SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faa'iidooyinka Xanjada la calaashado.

Sida ay sheegeen Dhakhaatiirtu ayaa Xanjadu waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo farabadan, gaar ahaan nooca aan sonkorta lahayni, iyada oo lagu tiriyo waxyaabaha tirayada yar ee lagu dhimo miisaanka qofka.

Xanjadu waxa ay ka nadiifisa afka, baaqiga kaga hadhay cuntada, iyada oo waliba xoojisa maskaxda iyo xusuusta waayo waxa ay firfircooni galisaa wareega dhiiga oo ay kordhiso burqashada uu ku burqanayo dhinaca maskaxda, taasi oo iyaduna si aad u fiican u sahqaysa.

Faaidooyinka kale ee xanjada waxaa kamid ah in ay hoos u dhigto amaba yarayso warwarka iyo walbahaarka, waxa kale oo ay leedahay faaidooyinka shaaha oo kale, iyada oo lagula taliyo inuu qofku calaashado wax yar ka hor intaanuu jimicsiga samayn si ay jidhka firfircooni u siiso.

Hadaba xanjadu waxay ka mid tahay caadooyinka aynu leenahay ee aad u faafay, iyada oo yaryar iyo waawayn la wada calaashado, waxaana loo yaqaan mid aan sharaf badan lahayn calaashigeedu, hase ahaatee talooyinkan caafimaad ayaa cudur daar fiican u noqon doona mustaqbalka insha Allah.

Faa'idooyinka kale xanjada waxa kamid ah:

Waxa ay jimicsi siisaa muruqyada labada daan. Waxay kor u qaada dheecaanka ama dhareerka uu jidhku kusii daayo afka, taasi oo dhareerkaasi uu yahay aysiidhii ka dhalatay cuntada ku khamiirta caloosha, waana sababta koobaad ee suuska ilkuhu ka imaado.

Waxay ku caawisa naftu inay nafiska u dhacdo, iyo waliba inay dhamaan murqyada raaxaystaan. Waxay afka ka ilaalisaa urta qadhmuun. Waxa ay faaido u leedahay dawaynta xanuunada laabta sida mataga iyo xiiqda.

Cabdiqaadir Askar

cabdoo76@gmail.com

No comments:

Post a Comment