SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Miyaad garanaysaan sababta aan ugu biiray kooxda Al-Nusra ?

Sarkaal sare oo hadda ka tirsan kooxda al-Nusra oo yaraantiisii ku bar-baaray magaalladda Sydney, ayaa sheegay in sababii uu ugu biiray kooxda argagixisada ee dalka Suuriya ay tahay,
kadib markii dowladda Australia ay ka kansashay ama ay ka joojisay Passport-kiisa.

Mostafa Mahamed, ayaa kasoo muuqday YouTube-ka, isaga oo ka tirsan jabhada al-Nusra tan iyo sanadkii 2012.

33-sano jirkaasi u dhashay dalka Masar, ayaa dhowr-jeer isku dayay in dhalashooyin Yurub ah uu qaato balse dhibaato ka heysata xaga ku hadalka Luuqada English-ka ayuu ku waayay Passport in uu helo.

"Sababta aan ugu biiray Argagixsada waxaa ay tahay, kadib markii ay madaxda Australia ay joojiyeen passport-keyga", ayuu mar kale ku celiyay.

Markii ay sidaasi ugu dhacday, kadib ayaan goostay in aan dagaalamo oo aan aargudsado, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Jabhada al-Nusra ayaa sanadkii lasoo dhaafay bedeshay magaca waxaana ay la baxday Jabhada Fatah al-Sham.

Sababta ugu badan ee dhallinyarada ka tagta wadamada Yurub ee ku biirta dagaallyahada argagixsada ayaa lagu sheegaa in ay ugu weyntahay cadaadis ay kala kulmaan wadamada Yurub ee ay la noolyihiin.

No comments:

Post a Comment