SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sharaabka oo Habeenkii La Badsadaa Waxay Fududeeyaan Haraadka Iyo Awood Darada Soonka Maalintii.

Haddii aanad safar ahayn, ama aanad xanuun qabin, isla markaana aanad ahayn Hooyo uur leh ama nuujinaysa Ilmaheeda, ama aanay jirin cudur daar kale oo kaa joojinaya inaad soonto waxaa ku waajib ah, qof kasta oo muslim ah, qaan-gaadh ah inuu Soddonka cisho ee bisha Ramadaan soomo.

Haddaba qofka saa’imka ah inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan waxa la gudboon inuu wakhtiga habeenkii badsado cabitaanada dabiiciga ah si uu ugu babac dhigo wakhtiga maalintii ah fuuq baxa jidhkiisa ku iman kara.

Sida lagu sheegay warbixintaas waxa xiliga maalintii ee bishan Ramadaantu Ku soo beegantay ee sanadkan oo xagaagii ah, kuna beegan bisha Jun, uu wakhtiga maalintu noqon doona mid aad u kulul oo qofka soomani haraad iyo fuuq bax ku dhaca jidhkiisa dareemi karo.

Waxaana suura gal ah in Kulaylka badani qofka ku keeno, dhidid badan oo qofka ka baxaa kaas oo awood yaraan iyo hoos u dhac ku keeni kara dhiiga cad, haddii uu ku dheeraadana sabab u noqon karo inuu qofku fuuq bax ku yimi awgeed dawakhaad dareemo.

Haddaba kooxahan xeel dheerayaasha caafimaad ah ee ka kala socda dunidda muslimiinka inteeda badan waxa kale oo ay baadhitaankoodan ku ogaadeen in timirta xiliga afurka la cuno oo la badsadaa ay keeni karto kor u kac dhinaca caafimaadka saa’imka ah.

Sida ka muuqata waanada dhakhaatiirta caafimaadka aduunka ee bisha Ramadaan ee barakaysan sidii looga gaasham lahaa haraadka badan iyo fuuq bax ku dhaca jidhku, ku wada talinayaan waxa haboon in wakhtiyada habeenkii la badsado cabitaanada wax tarka u leh jidhka oo biyaha cadi ugu badan yihiin, kuwaas oo kordhiya dhiiga kana badbaadin kara inaad kulaylka jira dartii fuuq bax kuga dhaco.

Ogow in Biyuhu yihiin sharaabka ugu wanaagsan ee haddii qofku uu qiyaas macquul ah oo aan waxba u dhimayn ka cabo aadu yarayn kara fuuq bax iyo tamar daro kugu dhacda xiliga maalintii haddii shaqadu kugu dheeraato oo kulaylka falaadhaha qoraxdu kugu dhaco.

Xigasho.Wargaysaka saxafi

No comments:

Post a Comment