SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ma-la iska talaali karaa Cayilka iyo Buurnaanta ?

Baruurta oo wakhtiyadii u danbeeyay ka mid ahayd waxyaabaha sida wayn looga cabanayo, meelo badan oo dunida ahna ka noqotay mid qofka aadka u naaxa sidii qof bukaan ah oo kale lala maseeyo, waxa sidii looga gaashaaman lahaa sanadihii u danbeeyay ku hawlanaa khubarada caafimaadka ee dunida, waxaanay dhawaan soo saareen, natiijo hor dhac oo lagu ogaaday in talaal loo heli karo baruurta.

Culimada sayniska ayaa sheegay in dareero, loogu magac daray "Syringe obesity" ay ku mudeen, noolayaasha aadamaha la dhiiga ah ee tijaabooyinka lagu sameeyo, sida jiirka oo kale, kuwaas oo loogu yeedho, Laboratory of animals, taas oo sida ay xuseen wajigeedi hore guul iyo rejo badan muujinayo, hadii lagu sii wadana ay wax badan ka filanayaan.

Dhakhaatiirta oo rejo badan ka qaba tijaabadan ayaa ku doodaya in ay noqon doonto habka kaliya ee lagula dagaalamo buurnaanta, sida dhakhtarada sameeyay tijaabadani tilmaameen, dareerahan lagu muday jiirka ayaa boqolkiiba toban dhuubay, waxaanu sida ay ku warameen, dawadaasi hoos u dhigaysaa, hormoonada badiya baruurta jidhka aadamaha korta, halka dhinaca kale ay aad u dar dar galinayso, hormoonada jiilanaanta jidhka xoojiya.

Sida jariirada Daily Telegraph ee ka soo baxda dalka Ingiriisku ku warantay, koox khabiiro dhinaca caafimaadka iyo quutal daruuriga ah oo u dhashay dalka Britain oo sanadihii u danbeeyay ku hawlanaa sidii xal loogu heli lahaa, baruurta ayaa ku guulaystay in ay tijaabiyaan, talaal ay ku jirto, "Sumatostein" loogu yeedho, taas oo ah mid asal ahaanteeda ka kooban Borotiino dhufaanan, ama la tamar daraysiiyay, kuwaas oo buuxinaya halkii borotiinada baruurta dhaliya, laakiin badalkeedi yaraynaya.

Xigasho:Wargayska Saxaafi.

No comments:

Post a Comment