SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wiilka Siilaanyo sodoga u yahay ,Baashe Cawil ,ninka Moorgan u bixiyay Moorgan ma yaqaano!

 
Waxa aad inta badan baraha warbaahinta ku arkaysaa, qoraalo iyo hadalo lagu duraayo Baashe Cawil Cumar oo uu sodog u yahay Madaxwane Axmed Siilaanyo ,Baashe waxa ay warbahintu ugu yeedhaa naanaysta aanu u qalmin ee ,Baashe Moorgan amma Moorgan.

Runtii hadii aad dacayadahaasi iyo xaqiraadaasi loo gaysanaayo ninkaasi aad istidhaado baadhis ku samee ,isla markaasna raadi waxa uu ninkani ku kasbaday in uu magacan Dilaaga Moorgan,waxa kuu muuqanaysa in aanu jirin sabab ninkan magacan loogu bixiyaa.

Hadaba Moorgan waa kuma ,Baashe Cawilna isna waa kuma ,ma yihiin laba qof oo isu dhigma amma loo kala dabqaadi karo ,marka laga tago in Moorgan uu Sodog u ahaa Maxamed Siyaad barre Madaxwaynahii Somaliya ,halka uu Baashana uu sodog u yahay Axmed Siilaanyo Madaxwaynaha Somliland.

Moorgan waa dhiigya cabkii dhibatada iyo burburka Somaliland in badan u gaystay ,waa ninkii bixiyay amaradii iyo dumintii magalada Hargaysa ,marka laga yimaado Cali Samatar,Moorgan maha oo kaliya in uu dhibaatoyinkaasi iyo kuwo la mida uu u gaystay dadka Somaliland oo kaliya,waxa sidoo kale uu dhibatoyin badan oo xasuuq ka gaystay Koonfurta Somaliya.

Marabo in wakhti badan aan ku lumiyo ka sheekaynta Moorgan ,waayo waxa aan ogahay in aan dadka badan kiisa looga sheekaynayn ninkaasi waxa uu ahaa,balse ujeedada qoraalkaygu waxa ay tahay sababta cad oo Baashe Cawil loogu bixiyay Magaca Dilaaga Moorgan

Markii aan wakhti aad u badan ku bixiyay in aan ogaado sababta cad ee ninkaasi Baashe Cawil loogu bixiyay magaca Moorgan ,waxaa isoo baxday arimahan hoos ku qoran:-

1.Horta cida uu magacani awalkiiba uu kasoo fulay maha kuwo siifiican u yaqaana Moorgan,amma garanaaya xasuuqii iyo dagaalkii uu lasoo galay Somaliland .

2. Cida magacan bixisay amma ilaa hadda ku hadaaqaysaa,waxa laga yabaa in ay magacan uga jeedaan oo kaliya ,in Madaxwayne siilaanyo uu Sodog u yahay Baashe sida uu Maxamed Siyaad Barre Moorgan ugu ahaa Sodoga,waxa suura gal ah in aqoontooduba ay tahay in ay halkaas uun ka duulayaan.

3.Waxa kaloo dhici karta in uu xasad ku jiro,waayo wayadan waxa inagu badan ,xasanda iyo xaasidka ,ilaa heer aynu gaadhnay in aynu qof iska nacno sabab la'aan amma qabiilkiisa awadii,taasi oo maanta yar iyo wayn aynu ku aafawnay.

4. In dadka Baashe Cawil ku sheegayaa Moorgan in ay Moorgan u haystaan in uu yahay nin fiican,waayo hadii ay aqoon u lahaan lahayeen sidan umay caayeen.

Hadii aan intaasi kaga tago sababaha aan isleeyahay malaha ninkan waa loogu bixiyay Moorgan,waxa kaloo iyana meesha ku jirta,madama uu Baashe uu yahay Safiirka Somaliland u fadhiya Dawlada Imaradka Carabta, ay muuqatana in uu yahay nin shaqada uu hayo aad uga muuqda,waxa aan isleeyahay halkaasina waxa aad ka garanaysaa in ninkaasi sabab cad oo Moorgan loogu bixiyaa aanay jirin.

Waxyabaha aan aadka ula yaabay waxa kaloo ka mida,baraha warbaahinta qaar ka mida ayaa waxa ay soo dhigeen sawiro amma hal sawir oo uu ninkaasi Baashe leeyahay isla markaana ay la sawiran tahay Xaaskiisa Luul Axmed Siilaanyo.

Ninkii amma barahii sawirkaasi soo dhigay,waxa ay faalo ka bixiyeen sawirkaasi iyaga oo ku eedaynaaya in Baashe in goob fagaare ah uu gabadhiisa ku dhunkaday ,balse sida sawirka ka muuqata fikirkaa way ka duwan tahay,waxana kuu cadanaysa in sawirkan ay baadidoon iyo ku xumayn ay raga qaar u raadiyeen kadibna waxaan ceeb lahayn ay rabaan in ay ceeb ka dhigaan,iyada oo ninku ooridiisa xalasha uu dhunkan karo meelkasta.

Runtii anigu kama hadlaayo, amma ma difaacayo xumaan uu leeyahay Baashe Cawil,balse waxa kaliya oo aan ka hadlaya waxa ay tahay in aanay aqoon u lahayn Moorgan nimanka Baashe Moorgan u bixiyay,Baashe ma xasuuq ayuu gaystay,ma dad ayuu idinka layay ,maxay ayay tahay sababta ninkan muwadinka loogu bixinayaa Dilaaga wayn ee Moorgan,saw garasho la'aan maaha.

Soomalida waxa isaga caado ah in ay qof iska nacaan sabab la'aan sidoo kalana ay qof iska jecladaan sabab la'aan;waxa taasi kuu cadaynaya qisadan yar ee hoos ku qoran:-

Waxa ay somalidu sheeko mala'awaala ku tidhi, nin Somali ah ayaa waxa uu tagtay Aakhiro ,kadibna waxa uu tagtay Albaabka JANADA laga galo,waxa uu arakay dadkii janada galaayay oo kuyuu amma saf ku jira isla markana ay Malaa'igtii Ilahay ay kolba qof sii daynayso.

Ninkii Somaliga ahaa ayaa waxa uu arkay in safka Janada galaaya uu ku jiro nin Somali ahi ,kadibna inta uu Malaa'igtii la hadlay ayaa waxa uu ku yidhi kaas (ninkaas Somaliga ah)Janada yuu galin ee ka joojiya hadaad Malaa'igta tihiin.

Kadibna Malaa'igtii ayaa ninkii laha ka joojiya aya waxa ay waydiyeed su'aal? waxanay ku yidhaahdeen maxay ayaanu uga joojinaa Janada noo sheeg danbiga uu galay ?kadibna ninkii Somaliga ahaa halkii laga sugaayay in uu ninkan uu Janada u diidaayo in uu danbi kusoo oogo ,ayaa waxa uu Af'buuxa ku yidhi WAA MID XUN ,OO AAN NECBAHAY.

Bilaahi caleeg u fiirso xaata janada ayaynu iska hortaagaynaa qofka muslimkaa inaga oo aan wax dhaliila aan u haynin.waxa ay ilatahay ceebaynta iyo magac xumada lagu hayo ninkaasi Baashe Cawil waxba kama duwana ninkaasi yidhi "waa mid xun oo aan necbahay.

Hadii madaxwayne kasta hablaha uu dhalay raga guursada aynu Moorgan magaca layidhaa ugu wan-qalno ,saw ceeb inaguma aha, balse aan su'aal idin waydiiyee reer magac bixiyoow, Madaxwayne kasta inamada uu dhalo, hablaha ay guursadaan ,maxay ayaynu iyagana u bixindoonaa??
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar