SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Taariikhda Boqortooyada Sucuudiga iyo Intii Boqor Soomartay.

Dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya waxa tan iyo intii la aasaasay xukunkiisa iska soo dhaxlayay, qoyska Reer Cabdi Casiis Aala Sucuud, waxaana markii ugu horaysay xukunka boqortooyada ee dalkaas qabtay Boqor Cabdi Casiis kaas oo muddo 21-sanadood ah xukunka hayay oo boqor ka ahaa, sidaana ku noqday boqorkii ugu horeeyay, wixii ka danbeeyayna waxa xukunka iska dhaxlayay inamada uu dhalay, kuwaas oo tiradooda guud ahayd shan iyo sodon wiil.

boqor Cabdi Casiis

Boqor Cabdi Casiis waxa uu dhashay sanadkii 1876-kii waxaanu dhintay 1953-dii, waxa uu Boqorkii ugu horeeyay ee Sucuudiga Noqday sanadkii 1932-kii, ilaa 1953-kii uu ka dhimanayay, waxa uu ahaa boqorka dalkaas, sida la sheegayna waxa ay da’diisu ahayd markii uu dhintay 77-jir.

Boqor Sucuud Bin Cabdi Casiis

Waxa xukunka ka dhaxlay oo ku xigay inamadiisa kii ugu waynaa oo kala badh intii uu xukunka hayay Cabdi Casiisna ahaa ninka leh dhaxalka dalkaas, boqor Sucuud Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, oo noqday boqorkii labaad ee dalka Sucuudiga, waxa uu dhashay sanadkii 1902-dii, waxa uu xukunka hayay muddo 11-sanadood ah, taas oo noqonaysa taariikh ahaan intii u dhaxaysay 1953-dii ilaa 1964-kii, waxaanu dhintay isaga oo 67-jir ah, sanadkii 1969-kii, hasa yeeshee waxa xukunka la wareegay walaalkii Boqor Faysal oo isagu dhaxal sugaha koowaad u ahaa intii uu xukunka hayay, ka dib markii uu is casilay boqor Sucuud shan sanadood ka hor intaanu dhiman.

boqor Faysal

Boqor Faysal Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud oo noqday boqorkii sadexaad, waxa uu dhashay, 1906-dii, waxaanu dhintay sanadkii 1975-kii, xiligaas oo la dilay isaga oo da’diisu ahayd, 69-jir, waxa uu boqorka dalka Sucuudiga ahaa intii u dhaxaysay 1964-kii ilaa 1975-kii, waxa uu isaguna xilka hayay 11-sanadood, sida boqorkii walaalkii ahaa ee ka horeeyay oo kale.

Boqor Khaalid Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud

Kaas oo ahaa dhaxal sugihiisi koowaad oo ahaa, Boqor Khaalid Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, kaas oo dhashay 1913-kii, waxaanu geeriyooday 1982-kii, isaga oo 69-jir ah, waxa uu boqor ahaa todoba sanadood oo kaliya, waxa isagana dhaxlay dhaxal sugihiisi Fahad Cabdi Casiis Aala Sucuud.

Boqor Fahad Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud

Waxa uu noqday boqorkii shanaad ee dalkaas, waxa uu dhashay, 1923-kii, waxaanu geeriyooday sanadkii 2005-tii, isaga oo 82-jir ah, waxa uu xukunka hayay, muddo sadex iyo labaatan sanadood oo ah intii u dhaxaysay 1982-kii ilaa 2005-tii.

Boqor Cabdalla Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud

Boqor Cabdalla Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, oo ahaa dhaxal sugaha koowaad ee Boqor Fahad waxa uu dhashay sanadkii 1924-kii, waxaanu dhintay todobaadkan aynu ku jirno bilowgiisi sanadka 2015ka isaga oo sagaashan jir ah, waxaanu xukunka hayay, muddo toban sanadood ah oo noqonaya intii u dhaxaysay 2005-tii ilaa 2015-kii.

Boqorkan dhawaan geeriyooday ee Boqor Cabdalle waxa dhaxal suge u noqday sanadkii 2005-tii, Amiir Suldaan Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, kaas oo dhintay sanadkii 2011-kii, waxa haddana dhaxal suge u noqday, Amiir Naaif Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, oo isna dhaxal sugaha ahaa ilaa sanadkii 2012-kii oo uu isna geeriyooday, ka dib haddana waxa dhaxal suge u noqday Amiir Salman oo isagu dhaxal sugaha sadexaad ahaa, laakiin markii labadii nin ee ka horeeyay dhinteen, ku soo booday sanadkii 2012-kii.

Boqor Salman Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud

Waxa uu noqday boqorkii 7aad ee Sucuudi Arabiya 2015-ka, waxa isagana dhaxal suge u ah, walaalkii ka yar oo lagu magacaabo, Amiir Muqrim Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud oo dhashay sanadkii 1945-kii, ahna wiilka ugu yaraa carruurtii Boqor Cabdi Casiis ama Goru danbayskii Cabdi Casiis.

Xaalada Nidaamka boqortooyada Sucuudiga ayaa markii ugu horaysay is badal lagu sameeyay sanadii 2012-kii, ka dib markii dhaxal sugaha sadexaad ee dalkaas loo magacaabay Amiir Maxamed Bin Naaif Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, kaas oo mar loo wada magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dhaxal sugaha sadexaad ee Amiir Muqrim ku xiga, waxa sanadkii 2014-kii, haddana loo magacaabay dhaxal sugaha labaad.

Wiilkan oo uu dhalay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Sucuudiga ahaana dhaxal sugihii labaad Amiir Naa’if, waxa uu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee laga soo dhex xulo jiilka labaad ee boqortooyada ama qofkii ugu horeeyay carruurtii uu awoowga u noqonayo boqor Cabdi Casiis oo markii hore Inamadiisa oo kaliyii iska dhaxlayeen xukunka. Waxa kale oo uu Maxamed Bin Naa’if Bin Cabdi Casiis noqonayaa qofka ugu da’da wayn carruurta awoowga uu ahaa boqor Cabdi Casiis.

W/Q.Ahmed Rooble.

No comments:

Post a Comment