SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Iftiinkacusub.com:Maanso cusub oo la magac baxday "Hormuud dhallinyaro"waxa tiriyay Abwaan,Yuusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

Sidaynu la wada soconno dhalinyaradu waa laf-dhabarka umad kastaa ay leedahay , waana kaydka dhabta ah ee ay haysato kuna faanto ,waana mid u baahan in si fiican loo dhiso marka hore ,si looga faa'idaysto mustaqbalka.


Abwaanku waxa uu maansadan ugu magac daray "Hormuud dhallinyaro"taasi oo uu ku baraarujinaayo dhalinta dalka,isaga oo markaasi sida maansada ka muuqata iftiiminaaya halka ay marayaan ama ay hiigsanayaan dhalintii la faca-ahayd ee Dunidu.

Waxa uu abwaanku maansada ku bilaabay:

1.Adduunyadan cilmigu heensadee helay mullaaxdiisa,

2.Adduunyadan haleeshee Dayaxa hore usii dhaaftay,

3.Qorraxdana dar haab-haabtayee lagu hayaamaayo ,

4.Adduunyadan ka haagtee nicmadu wada hillaacayso,

5.Hanqaltaag u dhimay duul faqriga haamaha u sidaye,

6. Gaajiyo harraad kama hormaro hohiyo cawlaane,

7.Halka uu fadhiyo kama hinqado badi hadhqoodaale ,

8.Habaaska iyo boodh lagu haftaa waa hiddo u raace,

9.Hayeeshee aniga hawlkalaa hibasho ii dheere ,

10.Haadaan waxaan sii lushaa huub indheer qodane,

11.Ma huraan qabiilbaan sediyo dhaxal u haystaaye ,

12.Hantidayda weeyaan yaraan laygu soo habaye ,

13.Reer hebel intaan haystaybaa layga haajiraye,

14.Qayrkay kasoo hadhay intaan hayb layuururaye ,

15.Naftaadoo hafeef kugu dishaad ka hadhsanweydaaye,

16.Axe hadalka hoos ii damqoow huqiyo ciilkayga ,

17.Hal xusuus ah taariikh horoo haybad lagu yeeshay ,

18.Nebigeennu SCW hawraarmurtile hoga tusaalaynta ,

19.Hadalkiyo xadiis nooga hadhay dhaxalka aan hayno,

20.Hawshiyo jihaadkuu galiyo himaladuu gaadhay ,

21.Guuluhuu haleeliyo intuu libino soo hooyey ,

22.Dhallinyaro haldooruu ku helay waa habkuu yidhiye,

23.Maantana haddaan haysanlaa heegan lagu dhaato,

24.Dhallinyaro hogbaa lagu guree soo hanqala boodda,

25. dhallinyaro habawgiyo ka baxay jahawareer haysta ,

26 Dhallinyaro hanweynoo midnimo haan isugu duuban,

27.Dhallinyaro hormuud noqonkartiyo duni hoggaankeeda,

28.Dhallinyaro tilmaan lagu hirtiyo hadaf u meelyaallo ,

29.Dhallinyaro habeen iyo dharaar hawl usara jooga,

30.Dhallinyaro halkay kaa xigaan lagu hallaynaayo,

31.Dhallinyaro hankoodiyo u mudhay horumar loo aayo,

32.Dhallinyaro halkoodiyo ku mudan ,hawl-karnimadooda ,

34.Dhallinyaro aqoon soo huwaday, hagayo maankoodu ,

35.Dhallinyaro hubkood yahay aqoon heerarsare gaadhay ,

26.Dhallinyaro dedaal horumarliyo guul hitiqinaaya ,

37.Dhallinyaro dalkoodii hantoo horumar gaadhsiiyey ,

38.Dhallinyaro halkaan tebayo iyo hore u guuraaya,

39.Dhallinyaro hashoodaa gabtaye cula hadhuubkeeda,

40.Dhallinyaro hurdada lagu gamoo nabada soo hooya ,

41.Dhallinyaro hayaay iyo tollaay aan ku habayaamin ,

42.Dhallinyaro danguud ku hammidoon beelo kala haysan ,

43.Dhallinyaro bulshadu hoy u tahay tuban hareertooda ,

44.Dhallinyaro ma haystiyo dhibbane hore u gaadhaaya,

45.Dhallinyaro halkay maagganyiin hadaw u jiidhaaya ,

46.Dhallinyaro hanuunjecel Islaam hodana Diinteenna,

47.Dhallinyaro hufnaan iyo dulqaad garasho heensaystay ,

48.Dhallinyaro hilowdoo wanaag laab isugu haysa,

49.Dhallinyaro habeen wacan dhashoo hoodo qabayaal ah,

50.Dhallinyaro habaar cidi ku odhan hadalsan mooyaane ,

51.Dhallin hooyo iyo aabohood ducada hoo leeyey,

52.Dhallin haybad iyo sharaf-lehoo lagu hagaagaayo,

53.Dhallin himiladoodii gartoo qalab u heensaystay ,

54.Dhallin hadalka miisaami kara weedha hidinteeda,

55.Dhallin heellan oo horumar jecel hawlo labanlaaban,

56.Dhallin halista beegsada markay ugu hagaagayso,

57.Dhallin baadil lama huursadee xaqa u haaneeda ,

58.Dhallin aan hoggii hore ku dhicin aabatakhan hoose ,

59.Dhallin aan hayaan dib ugu rarin hilinki aan eednay,

6o.Dhallin hadimo way nagu dhacdee lagu hilmaamaayo ,

61.Dhallin aan sidii damal dhalgalo qabawga hooskiisa ,

62.Dhallin aan ku hodannoo abaal dal ugu haynaayo,

63.Dhallin haawadayga iyo qaad aan u higiltaagin,

64.Dhallin aan huluulaha aqoon hayle madax saaran,

65.Dhallin aan hunguri qaadinoo maal qofkale haysan.

66.Musuqmaasuq laga haagay neceb waa hantida guude ,

67.Dhallinaro bulshadu haakah tidhi lama hilmaamaan ah,

68.Ma hayee Allaha hidinkarow noo hibee ubad san.

Amiiin.

Waxaa maansadan tiriyay Abwaan Yuusuf Rooble Xirsi (Sandoon)

 

No comments:

Post a Comment