SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Mataqanaa Qoyska ugu tirada badan wadanka Ingiriiska.

Inkasta oo dalalka reer galbeedka gaar ahaan waddanka Ingiriiska dadkiisa asalka ah ee gaalada ahi aanay jeclayn in ay ubad badan dhalaan ugu badnaana ay saddex caruur ah dhalaan ayaa waxa isa soo taraya waayadan dambe sida ay qoysaska qaar u danaynayaan in ay helaan ubad ka badan laba ama mid waxaana wax lala yaabo noqday arrinka qoyska dalkaasi ku nool oo loo aqoonsaday qoyska ugu ballaadhan dalka Ingiriiska kaasi oo ka kooban 19 caruur ah iyo hooyadood iyo aabahooda walina filaya in ay dhalaan ubad kale iyada oo imika hooyadu ay leedahay uurka ilmaheedii 20aad oo ay filayso in ay dhasho Bisha September ee sannadkan.

Waddanka Britain faamilka ugu badan aya rajenaya ilmahooda 20-aad Sanadkan. Hooyada qoyska Sue Radford oo 42-jir ah iyo seygeeda Noel, oo 46-jir ayaa baraha ay ku leeyihin mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook waxa ay ka shaaciyeen in ilmahooda 20-aad ay rajenayan bisha September ee sanadkan arrinkaasi oo soo jiitay warbaahinta dalkaasi gaar ahaan wargeyska Daily Mail oo isagu arrinkan wax ka qoray.

Qoyska The Radfords, ayaa caan Ku ah showga 19 Kids and Counting, ayaa gabadhooda phoebe willow oo ah tan ugu yar qoyska waxa ay dhalatay July 2016. Waxay sheegeen inaanay ilmo dambe dhali doonin oo ay sidaa ku joojin doonaan dhalmada ubadka maadaama ay gaadheen halka ay rabeen oo ah in ay ubad badan dhalaan.

Ilmaha caloosha ay ku siddo hooyada qoyskani ayaa ahaan doona ama qoyska ka dhigi doona 11- wiil iyo 9-gabdhood. Qoyskan ayaa leh Bas yar oo caasi ah (Mini Bus) kaasi oo ay ku adeegtaan Marka ay rabaan inay danahooda qabsadaan. Sidoo kale wax caawimaad ah kuma qabaan xukuumadda dalkaasi waxaanay leeyihiin moopfo yar oo roodhida soo saarta oo ay nolol maalmeedkooda kala soo baxaa (Small Bakery).

Qoyskan ayaa ilmahooda ugu weyni waxa uu dhashey iyada oo hooyadii Mrs Radford ay tahay gabadh da’yar oo 14 jir ah. Wiilkooda curudka ah waxa lagu magacaabaa Chris waxaanay hooyadii ka weyn tahay oo kali ah 14 sano jir. Sida wargeyska Daily Mail uu qorayo, qoyskan ayaa sannadkii isticmala lacag gaadhaysa $30,000 iyadoo $100 ilmo walba dhalashadisa isticmalo iyo 200-250$ marka ay u dabbaal degayaan ciidda Kirismaska. Warbixintan ayaa intaasi ku daraysa in qoyskani uu usbuucii ay 300$ Ku iibsadan cunto. Qoyskan ayaa loo aqoonsaday kan dalka Ingiriiska ugu badan halka ka adduunka ugu badani yahay sida la isla qaatay qoys Hindi ah oo ku nool deegaanka Baktwang ee dalka India, halkaasi oo Ziona Chana ay u joogan 94 caruur ah oo uu ka kala dhalay 39 xaas.

No comments:

Post a Comment