SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Aqoonta iyo dadkeeda.

Aqoontu waa marka qofku uu barto wax uusan horay u aqoonin, waxaaan loo qeybiyaa labo qeybood oo kale ah. Aqoon laga barto waayaha iyo cimriga kaas oo ah cilmi dhegood ama noloshu ay ku bartay iyo mid aad ka baratay Macalin ama Professor taas oo ah midda ugu fiican marka lagu daro waayo aragnimo aqoontaasi aadbay u anfacaa qofka.

Waxbarashu waxaa ay kaa qaadeysaa hoos waxaa ay kuu qaadeysa kor ama dabaqada sare waxayna kuu suuro gelineysaa in aad heshid nolol wanagsan oo qiimo leh oo ka duwan tan uu ku nool yahay qofka aan waxba garaneynin ama iska xoogsattada ha.

Waxaa intaasi dheer aqoonta labaranayo oo ah mid aad u kala duwan waxaa ugu waa weyn waa labo qeybood oo kale ah aqoon ku saabsan aduunka iyo sida loogu noolaado iyo mid la xariirta qofka aakhiradiisa taas oo ah tan ugu mihiimsan. Tacliinta ugu horeysa ee laga doonayo qofka Muslim aka waxaa ugu horeeya koow in uu barto marka hore Diinta Islaamka ugu yaraan tan asaasiga ah sida Salaada, Soomka, Xajka, Zakada,Jihaadka iyo dhamaan inta kale ee aan cibaada looga maarmin, markaas kedib waxaa uu qofku baranayaa wixii kale oo la xariira aduunyadiisa.

Waxaan sidoo kale laga rabaa qofka Muslimka ah in uu Qur,aanka barto oo uu ku dhaqmo si ilaahey ugu fududeeyo wax kastaee uu doonayo aduunka iyo aakhiraba, waana aqoonta ugu fiican ee uu barto qofka Muslimka ah.

Sidoo kale hamoogaan aqoontaada aduun oo hanoqonin qof wixii uu ubaahdaba qof kale ugu yeerta ee ugu yaraan wax uu ka baro farsamada aduunka midda aad isleedaahay waa ku anfici doontaa, balse xasuuso Allah SWT wax kasta oo aad sameyneysid si uu Allah kuugu gar gaaro oo uu kuu gaarsiiyo meel sare oo ah meel aan laga dhimaneyn iskana ilaali in aad ku caasisid oo aad Shaydaan raacdid, waayo dadka raaca meel xun iyo naar ayuu u horkacayaa.

Ilaahey hanoo naxariisto. Aam

W/Q: Daahir

No comments:

Post a Comment