SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaa Suurada ugu dheer Quraanka loogu bixiyey Al-Baqara ?

Suurada Al-Baqarah waxa loogu bixiyey magacan qisada kusoo aroortay ee Ilaahay inooga xikaayooday in reer banu israa’iil la faray inay gawracaan Sac si loo tuso mucjisada iyo awooda Allah oo ahayd inuu dib usoo nooleeyo nin la dilay oo lagu murmay cidii dishay. Qisadaasina waxay ku bilaabmaysaa sidan:-

Waxa jiray nin reer banu Israa’iil ahaa oo xoolo badan lahaa, waxaanu dhalay hal gabadh kaliya sidoo kale wuxuu lahaa wiil uu adeer u yahay, kadibna wiilkii uu adeerka u ahaa ayaa soo doonay inantiisii waanu u diiday. Dabadeedna wiilkii ayaa cadhooday oo dhahay waan dilayaa Adeerkay, waxaanan guursanaya gabadha adeerkay dhalay, waxaanan la wareegayaa hantidiisa sidoo kalena waxaan dalbanayaa magtiisa.

Maalintii danbe ayuu wiilkii u yimid adeerkii oo ku dhahay; adeer waxa qabiilkaas uu keenay Ganacsi ee i raac aan kasoo ganacsado, sababtoo ah way i diidayaan hadii aanad ila soconin. Odaygii wuu raacay wiilkii goor habeen ah, kadibna wiilkii ayaa dilaya adeerkii kagana yimid maydkiisii qabiilkii kale, waxaanu kusoo laabtay reerkiisii. Subxaii ayuu kallahay oo soo qaaday adeerkii isagoo barooranaya oo ciid/carro madaxa iskaga shubaya waxaanu dhahay: Adeerkay ayey qabiilkani dileen!! waxaan rabaa adeerkay magtiisii/diyadiisii.

Qabiilkii kale waxay arrintii ninkan u gudbiyeen Nabi Muuse (N.N.K.H) waxayna ku dhaheen: Nabigii Ilaahayoow Ilaahay noo bari ha noo kala cadeeyo cida dishay maydka. Kadibna Nabi Ciise ayaa faray inay gawracaan Sac kuu doono ha ahaato laakiin sifooyinkii reer banu Israa’iil ayaa soo if baxay oo waxay dhaheen: Muusoow, waxaan ku waydiinaya yaa dilay Ninkan waa maxay Sac qalay? Miyaad nagu jeesjeesaysaa?

Nabi Muuse wuxuu dhahay: Ilaahaybaan ka magan galay inaan kamid ahaado Jaahiliinta ee sameeya waxa laydin faray. Reer banu Israa’iil waxay dhaheen: Ilaahay noo bari hana noo cadeeyo Sacu kuu yahaye. Nabi Muuse wuxuu ydidhu: Ilaahay wuxuu idin leeyahay: Sacu waa mid aan gaboobin oo aan raq ahayn sidoo kalena aan yarayn ee meel dhexaad ah.

Hadii reer banu Israa’iil ay xerada galaan oo ay kasoo saaran Sac aan duq ahayn sidoo kalena aan yarayn waa laga aqbali lahaa hase ahaatee way isku adkeeyeen markaasu Ilaahayna ku adkeeyey. Kadibna waxay dhaheen: Ilaahay noo bari Muusoow hana sii cadeeyo Sacu waxay tahaye? Wuxuu yidhi Nabi Muuse: Ilaahay wuxu leeyahay Sacu waa mid midabkeedu yahay Huruud ama Jaale ee fala waxa laydin faray.

Hadana reer banu Israa’ill waxay dhaheen: Nabi Muusoow Sacihii way iskaga kaayo shabaheen ee Ilaahay noo bari hanoo kala cadeeyo waxay tahaye waanan falaynaa hadii Ilaah ka dhigee. Nabi Muuse wuxuu dhahay: Ilaahay wuxuu idin leeyahay Sacu waa mid aan layli ahayn oo aan beerta lagu qodin sidoo kalena aan beeraha waraabinine oo aan midab kalena lahayn ee ah midab huruud saafi ah ee la yimaada waxa Allah idin faray.

Reer banu Israa’iil way raadiyeen Sacii kadib markay isku adkeeyeen, waxayna sacii ka heleen wiil kaga iibiyey lacag aad u badan. Wiilkaasna wuxuu ahaa nin baari u ah aabihii markaas waxa soo maray nin sita macdanta Lu’lu’a oo ku dhahay igaga iibso Lu’lu’an todobaatan kun, wiilkii wuxuu yidhi: aabahay markuu tooso ayaan kaa siisanayaa sideetan kun, ninkii wuxuu dhahay: aabahaa hurdada ka kici oo igaga iibso konton kun, wiilkiina wuxuu yidhi: sug aabahay intuu kacayo waxaanan kaaga iibsanayaa sagaashan kun, waxayna labadii nin midna qiimaha ayuu sii dhimaa uu siinaayo macdanta wuxuuna dhahaa aabahaa hurdada ka kici halka wiilkuna uu sare qiimaha u qaado isagoo leh sug aabahay inruu kacaayo oo qiimahaas sare iga sii macdantan. Kadibna ninkii iibinayey macdanta waa cadhooday oo dhahay; waligay waxbaa kaama iibinaayo, wiilkiina waa diiday inuu hurdada ka kiciyo aabihii.

Ilaahy (S.W.T) wuxuu macdantii ugu badalay inuu lahaa saca ay reer banu Israa’iil doonayeen inay gawracaan, kolkaasbay yimaadaan oo ku dhaheen Sac kale nagaga badalo, wiilkiina waa diiday. Hadana waxay dhaheen; laba Sac nagaga badalo waana diiday wiilkii. Markay ka quusteen ayey u tageen Nabi Muuse oo ku dhaheen: Sacii waxaanu ka helnay wiilkan, waanu diiday inuu gado ee maxaan samaynaa? wuxuu yidhi: wiilkan raali galiya wuxuu doono haydinka siiyo ee ka iibsada, waxayna wiilkii sacii kaga iibsadeen toban jeer miisankeeda oo Dahab ah, subxaanAllah markay isku adkeeyeen ayuu Allahna ku adkeeyey.

Sacii ayaa la gawracay wuxuna Nabi Muuse dhahay: hilibka Saca ku dhufta maydkii, markii lagu dhuftay ayuu ninkii maydka ahaa kacay oo dhahay: waxa i dilay wiilkan aan adeerka u ahay, waana la qabtay oo loo dilay wiilkii.

SubxaanAllah, qisadan waxay ina tusaysaa awoodaha Allah inuu noolaynkaro ciduu doono xilliga uu doono, waxay kaloo inooga markhaati kacaysa in Dulmigu yahay mugdiyo oo xitaa haduu waqti qaato in ugu danbayn laga abaal marinayo cida gardarrada la timid. Qisadaas la yaabka ah ayuu Allah ugu magac daray Suurada Quraanka ugu dheer, uguna xukunka badan sidoo kalena leh fadli iyo khayr fara badan, waxaana ku jirta aayada ugu fadliga badan Quraanka oo ah aayada kursida.

WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: Tafsiirkii Ibnu Jariir Al-dabari

No comments:

Post a Comment