SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hargaysa oo lagu qabtay Bariis Caag ka samaysan.

June, 15, 2017 Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa sheegtay inay baadhitaan dheer ku samayn doonto Bariis Caaga ka samaysan oo la sheegay in lagu arkay suuqyadda magaaladda Hargeysa.

Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay inay qayb tusaale ah ka qaadi doonto bariiskan, isla markaana ku soo baadhi doonaan wadanka Kenya, iyadoo xustay inay sharciga la tiigsan doonto ganacsatadda soo dajisay.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Cumar Shucayb oo bariiskan Caagga ah oo dadweynaha qaar soo bandhigeen inay bariis ahaan u iibsadeen wax ka waydiiyeen wasiirka, ayaa sheegay inay baadhitaan ku samayn doonaan bariiskaasi.

"Arrintan waxaanu ka balansanahay hay’adda tayadda Cuntooyinka oo baadhitaan baanu ku samaynaya bariiskan Caagga ah ee la sheegayo in dalka lagu iibinayo, waxaana qaadayna wax yar oo tusaale ah oo baadhitaan ku samayno, waxaanu u dirayna Nairobi, ama kuwo dalka dhexdiisa oo qaarkood lagu baadhi karo, xukuumad ahaan cidna raali laga noqon maayo oo talaabo laga qaadi doona cidda ay ku cadaato oo rusqadda ganacsina waa laga qaadi doonna."ayuu yidhi Cumar Shucayb.

Mar kale isagoo ka hadlaya sida sharciga loo horgaynayo, waxa uu yidhi "Waxa loo arki doonaa qofka cunto foojari ah keena waa qof cunto sun ah siinaya bani’aadanka, marka dabagal baanu ku samayn dooonaa oo talaabo ayaa laga qaadi doonaa."

Dhinaca kale, haweenay Bariiskan Caagga ah isticmaashay oo ku xanuunsatay ayaa warbaahinta uga xog warantay waxaanay sheegtay in bariiskan baadhitaan ay ku samaysay ku ogaatay inuu yahay Bariis caag ah.

Hodan Cabdi Warsame oo ah haweenayda soo bandhigtay Bariiskan caagga laga sameeyey oo ka hadlaysa Bariiskan waxay tidhi "bakhaaro ku yaalla Jigjiga yar ayaan ka iibsaday bariiskan caaga ah, way adag tahay in la kala ogaado labaddan Bariis ama wax badan kagama duwanna bariiska kale, markii aanu tijaabinay wuxuu ku jira jawaan Buluug ah Bariis suburiin baa la yidhaa, bariiskan haddii uu muddo badan saarnaado dabka ma jilcayo haddii aad biyo badan ku darta xiitaa ma jilcayo, baadhitaan markii aan ku sameeyey bariiska caaga ah marka la isku dhajiyo hadii uu dhulka ka soo boodayo waa bariiska Caagga ah haddii kale waa bariiska caadiga ah, marka kani sida kubada oo kale u boodaya, bariiskan caaga ahi marka uu isku dhago ma kala furfurmayo"

Sidoo kale, waxay sheegtay in Bariiskan ay ku xanuunsatay oo calooshu ku xanuuntay markii dhakhtarka tagtay ay ku sheegeen inay Gaastirig yahay, waxaase sheegtay in aanay xaafadooda iyo iyaduna toona waligeed lagu sheegin Gaastari, waxay sheegtay in bariiskan Caaga marka la isticmaalo muddo dheer ay arrin caafimaad oo halis keenayso, waxaanay sheegtay in Beerka qofka bani’aadanka uu qaadi karo kansalka beerka ku dhaca.

Bariiskan Caagga ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay wadanka Nayjeeriya oo lagu soo bandhigay bariiskan Caaga ka dib markii hay’adda kaantaroolka cuntooyinka ogaadeen in dalkooda soo gallay Bariis caaga.

Hargeysa, Somaliland.


No comments:

Post a Comment