SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Albaabka Dahabka ah ee ugu weyn uguna qaalisan Dunida.

Kabcadda Barakaysan ee Xaramku oo ah dhismaha ugu qiimaha badan aduunka oo dhan, iimaan ahaana dadka Islaamku u rumaysan yihiin, ayaa haddana marka loo eego qalab ahaan waxa ay ka mid tahay, meelaha naqshad ahaan iyo qurux ahaan, wax la mid ah oo u dhigmaa aanay ka jirin dunida.

Albaabka wayn ee gudaha kabcada laga galo, ayaa ah ka ugu wayn wax dahab ka samaysan oo dunida guudkeeda yaala, kaas oo sida la sheegay ka samaysan dahab saafi ah oo sadex boqol oo kilo ah.

Sanadkii 1398 kii Hijriga ayuu Boqorkii dalka Sucuudiga Amiir Khalid Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, uu khubarada Dhismaha ee dunida Islaamka ka codsaday, in ay keenaan nashqad cusub oo albaabka kabcada loo samaynayo, si looga badalo albaabyadii wakhtigaas ku samaysnaan jirtay oo sanad walba in la badalo u baahan jiray.

Muddo sadex bilood oo tashi badan ay samaynayeen ka dib waxa ay injineeradii Muslimiinta ahaa, soo hordhigeen nashqad aad tayadeedu u sarayso oo ay door bideen in loo badalo albaabka kabcada.

Boqor Khalid ayaa qalinka ku duugay, waxaana samayntiisu qaadatay muddo sadex bilood ah, waxa lagu xardhay Aayadihii Qur’aanka kariimka ahaa ee albaabkii laga badalayay ku xardhanaa, waxa dahab laga dhigay qaybaha ugu badan ee Albaabkan, halka inta kalana laga farsameeyay macdano kala duwan oo aad u tayo badan.

Qaybaha sare ee albaabkan ayaa loo sameeyay sida qaansada oo kale, waxaana halka ugu saraysa lagu xardhay Magaca Alle ee (Jala Jalaaluh), ka dibna waxa lagu hoos dhigay magaca Nebigeeni Maxamed (NNKHA). Sida jariirada Cukad ee dalka Sucuudiga ka soo baxdaa ku warantay uu noqday shayga dahab ka samaysan ee ugu wayn dunida.

Albaabkan ayaa ka samaysan sadex boqol oo kilo oo dahab saafi ah, waxaanu haddii lacag loo badalo noqonayaa sadex iyo toban milyan oo Riyaalka Sucuudiga ah, taas oo u dhiganta ilaa sadex milyan iyo badh dollarka Maraykanka ah.

Xigasho.Wargayskasaxafi.

No comments:

Post a Comment