SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hindhisadii iga timi ayaan Xabsi ku galay!

Wixii aad maqashaaba wixii kale ka darane maanta iyo qormadeena Layaabka Adduunka waxa aan ku eegi doonaa sheeko yar oo aad u layaab badan taasi oo ah Haweenay caan ah oo dunida laga yaqaano oo loo xidhay hindhiso kali ah inkasta oo warbaahintu sheegtay in ay haweenaydani markii ay hindhisadu qabatay ay si ula kac ah nin wajiga ugaga hindhistay.
Haweeneeydan ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii ay si ula kac ah ugu hindhistay wajiga nin  taasoo keentay inuu wajiga ninkaas  uu ku firdhado duufkeedu, waxaana la dhigay Will County Courtroom oo ah xabsi la dhigo dadka edeb darrada sameeya kaasi oo sheekadoodu noqotay arrinkii loogu hadal hayn badnaa warbaahinta.

Sida uu baahiyey telefishanka caanka ah ee Sky News Falkan waxaa sameysay gabadh lagu magacaabo Mellissa Estelle oo 24 sanno jir ah, isla markaana caan ka ah Channahon, gaar ahaan xaafadda Illinois, waxaana la dhigay xabsiga, sida laga soo xigtay Joliet Patch waana haweenay guud ahaan dunida gaar ahaanna Ingiriiskasi weyn looga yaqaano.

Estelle ayaa muddo lix saacadood ah ku jirtay xabsigan, wuxuuna sidoo kale ninkan sharci yaqaanka ahi kusoo eedeeyey inay ka diiday amarkiisii ahaa inay lugaheeda ka qaado kuriga. Ka hor inta aanay ninkaan kaga hindhisin wajigiisa iyadoo ka dibna duufkeedu wajiga ninkaasi ka gaadhay taasi oo ciidamada boolisku ku tilmaameen fal anshax xumo ah oo karaamada aadmaha ak soo horjeeda iyo xaqiraad ay ninkaa u gaysatay.

Si kastaba ha ahaatee, qoyskeeda ayaa soo daayey gabadhan lix saacadood oo xabsi ah ka dib markii ay bixiyeen qiimo lacageed dhan 1000 ginni oo ganaax ah.

No comments:

Post a Comment