SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sadaxdii madluum yaa u miciina ?

Siyasadu waa suldaaro,waligaa ha aminin nin siyaasi ah saxiibkaba ha ahaadee,taas macnaheedu maaha in aan uga jeedo ,siyaasadu waa wax xun, siyasiguna waa mid dulmi badan oo aan la aamini karin.

Balse waxa ay ujeedadaydu tahay siyaasadu malaha saxiib joogta ah ee waxa ay leedahay danjoogta ah,hadba qofkii aad isku dan noqotaan ayaad dhinaca siyasada saxiib iskugu dhaw-dihiin.

Waxa kaloo ay siyasadu leedahay ,dano gaar ah oo lagu xusho qofka siyasiga ah sida Qabiilka,dhaqaalha,gobolka uu kasoo jeedo iyo kartida iyo aqoonta uu leeyahay ninka siyasiga ahi.

Laba nin oo siyasiyiin ah isla markana saxiib runa ah,ayay siyasadu waxa ay hal saac gudahood ka dhigi kartaa col-daahii-go'ay,sidoo kalana laba nin oo siyasada si xun iskaga soo horjeedayna waa ay walalayn kartaa.

Hadaba arimaahisi oo dhami waxa ay u bahan yihiin ,qof siyaasada u bisil,una arka hadii wax kasta ay ku dhacaan in uu kasoo kaban karo,balse maaha in uu la colaytamo cidii ay siyasada iskaga soo horjeedeen.

Hadii aad aragto nin xariifnimada siyasada lagu suldareeyay,ha u qadanin in uu siyasada ka baxay amma uu ka bixi doono, balse u arag in uu yahay nin waxyar kufay balse kici doona,taasina waxa ay ku xidhan tahay hadba khibrada uu siyasada u leeyahay qofkaasi.

Saxiibkaga ugu qaalisan hadii ad siyasada iskaga hortimadaan,taas macnaheedu maaha in aad kala dhimateen,yaan laga maqlin hadalada iyo odhaahda dadka kala disha,waayo waxa dhici karta in hadana aad bari isku xisbi noqotaan.

Siyasadu waa sida Tiimka cayaraha,hadii aad shalay kooxdan u cayaraysay aadna ahayd laacibka ugu khatarsan ee golasha u dhaliya,waxaa dhici karta in bari kooxdii kasoo horjeeday aad u noqoto laacibka kaliya ee ay ku fanaan.

Tabcada iyo suldarada siyaasadu dadka qaar waa ay jaha wareerisaa,waxanay ku keentaa in aanay siyasi danbe aanay aminin,amaba waxaba dhacda in uu siyasada oo dhan oo ka xanaaqo kadibna uu Dukaanyar meelahaasi ka furto ,marka lala soo hadal qaadana uu ka xanaaqo isaga oo siyasada iyo siyasigaba ceebaynaaya.

Way dhici karta in waxa aynu inagu u naqaano siyaasad in dunida qaarkeed loogaba arko waxyaabo foodo ah, madama aanay ku dhisnayn siyasadeenu inta badan horumarka dadka iyo dalka toona,ee ay inagu badan tahay siyasada danaysiga shakhsiga ah.

Hadaba aniga oo usoo gunda dhacaya qoralkaygan,ayaan waxa aan jeclahay in aan halkan waxoogaa faalo ah aan ka bixiyo sadax nin oo siyasiyeen Somaliland ah,kuwaasi oo kala ah :-

1.Cabdiraxmaan Cabdilqaadir Faarax

2.Jamaal Cali Xuseen

3.Axmed Muumin Seed

Runtii sadaxdan nin waxa ay ka mid ahayeen siyasiyiinta la odhan karo,waxa ay ahayeen kuwo dhinaca siyasada aad ugu fadalo cadcadaa,in badana ka dhex muuqday masraxa siyasada ee Somaliland.

Hadaba sadaxda siyaasi maxay ayaa ku dhacay ,ma la odhan karaa qaarka mida waxabay u eegtahay in ay siyasadaba ka tanasuleen kadib markii ay kasoo gaadhay hagar-damooyin aan lasoo koobi karaynin.

Bal waxyar anu dul istaagno midkasta oo ka mida sadaxdan nin iyo sababtii ka liftay in dhinaca siyasada ay isku fahmiwayeen saxiibadoodii kale,taasi oo keentay in ay ku colobaan oo aan marnaba maaro loo helin xurguftii siyasadeed ee ay lasoo kulmeen.

1.Cabdiraxmaan Cabdilqaadir hadii aynu ku horayno ,waxa uu ahaa nin wakhti iyo dhaqaale aad u badan galiyay sidii uu madaxwayne ku noqon lahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xisbigiisii Kulmiye.

Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa dadkii farakutiriska ahaa ee Xisbiga kulmiye sida aadka ah ugu jibaysnaan jiray ,gaar ahaan madaxnimada uu aadka ula jeclaa Axmed Maxamed Siilaanyo,tasoo uu ku gaadhay heer ilaa uu ku dhawacmo,xubno qaaliya oo jidhkiisa ka mid ahina ay dhawacmaan.

Cabdiraxmaan wakhti aad u badan ayuu soo galiyay koboca iyo horumarinta dhinaca siyasada ee xisbiga Kulmiye,inkasta dadka qaar markaasiba ay u arkayeen Cabdiraxmaan in uu yahay in siyasada sin-barbar ugu jira ,taasi oo loo macnaysan karo in aan wax badan faham sanayn xaalada iyo xeelada xisbiga Kulmiye ee uu markaasi ka midka ahaa.

Cabdiraxmaan waa nin aftahan ah ,qosol badan ,sheeko badan Cabdiraxmaan waxa lagu xantaa in aanu inta badan shirarka xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye aanu ka warhaynin awaamiirta iyo talooyinka laga soo saaro,kaliya waxa uu kalsoonida ku qabay Axmed Siilaanyo.

Cabdieaxmaan Cabdilqaadir isaga oo lagu tirinaayo in uu ka mid yahay Xisbiga Kulmiye ayaa hadana waxa ay madaxda xisbigu Cabdiraxmaan u haysteen in uu yahay nin aan kalsooni badan ku qabin xisbiga kulmiye gaar ahaan xidhiidhka isaga iyo Muuse Biixi u dhaxeeya.

Hadaba qaabkii iyo sidii Cabdiraxmaan Cabdilqaadir loola dhaqmay wakhtigii danbe waxa ay ahayd mid aan wanaagsanayn kadib markii 15/4/2012 Cabdiraxmaan si garba-duuba looga soo saaray shirkii kulmiye.Cabdiraxmaana waxa uu noqday mid siyasada dibada uga baxay uu Dukaankiisa iska furtay.

2.Jamaal Cali Xuseen waxa uu ahaa musharaxii xisbiga Ucid kaasi oo loo doortay tariikhdu markii ay ahayd 22/10/2012 kadib markii shirkii xisbiga Ucid ee uu Gudomiye Faysal Cali Waraabe loogu doortay in uu yahay musharaxa Xisbiga.

Hadaba maxay ayaa dhacay, intaasi wixii ka danbaysay,runtii Jamaal waa nin iska-daacad ah,markii Musharaxa laga dhigay waxa uu arkay in aanay jirin cid ka daba imanaysaa musharax nimadiisa ,waayo Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa,Islaamow run sheeg islamoowna uga qaado.

Iyada oo ay taasi jirto, ayaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu iskula sheekaystay in aanay musharaxnimada Jamal Cali Xuseen aanay anfacaynin,ma garan karo sabab ku kaliftay oo aan ahayn in uu Jamal iska dhex arkay ama haatufka lagala soo hadlay.

Dad badan oo siyasada u dhuun daloola,waxa ay guuldarada siyasada ee Jamal u dacal-sarayaan,kiiskii uu Jamaal ka furtay gudida dooroshooyinka xisbiyada,taasi oo bar-bilawgiiba soo saartay in aanu Jamaal ahayn musharax sharci ah,waana halka Jamal laga wiiqay ee ay ka timi guuldarooyinka is-biirsaday ee marba-marka ka danbaysa iska daba imanayay,ilaa heer uu xisbigii Ucid mar sadaxaad Faysal Cali Warabe loogu cumamado jagada musharaxnimada.

Jamal Cali Xuseen wakhti aad u badan ayaa uu ahaa nin hadhi waa'ah,ilaa heer uu gaadhay in isaga oo Indhahiisu ay shan yihiin musharaxa xisbiga loo magacaabo Faysal Cali waraabe,dawlada iyo gudiyadii ku shaqalahaana ay ku tageeraan gar iyo gardaraba.

Waxaa iminka aad goobaha warbaahinta ku arkaysaa ,shirar duceedyo uu Jamal Cali Xuseen uu la galaayo ,labada Xisbi ee kala ah Wadani iyo Kulmiye,taasi oo ay dadka qaar u arkaan in Jamal ay naaqusnimo ku tahay "xaaraaaaaaaaan-ah" in uu shir la galo xisbiga Kulmiye sababta oo ah waxa ay dadkaasi ku doodayaan in uu Kulmiye yahay kii seejiyay Madaxnimadiisii.

Dadka sidaasi u doodayaa,waxa aad moodaa in ay laba garab u kala jabsan yihiin,qaar leh xisbiga Wadani ku biir halkaasi ayaad ka aarsanaysaaye iyo qaarle oo leh siyasadaba iskaga hadh oo sidii aynu hore usoo sheegnay Dukaan iska furo.

Waxa kaloo iyaguna jira qolo sadaxaad ku talinaysa in Faysal uu dib ula heshiiyo ,walaw ay kuwaasi yihiin kuwo aad u tiro yar,oo aan sidaasi u badnayn,balse aan jeclayn ku biirista labada xisbi ee Wadani iyo Kulmiye.

Hadaba isku soo wada duuboo,sidii aynu horayba usoo sheegnay siyasadu malaha wax saxiib ah joogta ah,balse waxa ay leedahay dan joogta ah,sidaas awadeed ma dhici kartaa in uu Jamal Cali Xusen si kalgacal iyo farxadi ku jirto in uu ugu biiro xisbiga Kulmiye,waxa aan leeyahay haa waa ay dhici kartaa.

3.Axmed Mumin Seed, waxa uu ahaa gudoomiye xigeenkii Xisbiga Wadani,waxa uu ahaa nin inta badan u hadla Xisbiga gaar ahaan marka loo jawaabayo xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye,waxa uu ahaa nin markasta u-guntan jawabista xisbigaasi.

Axmed Muumin,waxa uu in muda-ahba uu ku shaqaynayay gudoomiye xigeenka Xisbiga Wadani,taasi oo uu filayay in uu noqon doono musharaxa u taagan jagada Madaxwayne Xigeenka xisbiga Wadani,isaga oo isku dhufsaday xisaab ah 2+2=5 halkaasi waxa kasoo baxday xisaab qaldan oo uu Muumin Seed isku dhifsaday.

Rag-isgurayee,siyasigu saxiib malaha,Muumin Seed waxa loo degay shax uu in muda ahba uu filayay in ay ku dhacayso,balse waxa uu ahaa nin isdiidsiiya falaadha kusoo maqan ee aanu dhinacna uga gudbi karin, taasi oo aakhirkii Indhahiisa oo shan ah laabta laga saaray.

Hadaba Muumin Seed ,waxa uu noqday waa halkii xerta qayiladee,inkasoo aanu Cabdiraxmaan Cirro qaadka cunin ,hadana Muumin Seed waa loo qayilay cid-qayishayba,kadibna waxa soo baxday in karkaarka la waydaariyo.

Waxa lagu sameeyay Xarfad wayn, hadana marka dhinac laga eego loo muujiyay in ay tahay mid sharciga ku dhisan,waa markii la iswadariyay isaga iyo ninkii xisbiga ku cusbaa ee Maxamed ,kadibna dhinaca dorashada lasoo hormariyay ninkii kale,Muumin Seedna xaga danbe laga tuuray.

Hadaba dadka badan kiisu waxa ay iswaydiinayaan Muumin Seed madamaa ay ku dhacday siyasadaa sida Laadhuuda loo cayaaray ee la iska arkayay maxay ayuu yeeli doonaa,balse xisbigee ayuu ku biiri doonaa.

Muumin Seed aniga ilama aha, in halka Jamal Cali Xuseen oo wali la saadalin la yahay xisbiga uu galaayo,ee waxa aan isleeyahay Muumin seed waxa uu isaga iyo kooxdiisuba ay isku shubaysaa xisbiga Kulmiye,halkaasi oo uu rabo in uu madaafiicda siyasada kasoo rido cid uu wax ku yeelaba.

Waxa kaloo aad moodaa in uu Muumin Seed siyasad qabaw uu dhex dhigay reerka uu kasoo jeedo ee Samaroon,kadib markii uu warbaahinta ka sheegay in Boorame ay ku tartami doonaan isaga iyo ninka Booskiisoo loo comaamaday.

Waxa aan qoraalkan kusoo gaba-gabaynayaa,sadaxdan siyaasi waxa ay u muuqdaan kuwo siyasada si daacad ah isugu dhiibay,balse aan si daacad ah aan loola dhaqmin,mana aha in ay siyasada ka baxaan ,ee waa in ay siyasada ay ciyarayaan ee LAADHUUDA u badalaan siyasada SHAXDA.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar