SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Haweenay Fikiraysa.

Haweenay akhriska iyo qoraalka ku wanaagsan oo u dhalatay dalka India ayaa waxa ay ka hadashay dabeecadaheeda wax-akhriska la xidhiidha. Waxa ay tidhi: "Haddii uu qof iga codsado in aan kula taliyo buug fiican oo uu akhriyo waxaan dareemaa mas’uuliyad weyn. Waxa ay arrintaasi u eg tahay sida qof iga codsaday in aan kala taliyo qofkii uu jeclaan lahaa oo kale".
Waxa kale oo ay sheegtay in ay jeceshahay in uu had iyo jeer ka ag dhowaado buugga ay akhriyeysaa. Waxa kale oo ay sheegtay haddii uu qof kala furo buugga ay markaa akhriyeyso oo uu eego halka ay akhriska marinayso in ay u aragto arrin xadgudub ah oo la mid ah sida qof, qof kale la sheekaysanayey oo sheekadoodii ay si qarsoodi ah cidi u dhegaysatay.

Waxay tidhi: "Waxan doonayaa in ay carruurtaydu qabatimaan wax-akhriska, maxaa yeelay akhriska buug fiicani waxa uu qofka ka dhigaa mid maskax badan, aqoon leh, ereyo badan garanaya, xirfaddiisa waxqoristu ay horumar samayso isla markaasna si fiican u fikira".

Waxa kale oo ay sheegtay qofkii ka codsada in ay u yara dhiibto ama amaahiso buug ay akhriyeyso in aanay codsigaa ka aqbalayn. Waxay tidhi: "Codsiga jaadkaas ahi waxa laga yaabaa in uu igu kelifo in aan qofka u iibiyo buug la mid ah ka aan haysto ee uu iga codsaday in aan u yara dhiibo. Marnaba dhici mayso in aan qof u dhiibo ama ammaahiyo buug aan gacanta ku hayo".

Innaga dadkeennu hadal uun bay ka shaqeeyaan oo in ay wax fiican qabtaan inta badan kuma dadaalaan, qofkii in uu wax wanaagsan qabto isku dayana waa ay niyadjabiyaan.

Qalinka: Axmed Iid Aadan
 

No comments:

Post a Comment