SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaa Marxuumiinta dhintay loogu magac.daraa koob ciyareed-ka ??

Waxaa baryahan caado inoo noqotay,wax la yidhaahdo koobka cayaraha ee loo qabto marxuum hebel midkuu doono ha ahaadee , waxa aad moodaa in dhaqan kaasi uu aad onoogu sii fidaayo,taasi oo aad arkayso iyada oo dhaqaale aad u badan lagu bixinaayo.

Qofkasta oo madaxa oo dhintay waxa uu la Kulmayaa Ilahay SW kadibna waxa uu agtiisa ka helayaa wixii uu shar iyo khayr uu lahaa,waxa kaliya ee inaga la inooga baahan yahay waxa ay tahay in aynu u ducayno,taasi oo kaliya ayaa aynu wax ugu tari karnaa.

Balse hadii aynu maanta oo dhan Kubad garoonka eryano,oo aynu nidhaahno waa maalintii Koobka marxuum hebel, taasi waxa ay noqonaysaa macaasi iyo danbi aynu nafteena ka galayno,hadii marxuumkaasi dhintay uu isagu qayb ka yahay in marka uu dhunto kubad loo soo cayaaro iyana waxa uu qayb ka noqonayaa danbigaasi ifka uga socda.

Hadaba miyanay ka fiicnayn inta nin marxuum ah oo iangu qaali ahaa aynu maanta oo dhan garoonka kubad eryan lahayn,oo lagaba yaabo in macaasi iyo isdil uu ka dhaco in aynu dhaqalaha yar ee aynu kubada iyo cayaraha ku bixinayno ,maynu uba sadaqayno taasi ayaa gadhaysa oo la hubaaye.

Kubadkasta oo loo qabto nin marxuum ah,waxaa ku baxa dhaqaale aad u badan oo xataa wax badan ka tarilahaa bahiyaheena asaasiga ah iyo sadaqad aynu marxuumka u bixino Ilahayna aynu kaga cabsano.

Waxa laga yaaba inta aynu isleenahay marxuumkii ku xasuusta ciyaartaasi ,in labada kooxood ee aynu kubada cayaar siinaynaa in ay isku khilafaan kadibna ay halkaasi kaba dhalato danbi aad u wayn oo keeno kara isku dhac iyo dagaal.

Waxaa kaloo iyadana dhici kara,in koobkaasi kubada ah dadka dawanaya ee rag iyo dumar laysugu keenay in dhexdooda ay ka dhalato macaasi iyo wax aan diintu ogolayn,taasina waxa ay ku tusinaysaa in aanay marnaba haboonayn in marxuumiinteena dhintay aynu kubad iyo cayaar ku xasuusano.

Ma'ogtahay in marxuumka aynu kubada iwm aynu ku xasuusanaynaa in uu intaasi inagala qaalin san tahay,waxa dhici karta in uu ahaa halyay dadka iyo dalkaba wax usoo qabtay,kaasi oo aan inagaba mudnayn in aynu kubad ku xusno,intii aynu Ilahay u baryti lahayn in uu cadaabkiisa ka badbaadiyo Janada Fardawsana uu galiyo.

Waxaa caqliga saliimka ahi uu ina barayaa in Kubad aynu maanta oo dhan aynu garoonka eryaynaa in aanay waxba ka tarayn marxuumkii,hadii aynu uga jeedno xasuus iyo in aan la ilaabin marxuumka,waxaa ila haboon in aynu buugaag iyo qoraalo tariikhdiisa ku saabsan aynu ka reebno ,si ay dadka danbana wax uga ogaadaan,lakiin hadii aynu midkasta kubad u cayaarno waxa halkaasi ku lumaysa tariikhtii uu lahaa marxuumkaasi,kuwa inaga danbeeyana iyaguna waxa ay raacayaan jidkeenaasi oo kubad ayay u cayarayaan.

Waxa aad mararka qaar arkaysaa wasarad dhan oo lacag iyo dhaqaale u raadinaysa,xuska koobka kubada ee la xusaayo marxuumkaasi dhintay,Nabigu csw waxa uu inoo sheegay in qofkasta oo dhinta waxa raacaya ,sadax arimood oo kala ah .Walad saalixa oo usoo duceeya,sadaqad loo bixiyo iyo shay waqafa oo uu ifka kaga tagay intuu nolaa.

Hadaba kuma jirto Kubad loo cayaaro dadkeena dhintay ee aynu u ducayno,oo aynu ka dayno dhaqamadan aynaan lahayn ee aynu soo waaridnay,kuwaasi oo ilaa hada meelna inoo wadi la khilaafkooduna uu inagu batay.

Khadar Ibrahim Aar-