nabigu (CSW) na amray uu yidhi aad u cibaadaysta in ay ahayd 27ka iyo inkale, laylatu qadri khaas kuma aha habeen cayiman sanadkasta laakiin wuu wareega sanad waa 27ka sanad waa 25ka waxayna ay ku socotaa xigmada iyo doonista illaahay waxayna ay ku tusaysaa hadalkii Nabigu (CSW) uu yidhi (Ka eega laylatu qadriga habeenka ay 9 gaal hadhsan yihiin, habeenka 7 hadhaan, 5 hadho) waxa weriyay bukhaari.

Xaqiiqdii waxa hubaal ah in illaahay garashada habeenka ka qariyay adoomadiisa taas oo ah naxariis si ay u badiyaan camalkooga ay ku doonayaan habeenkan fadliga badan salaada, xuska illaahay iyo ducadaba si ay u siyaadsadaan alleh u dhowaasho iyo abaal marin, waxa uu u qariyay illaahay si uu u waafaqo ninka ku dadaala cibaada illaahay, qofka shay ku dadaala ee ay ka gaadho hawl iyo dhibaato badani ay ka gadho sidii uu u gaadhi lahaa waxa laga yaaba in illaahay waafajiyo oo ayna u cadaato waxyaaba ka mid ah calaamadaheeda siduu Nabigu (CSW) arkay isagoo ku sujuuday meel biyo iyo raysleh, habeenkiina roob soo da’ay aroortiina uu ku wayseestay biyihii dhoobada lahaa, habeenka laylatu qadriga waxa la furaa albaab waxana la soo dhoweeya kuwa illaahay jecel yahay waxa la maqlaa hadal waxa la soo celiyaa jawaab, cida cibaadaysata waxa la siiya ajar wayn oo ah kaan hore u soo sheegnay, hadaba waxa nala gudboon in aynu ku dadaalno cibaada kana digtoonano qaflada, cimrigaaga hadii aad ku dhamaysato soojeed iyo dheel dheel iyo khasaare ayaamihii cimrigaaga maxaa cudur daar ah ee aad u haysataa?

Maxaa inaga hortaagan in aynu illaahay ku mahadino?

Bisha illahay soo dejiyay quraanka tobanka danbe waxa soo dega malaa’ig nuur ah waxay salaaman muuminiinta ilaa inta ay gaadhayso subaxa, imisa ayaa laga xoreeya naarta isagoo garanayn?

Illaahayow waxa aad naga yeesha kuwa hormarsada khayrka ee ka dheerada xumaanta, ee dhex gela janadaada kuwii aad nimcaysay macooga ee aad ka dheeraysay xumaanta, illaahayow naga fogee mugdiga fidnooyinka oo naga dheere waxyabaha xun xun kuw muuqda iyo kuwa qarsoonba, illaahayow nagu arsaaq mahadnaqa nimcooyinkaga iyo wanaajinta cibaadada nagana yeel kuwa adiga ku adeeca aduunyo iyo aakhirna wanaag na sii, cadaabtana naga dheere danbiga naga dhaaf iyo ka waalidiintaba iyo dhamaan muslimiinta, raxmadaada noogu naxariiso cidkastoo naxariista adiga ayaa ugu naxariis badanee, Nabi maxamed N.N.K.

 
BY:Sayid Axmed

No comments:

Post a Comment