SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Adaab xumada iyo dhibkeeda.

Waxaan doonayaa inaan wax yar ka hadlo intii ilahey iga waafajiyo aadaabta iyo dadka ku dhaqma iyo dadka aan adaabta aqoon dhibka ay naftooda ku hayaa iyo tan mujtamaca ay la noolyihiin, tusaale ahaan qofka fadhiya meelaha derbida ah isaga oo aan wax dan ah laheyn camal, waa arin laga fiican yahay waxaana loo baahan yahay in labvarto adaabta loo noolaado iyo midda dadka lagula dhaqmo si ay kuugu suurto gasho nolosha caadiga ah.

Waxaa wax aad looga xumaado ah in dad badan aysan weli ku baraarug saneyn in nadaafada iyo adaabtu ay isku xiran yihiin nadaafaduna waa qeyb ka mid ah Islaamnimada. Sidaa daraadeed waxaan kula talinayaa dadka aan isku luuqda ku hadleyno inay ka waan toobaan in ay adaab la,aan ku sifoobaan, oo ay iska daadaayn derbiyo fariisiga, xaakada jidadka lagu tufayo iyo ag istaagida laba qof oo sheekeysanaya iyo in wada dhexdeeda dhexda la isku qabsado ama lagu sheekeyso meesha ay dadku marayaan iyo kuwo kale oo badan oo lamid ah.

Arintaa waxaa lagu arkay meelo badan oo aan ku badanahay marka aan is aruurino oo aan noqono dad u qalma in lasoo dhoweeyo maadaama aan ku nool nahay wadamo badan oo aan qaxooti ahaan ku galnay.

Sidoo kale waa in aan ogaanaa qiima ay Diinta Islaamku siisay nadaafada iyo adaabta laga rabo qofka muslimka ah,waa inaad barataa oo aad isku daydaa inaad naftaada ku dabaqdid.

Bal kawaran qaabadarada qofka ku hindhisa dad badan oo saxiibadiis ah oo ay wada cunteynayaan ama ay wax isla baranayaan isaga oo aan sanka maro ama gacanta iskaga dhigin. Maxaad u maleyn kartaa in ay sxbadiis dareemayaan?

W/Q/: Daahir Maxamed.

No comments:

Post a Comment