SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dawladda Masar oo codsatay in ay ciidamo u dirto xadka Eretareya iyo DJabuti u dhaxeeya.

Dawladda Masar ayaa la sheegay inay qaadatay go’aan ah inay buuxiso kaalintii ay baneeyeen ciidamada dalka Qatar ee xuduuda u dhaxaysa dalalka colka ah ee Djibouti iyo Ereteria.

Warar soo baxaya oo dhex wareegaya xidhiidha diblomaasiyiinta, ayaa sheegaya in dawladda Masar Djibouti iyo Ereteriya u soo bandhigtay inay dhulkaas ciidamo gayso si ay buuxiso kaalintaas ay dawladda Qatar banaysay. Lama oga jawaabta rasmiga ah ee ay Ereteriya iyo Djibouti ka bixiyeen dalabka dawladda Masar, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in dawladda Ereteriya soo dhawaysay talaabadaas, laakiin dawladda Djibouti ayaa la sheegay inaanay weli aqbalin soo jeedinta Masar.

Ereteriya ayaa sababta ay u aqbashay ciidamada Masar inay halkaas yimaadaan, waxa lagu macneeyay jawaab diblomaasiyadeed, maadaama oo uu dagaal siyaasadeed ka dhexeeyo dalalka Masar iyo Itoobiya, waxaana suurtogal ah in Itoobiya ka hortagto in Masar ciidamo keento dhulkaas, maadaama oo Itoobiya la wadaagto xuduud Djibouti iyo Ereteriyaba.

Dalka Djibouti ayaa isna la sheegay inuu door bidayo in xuduudaas la geeyo ciidamo ka socda dalka Sucuudiga oo Ereteriya iyo Djiboutiba la leh xidhiidh wanaagsan islamarkaana aan lahayn xaasaasiyad siyaasadeed oo gobalka ah

No comments:

Post a Comment